Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((1-2-Dhinaca Siyaasada iyo Damaaciga)).

waxaanan qormadan ku falanqeynayaa mid aan ku tibaaxey Maqaalkii hore ee„Dalkii hooyo xumaan w iyo wanaag waxaan kusoo arkey“. Qaybta Qurbo-joogta oo aan sheegey iney waddanka dhib ku hayaan qaarkood, dhibtaa oo dadka qaarkii isoo weydiiyeen inaan sii faahfaahiyo, hase yeeshee aanan halkan kusoo wada bandhigi karin, waxase ka mid ah sidaan sheegey:
 
((Qurbo-joog j Balwad iyo xumaan wadanka u soo waarida oo gabdhihii yaryaraa ka baxsan waayeen, fasahaadka ay wadaana lacag iyo Doolar ku faafinaya)). Akhlaaq xumadaas oo aad ka dareemeysid dariiqa ay marayaan oo ay ka dhex muuqdaan Dadka kale, waxaanad ku garanaysaa dharkooda aadka uuga duwan kuwa wadanka joogey iyo qaab-xumada ay qaarkood ka soocan yihiin.
 
a.       Waxaan aad uugu dareemey marka habeenkii la gaadho, meel aad ku soo caweyseysana ka timaado, waxaad arkeysaa Suuqa hoose ama meelaha ay u damaashaad tagaan oo weli shidan, guryaha ay galaan oo lagu sii qulqulayo ama laga soo dareerayo iyada oo wada socodka gabdhaha iyo wiilashu aaney kala soocneyn, waxaana uugu daran Guryaha  ay u kireysteen iney ku caweeyaan oo waxay doonaan ku sameeyaan, taas oo aaney caadi ahay dadka galaya ama soo baxayaa.
 
Si aan loogu qaadan inaan ku talax tagayo, arrinkaasu wey jirtaa oo mararka qaarkood waxa loo diraa Ururkan ama Hay’ada „Wanaag farista iyo Xumaan reerbka“, hase yeeshee aan awood iyo Xoog midna u haysan beddalaada xumaantaasi, taas oo Askartiina laga qaadey, shidaalkii iyo Gunadiina laga jarey si ay meeshu Xumaantu xorriyad u ahaato!
 
b.      Lebiska Ajnabiga  ee ay soo waaridaan iyo socod xumada ka muuqata Qurbo-joogtu. Waxaad arkeysaa gabdho iyo wiilal wada socda ama kala socda oo si aan caado iyo dhaqan midna ahayn u labisan oo xataa Dirac aan suuqa loola bixin intey gabdhuhu kusoo baxaan qaawan oo  Rag iyo Dumarba la eegayo, ileyn waaba laxishoodaa oo Dadkaa la ixtiraamaaye, waxay u baratey Gabdhaasu Xorriyadii qaawanaanta ahayd ee Qurbaha oo aan laysla hadal, markaas wey indho adkaatey oo cidnaba kama baqaneyso, Inan loo yaqaan waa reer hebel oo cirdiga iyo Sharafteeda wax kula hadheysana ma aha, sababtase waxa leh:
 
a.       Waalidka keeney ama ay la socotey ee soo direy, ee aan horeba u sii barin iney tageyso Dalkii hooyo oo dhaqan iyo Diin lagaga dhaqmo, meelaha qaarna aan looga baran Gabdh iyo Haweenku iney cawradooda suuqa keenaan oo sidaa u socoto.
 
b.      Dadka iyo Qaraabada ay u timid ama dadka ay kusoo degtey ama la saaxiibtey oo Doolarka ka gurta oo kolba meel soo tusa mooyee aan u sheegin Xumaanta ay leedahay is qaawintu, taasna Qolqol-joogta dalka ayaa ka Mas’uul ah.
 
