Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda oo isku Markhaati Furtay Amaan Daraddii Reer Galbeedku ka Digayeen.

Hargeysa(Hargeysa Online)Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horaysa si dadban u qirtay jiritaanka xaalada amaan daro oo ay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku ka muujiyeen Somaliland, ee sababay digniinihii kala duwanaa ee ay Mawaadiniintooda ugaga digeen inay u soo safraan wadanka.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland oo galabnimadii Jimcaha Shir-jaa’id ku qabtay Magaalada hargeysa, ayaa howl-galo dheeraad ah oo ay Ciidanku sameeyeen todobaadyadii ugu dambeeyay, ku tilmaamay kuwo ay kaga jawaab celinayaan Digniinihii Dawlaha Reer Galbeedka.

“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen xididadda ayaa loo saaray. Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn mid jirta. Xog timaada mooyaane’ xogtii hore dhammaantood xididadda ayay Ha’yadaha amnigu u siibeen,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Wasiir Duur oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Hadda waxaynu sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saaray.ALXAMDULILAAH meel wanaagsan ayaan arrintaasi soo gaadhsiinay, waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda ammaanka la garab taagan yihiin.”

Geesta kale, taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland, sareeye guuto < Gen> Cabdilahi Fadal Iiman ayaa qiray in Bilaysku qaadeen Hawl-galo dheeraad ah oo lagu xoojinayo amaanka Magaalooyinka waaweyn “Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ku gudo jireen hawl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargeysa”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan.

Hadalkan wasiirka iyo Taliyaha Bilaysku waxay u markhaati furayaan walaacii dawlada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanay ka hor-imanayaan Jawaabtii deg-dega ahayd ee Wasiirka Khaarajiga Somaliland isla habeenkii warkaasi soo baxay kaga fal-celiyay, kaasoo si weyn u daadifeeyay jiritaanka khatar amni daro oo Somaliland ka jirta “waxaan cadaynayaa inaan Somaliland wax amni daro ahi ka jirin, Somaliland waxay ku kalsoontahay ciidamadeeda iyo Hay’ahadeeda amaanka, warkaa ka soo baxay Ingiriskana waxaanu u aragnaa mid lagu degdegay oo aan xaqiiqada ku fadhiyin”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadlay habeenkii Wasaaradda arrimaha dibada UK baahisay digniin ay Mawaadiniinteeda u dirtay oo ay ku ogaysiinayso inaan amaanka Somaliland ahayn mid laysku halayn karo.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Mar kale ayuu arintan ka hadlay mudo todobaad ah ka dib, markaasoo ku aadanayn Maalintii ay dawlada Maraykanku soo saartay qaraar la mida kii Ingiriiska oo amaanka Somaliland waalac gelinaya, waxaanu yidhi Waxaanu yidhi “arrintani annaga mid dareen cusub nagu abuuraysa ma aha, Somaliland waxa ku nool dad fara badan oo ajnabi ah oo reer galbeed u badan, kuwo UN-ka u shaqeeya iyo kuwo hay’adaha samofalka u shaqeeya, qaraar bay qaateen ah in aanay Somaliland ka bixin”. Waxa kale oo uu wasiirku xusay in qaramada midoobay ay dhawaan soo saartay qoraal ay ku muujinayeen in aanay shaqaalahooda Somaliland ku sugani aanay dalka ka baxaynin hawlihii shaqo ee ay ka wadeena sii wadayaan, “Qaramada Midoobayna qoraal ayay dhawaan soo saartay ay ku muujinayso in shaqadii ay Somaliland ka wadeen sii wadaan oo aanay dalka ka bixin, muwaadiniinta kale ee cid walba leh ee halkan nala joogaan weli dalka ayay ku sugan yihiin markaa arrintaasi mid werwer badan dadka ku haysa ma aha” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliand naabdgelyadeedu ay tahay mid buuxda xukuumada iyo shacbiga Somaliland –na ay kalsooni buuxda ka qabaan amaanka dalka, ciidamada amaankana ay heegan geliyeen si loo hubiyo nabad geliyo darada ay dawlada Ingiriisku sheegtay, waxaanu yidhi “Somaliland waa dal ay nabadgelyadiisa buuxdo kalsoni wayn ayaanu ku qabanaa haddaanu nahay xukuumad iyo shacbiba, anagaa arrintaa ka duulaya waxaanu heegan gelinay ciidanka nabadgalyada dalka si arrimaha lo hubiyo”.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay inay dawlada Britain wada hadal kala yeesheen amaan darada ay sheegeen inay ka jirto Somaliland, “waxaanu wada hadal la galnay dawlada Ingiriiska dhawaan oo aanu magaalada Addis Ababa kula kulanay, waxaanu ka wada hadalnay dareenkii ay ka muujiyeen naabdgelyada Somalialnd, waxaanay noo muujiyeen in aanay muuqan in wax dareen ah oo wayn oo xasilooni daro keeni karaa dalkan ka jirin, arrintaa markaanu isla meel dhignay, waata keentay in Ingiriisku bedelo taladii markii hore uu bixiyay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha diabda Somaliland oo xiligaasi ka mid ahaa wefti uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo ku sii jeeday dalka uk.

Sidaasoo ay tahay, Geesta kale, qiraalka Masuuliyiinta nabad-gelyada Somaliland ka soo baxay waxa uu meesha ka saarayaa natiijada Mudahaaradyo iyo gadood shacbiga Somaliland ka muujiyeen Digniintii Dawlada ingiriiska, taasoo markii ay soo baxday dibadbaxyo qaarkood dawladu abaabushay, oo xataa wasiirka arrimaha gudaha ee hada Markhaatiga furayaa ka mid ahaa dadkii abaabulay, oo laga dhigay inta badan Goboladda Somaliland, kuwaasoo markii ay maalmo socdeen la joojiyay.

Inkasta oo warar hore u soo baxay ay sheegayaan in Somaliland Dawlada Ingiriiska ka raali gelisay jawaabihii ay ka bixisay Digniinteeda, gaar ahaan dibadbaxyada , isla markaana yiqiinsatay wixii loo sheegay, taasina ay dhalisay markaa hawl-galadan joogtada ah ee ay Hay’ada amaanku wadaan, hadana hadalada Masuuliyiinta amaanka ee todobaadkan iyo kuwii ay hore uga bixiyeen waa kuwo aad u kala fog oo markaasi mugdi gelinaya xaqiiqda Wararkooda, markhaatina iminka u noqonaya cabsidii amni daro ee Ingiriiska iyo Washington sheegeen ee Somaliland ka jirtay.

Maxaa yeelay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mar uu hore uga hadlay arintan uu jimcihii ka dhawaajiyay wuu daadifeeyay walaaca dawladaha reer galbeedka, hadana waxa uu leeyahay waxaanu meesha ka saarnay cabsidii ay qabeen ee dhinaca amaanka ku salaysnayd, annagoo qabanay dad badan oo lala xidhiidhinayo inay amni daro wadaan.

Mida kale hadaladoodu waxay shiiqinayaan Mawqifkii Madaxweynaha Somaliland arintaasi ka istaagay markii uu labada Gole ee Baarlamanka Khudbada u jeediyay , kaasoo ahaa “Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay”Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba arimuhu ha noqdeene, Ma jiro ilaa hada qof qudha oo ay laamaha amaanka Somaliland soo bandhigeen oo ay ku cadaatay inuu ka mid yahay Kooxaha xagjirka ah ama shida-wadayaasha Caalamiga ah ee la tuhunsanyahay inay ku soo firxadeen Goboladda Somaliland, ka dib markii Awoodii kooxda Alshabaab ee Koonfurtu meesha ka baxday, hase ahaatee waxa socda baadhis iyo hawl-galo dheeraad ah oo ay Ciidamada amaanku hadh iyo habeen ku baadhayaan Gaadiidka, Guryaha iyo Dadkaba, waxaana mudo laba todobaad gudohood xabsiyada loo taxaabay Daraasiin qof oo badankooda tuhun loo haysto, qaarna raadad waaweyn lagu hayo “waxaanu haynaa dad lagu tuhunsanyahay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen”.

Hawl-galada Hay’adaha amaanka Somaliland, waxa la sheegay inay taageerayaan Saraakiil ka socda Sirdoonka Ingiriiska oo sida la tibaaxay manjaraha u haya baadhitaanada socda qaarkood, waxaana la sheegay inay Saraakiishaasi Ciidanka Baadhista ka caawinayaan dhinaca baadhista dadka la soo qab-qabto.

Xogo laga helay qaabka ay Ciidanku dadka la tuhunsanhaya u baadhayaan ayaa sheegaysa in loo isticmaalayo Qalab casriya oo korantada ku shaqeeya, hase ahaatee qaar ka mida dadkii la sii daayay oo Hargeysa Online u waramay, ayaa sheegay in si xun loo jidh-dilay “Intii aanu xidhnayn waalana jidh-dilay oo waa lana camaajureeyay, silsilado ayaa lanu xidhay oo 42 saacadood ayaa xitaa inaanu kaadino lanoo diiday.”sidaasi waxa yidhi Fu’aad Maxamed Cabdi oo Jimcihii laga soo daayay saldhiga Kood-buur.

Talaabada kasta oo ay qaaday Xukuumadda Somalilan oo la xidhiidha kor u qaadista amaanka, xili khatar fara badani ka soo kordhayso buuraha Golis ee Xuduuda Somaliland iyo Puntland, dawlada waaweyn ee Maraykanka iyo Ingiriisku wali kamay noqon amase lama hayo xadidaad ay ku sameeyeen qaraaradii ay hore u soo saareen, laakiinse dhaqdhaqaaqyada hada socda waxay ula socdaan si fiican oo daah-kama saarna, madaxweynaha Somaliland markii uu ingiriiska u dhoofayna arimo badan ayay iska weydiiyeen Khatar kasta oo Ingiriisku ku tuhunsanyahay Somaliland.

Waxaana laga yaabaa oo Madaxweynaha laftiisu cadeeyay inay Dawlada Ingiriiska arintaasi isfaham ka gaadheen, iyadoo warar soo baxayayna xiligaasina sheegayeen inay jiraan waxyaabo mucayim ah oo Madaxweynaha farta loogu fiiqay oo la xidhiidha arimaha amaanka dalkiisa.

 HargeysaOnline.Net

· xaaji on February 25 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired