Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

(Maqaal):-M-weyne Ahmed Silaanyo: Wuxuu mar kale ka dhabeeyey ballanqaadyadii ay Xukuumaddiisu la gashay Ummadda J.S.L.

“Hoggaamiye daacad ah oo ay ka go’antahay ka midho dhalinta himilada iyo hiigsiga Ummadda Jam. Somaliland.”

By: |Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr||UK|

Bixinta Derejada Qaybaha Ciidamada: Waa Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhi ah

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Axmed Silaanyo, golaha Wasiirrada iyo hawl-wadeenada kale ee Xukuumadda taasoo aan ugu hambalyeynaya Bixinta Derejada Qaybaha Ciidamada Jam. Somaliland taasoo aad kaga dhabayseen ballanqaadyadii aad la gasheen ummadda run ahaantiina waa Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhi ah. Waxa kale oo M/weynaha iyo Xukuumadda ku hambalyeynayaa horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo kartida iyo kalsoonida ay muujiyeen muddadaa labada sano iyo badhka ah ee ay talada dalka hayeen. Waxaanan ALLAH uga baryayaa inuu dhammaantoodba ku asturo oo uu ku guuleeyo xilka iyo masuuliyadda ay ummadda u hayaan.

  1. 1. Waad Haysaan Hilinkii Horumarka

Laga bilaabo waqtigii uu Qaranka Jam. Somaliland la soo noqday madax-bannaanidiisii (18-kii May 1991) sannadba sannadka ka dambeeya waxay Jam. Somaliland si cad u buuxinaysay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal raba in beesha caalamku mar kale aqoonsato. Wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummaddeena oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto ayeynu ku soo caano-maalnay oo uu dalkeenu kaga soo gudbay maraxalado iyo waaye aad u adag. Waxa kale oo dhaqan suuban oo ummadeena lagu tilmaansado ah in siyaasiyiinta u dhashay JSL ay mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad ummadooda siyaan, oo ay hankooda iyo damacooda siyaasadeedba uga tanaasulaan halka ay danta ummaddoodu ku jirto.

Hoggaamiye kastaba isaga ayaa ka taga raad raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan. Waa hoggaamiyaha ka reeba ee ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala. Mudane Madaxweyne Ahmed M. M. Silanyo waxa uu muujiyey inuu yahay hoggaamiye dhawra oo ku dhaqma distoorka iyo shuruucda aasaasiga ah ee dalka u dhigan; isla markaana waxa uu aaminsan yahay horseedna ka yahay hirgelinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, sugidda xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka, ilaalinta karaamada iyo sharafta dalka iyo dadka, difaaca iyo sugidda nabada qaranka, xorriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxa bannaan.

Mudane Madaxweyne, marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee uu ku tallaabsaday muddadaa uu xilka hayay. Labadaa Sano iyo badhkaa waxay Xukuumaddiisu qabatay ayaa ka balaadhan, ka mug weyn kana waxtar badan 8-dii sano ee Xukuumaddii ka horraysay ay dalka maamulaysay.

Waa dhacdo dabiici ah in Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee markaa taagan. Sidoo kale waxaa jiri kara xoogag, kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti iyo himilo u gaar ah oo ka duwan ta xukuumadda waqtigaa talada haysa, kuwaasoo mar walba u tafa-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo xukuumadda qaado u tarjuntaan si qaldan, sidaa qaldan oo ay u arkaan inay dantooda gaarka ahi ku jirto.

Mudane Madaxweyne Ahmed M. M. Silanyo Sooyaalka Taariikhda Qaranka iyo Ummadda Jam. Somaliland wuxuu kaga qoran yahay baal dahab ah. Waxay Ummaddiisuna waxayugu mahadnaqayaan dedaalkii iyo halgankii dheeraa ee uu dalka u soo galay iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay xukuumaddiisu ku tallaabsatay.

  1. 2. Geba-gebo:

Sida aynu dhammaanteen ka warqabno, nabadgelyada iyo horumarka JSL, ma aha wax ay cidi inoogu yaboohday. Waa innaga kuwa samaystay nidaamka, kala-dambaynta, dimoqraadiyadda iyo horumarka ka jira dalkeenna. ALLAH mooyee ma jirto cid kale oo aynu mahad ugu haynaa. Maanta waxay cadowgu Somaliland u soo jeesteen inay bur-buriyaan JSL. Haddaba, marka aynu iska illowno wixii aynu ku dhalliilayno Xukuumadda talada haysa, waxaa jirta inay dawladda Britain ay ujeeddo la’aan Somaliland ka dhigtay dal aan nabadi ka jirin oo muwaadiniinteeda ku amartay inay deg-deg uga baxaan. Waa ujeeddo iyo qorshe qoto-dheer oo illaa immika ayna kala caddayn waxay dawladda UK arrintan uga jeeddo. Marka ay arrimahan oo kale inala soo gudboonaadaan, ma jiraan wax la yidhaa muxaafid iyo mucaarid midnaba. Waxa jira dal iyo dad la yidhaa Jam. Somaliland oo difaacaya Qarannimadooda iyo jiritaankooda ummadnimo.

Guntii iyo Geba-gebadii; Mudane Madaxweyne Ahmed M. M. Silanyo Waa Hoggaamiye magac, maamuus iyo miisaanba ku leh Gobolka Geeska Afrika. Waa Hoggaamiye Dulqaad, Dedaal wacan, Daacadnimo Sugan iyo Talo-wadaagba leh. Isagayna ummaddeenu u dooratay inuu daadeheeyo dalka iyo dadkaba. Waxaa loo baahan yahay in Xukuumaddiisa lala shaqeeyo oo aynu garab is-taagno dedaalka uu ugu jiro ka midho dhalinta himilada ummaddeena. Wixii dhalliil ah ee jira ama ay Xukuumaddiisu ka gaabiso waa inaynu si quman oo toosin iyo dal-dhisba leh ugu sheegno. Xaasha! Inagamana Mudna Aflegaado, Xumaan iyo Xag-xagasho Mindaba!!

Somaliland: Horumar, Guul iyo Qaran iyo Qoomiyad Mid ah.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

By: |Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh| |Hussein Deyr||UK|

· xaaji on February 05 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>