c.       Culumada Dalka oo aan Barnaamij u sameyn wacyi gelinta Dadka soo xagaa baxay ama Dalka u yimid iney soo arkaan Dadkoodii iyo Dalkoodii, kuwaas oo aan looba qaban soo dhaweyn iyo fahansiin sida dadka looga dhaqmo ama intey joogaan sida looga faa’iideysto, taas oo u baahan in Barnaamij loo sameeyo.
 
d.      Dawladda iyo Mas’uuliinta  oo aan meelna ku qorin sida dadka soo galayaa u dhaqmaan, waayo Waddan kastaa wuxuu leeyahay habdhaqan iyo caado ka sarreysa  cida u imanaysa meel kasta oo ay ka yimaadeen, si loo xafido Akhlaaqda iyo Aadaabta guud ee ay ka Mas’uul tahay si khaasana iyada kusoo noqoneysa dhibtu.
 
c.       Guurka iyo lacagta lagu bixinayo oo aad moodid iney aad uugu qaali gareeyeen Dadkii wadanka joogey, taasina keentey iney Gabdhuhu wada sugaan Qurbo-joog , hase yeeshee Guurkaas oo badankiisu ku dhamaado fashalin oo gabdhihii ay ballamo Been ah u qaadaan, kadibna ay kaga baxaan, ama aaney marka horeba ka run sheegin xaqiiqdooda iyo wuxuu ku sugan yahay, taas oo keenta hiyi kac iyo iney Gabdhuhu sawirtaan Hir aan run ahayn, kadibana kusoo noqdo warrankeedu. Sidaa daraadeed waa iney Gabdhuhu iska jiraan!.
 
d.      Socodka Jidadka iyo isticmaalka farsamada xiriirka ee kala duwan sida Tilifoonada oo ay keeneen filimo xunxun oo ay ku diraan si lama filaan ah, ilbaxniamdaas oo Qolqoljoogii barteen oo kaba sii dartey, Internetka iyo isticmaalka Bogaga aan ku habooneyn dhalinyarta iska daa kuwa ka xaaraanta ah ee Muslin ahaan aan la geli karin.
 
Mararka qaar waxay ku bixiyaan waqtigii ay Dadkooda ku baran lahaayeen dhalinyaradaasi iney in badan dul fadhiyaan kuraasta Internetka si ay ula xidhiidhaan saaxibadoodii ay ka yimaadeen, mar marna filimo iska duubo iyadoo dhalinyartu wada joogto kuwaas oo isticmaalaya is dhexgel aan fiicneyn, kadibna xumaanta halkaasi kasii gudbiya ama inta la joogta u gudbiya.
 
Miyaad rumeysan kartaa haddii aad maqasho in Xumaanta wadanka ay geeyaan aan weli looga arag wadamada ay ka tegeen ama aaney iyaga u suurto gelin, laakiin ay heleen meel iyo dad ay la sameeyaan xumaanta iyo dhaqan bi’iskaasi.
 
Qaadka ay dadka intey joogaan u qaadaan, Khamriga qaarkood loo soo waarido oo aad maqashaan –Jarikaano ayaa kolba meel lagu qabtey-, Geerasheynta foosha xun ee Guryaha loo kirreystey, gawaadhida iyo sida qaabka darran ee ay u wadaan ama Music uuugu dhageysanayaan, ……….Ceebey ku meedey iy Qurbo-jooga ayaa ku keeney!!.
 
 
Ugu danbeyntii, Qurbo-joogtu intey xumaan geeyaan ee Akhlaaq xumo ahi waa xog u baahan in lasoo ururiyo oo aan meel lagu soo wada koobi karin, waxase loo baahan yahay in wax laga qabto oo la xaliyo dhibtaasi, sida kor ku qoran Xalku waa in Dadka arrinkaasi ka Mas’uulka ah oo qabta shaqadii iyo waajibkooda oo ay kasoo baxaan, Waalidka, Culumada, Dawladda iyo Qaraabada intuba, si iyaguna ugua faa’iideystaan waddanka intey joogaan, dadka ay u tageena aaney u fasahaadin iyagana aaney fasahaadkaasi loo sahlin.
 
Wuu socdaa……. Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo Dhinaca ………..?
 

Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((2-Dhinaca  Siyaasada iyo Damaaciga)).
Waxaan kusoo jirney xalqadihii lasoo dhaafey qormo aan ku tibaaxdey dhibaatooyin badan oo qurbo-joogu Akhlaaq ahaan ku hayaan Wadanka marka ay tagaan kuwaas oo badankooda aan u tilmaamey si duulmar ah, waxaanan halkan kasii tibaaxi doonaa- inshallaah- Dhibaatooyin kale oo marka ay tagaan waddankii ay geeyaan ama laga cawdo oo dadka intooda badano dareemaan iney la yimaadeen Qurbo-joogu, waxaana ka mid ah:
1- Damaca Siyaasadeed oo aad ugu badan dadka dibadda ku maqnaa, waxaanad damacaasi dareemeysaa mararka ay doorashooyinku qabsoomayaan oo inta sii qulquleysa ee halkaasi wax ka dooneysa aad u badan tahay, kuwaasi oo ama loo yeedhey oo Tolka iyo xigaalku ugu yeedheen inuu wax la qabto ama Dawladda u galo, ama saaxibadii kula taliyeen, amaba isaga hindise iyo hungiriba ka galey.
Maamul in la qabto ama lagu biiro maba xuma oo Qofba mar‘uun ayuu bilaabey, waxase dhibta keenaya arrimahan hoos ku qoran:
1- Qurbo-joog badan oo in badan maqnaa oo aan xaalada iyo hanaanka Dalku u socdo aan xog-ogaal u ahayn, marka meesha la keeno qofkaasi xaaladaha jira, soo jirey ,ama jiri jirey ee wax lagu maareeyana aan la socon, waxay taladiisu noqoneysaa arrimo dhawr ah:
a- Inuu Go'aamo badan kala tashado kuwii hore oo haddey donaan jar ka tuura ama Isbaaro siyaasadeysan u dhigta dariiqa si uu u hodmo.
b- Inuu kaba dan baxo kuwaas oo xaajada indhaha faraha ka geliyo, oo laga yaabo inaaney Shaqaalihiisa in badan ku qancin, weliba haddii uu go'aanku sax yahay lagu qaldo, haddii uu qalad yahayna kaba sii daran oo fadeexad iyo canbaareyn loo raaciyo, kadibana halkii ka hore kusoo noqda.
c- Habdhaqanka meeshaas haddii musuqmaasuqu ku badnaa waxay noqoneysaa inuu hadduu hagaagsan yahay Halbowlaha jaro- cidhibtana gooyo, xididadana u siibo, taas oo u baahan Siyaasad iyo Xikmad- oo inaguba yar, haddii uu isaguba abu Musuqmaasuq yahayna Kiishkiisa afka ka fura si isagana markiisa loogu buuxiyo, kolkaasi kii kasoo horjeesta ku eedeeya intaan isaga la eedeyn, waana tey u badan yihiin.
2- Markuu Qofku meesha u galo Hunguri ama shaqo tag ahaan oo looba haysto meeshu iney tahay Meherad dhadhan macaan oo macaashka laga helaa aad u dhaw yahay, waxaana taasi u daliila inta lacagta lagu kharash gareynayo gelintaanka doorashooyinka ee ama uu qofkaasi la tagayo, dib looga soo dirayo ama mararka qaarkood oo uu Hantidii uu lahaa dib u iibinayo si Mansabkaasi uu u gaadho.
3- Markuu qofku Mas'uul noqonayo haba yaraatee waxa looga baahan yahay Tilmaamo uu ku sifoobo qofkaasi, kuwaas oo badankooda ama loo dhasho ama la kasbado, waxase ayaan darro ah markaad aragto Qof meel isu sharraxaya ama loo dhiibey-ama la doortey!!!- oo aan Sifooyinkaa meelna kasoo gelin ama intii uugu muhiimsaneyd inuu Xilkaasi kasoo baxo ay ka maqan tahay, waxaad ka filataa iney dhib kusoo noqotey Bulshada ay tahay.
Haddaba, si looga fogaado khaladkaasi iyo damacaasi Siyaasadeed ee Qurbojoogu kula soo noqonayaan Dalka, waa in la sameeyaa dhaqan celin Siyaasadeed oo ku saleysan la qabsiga Dalka sida uu u kala socdo oo aanu intiisa xun la qabsan ee markuu darso Qofku, arkana meesha laga maamuli karo ama xal looga wareegi karo uu ku dhiirado Go'aankeeda iyo inuu wax-qabad ula soo guryo noqdo.
Waxa aanan halkan ka iloobeyn in aqoonta iyo waayo aragnimada Qurbo-jooga loo baahan yahay, mana aha in inta Conteynerka yar- xuduudahaba hore uga bixin loo dhaafo talada Dadka iyo Dalka, waase kuwee kuwa loo baahan yahay, ma aha kuwa iyaguba arrimahoodii Qurbaha kusoo fashilmey iney Shaqo ka dhigtaan iney Danta guud hogaamiye ka noqdaan, "Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara".
Markuuse Talada guud gacanta ku dhigo xaguu maareyn iyo Maamul hagaagsani uuga imanayaa isaga oo markii hore jahowareer awgeed Dalka u yimid oo meel uu qabsado oo kale uu waayey.
Aqoonta iyo Waayo-aragnimada waa loo baahan yahay, hase yeeshee waa iney la socoto dareen Mas'uulnimo iyo Tilmaamihii lagu ladhi lahaa Qofka meel ama xil inoo qabanaya. Maantase waxay hoos u tagtey Ninba waa ku markiisa iyo Tolkiisa, dantan guud iyo horumarkan laga hadlayo Dad badan ayaa riyo iyo dhalanteed u haysta.
Aqoonta Caaqil hoosta ka gashey, awooda Juhaal isu ururtey loo dhiibey, iyo Waayo-aragnimada musuqmaasuq Aabihii Gacanta loo geliyey, waxaan ka sugnaa ama midhaha aynu ka guranaa iyo caanaha aynu ka lisnaa kolley ma noqoneyso kuwii Dalkan iyo Dadka anfici lahaa guud ahaan ee waa in kooban oo dano gaara wadata iyo kooxda ku hareereysan ee ama Qabiilka meesha geeyey ah iwm, haddii meesha laga qaado ama la eryana cida u doodaa ee daba socoto xaajadiisu tahay intii ku manaafacaadeysey.
Qurbejoog, wadanka wax u qabo oo wax la qabo, laakiin ogow, Dad ayaa u dhintey, in badana sugayey iney mar uun aqoontooda ay Dalka ku barteen wax ku qabtaan, yeynaan wada noqon Xil doon ee aynu fursadaha ku haboon sugno, haddii kale mawjadaha socda kuwii dhex galey, waxaan jahawareer ahayn mey soo kordhin, ishaada ayaana macalin ah.
Qurbojooga xilka hayana waxaan leeyahay, haddii aad sidaad shaqada ku wadaan ay tahay waxaad soo barateen ama kusoo aragteen wadamada aad joogteen  Allaahu mustacaan, haddii meel aad aqoontii iyo aragtidii aad wadateen meel aad marisaan weydeen oo la qabsateena waa dhako kale.
Wuu socdaa……. Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo Dhinaca ………..?
 
Sacad Subaan Ina Kaarshe cade
 
Subaan99@yahoo.de
Saad Subaan
subaan99@yahoo.de
079 374 15 12
076 331 76 73

· xaaji on January 27 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired