Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Isku Badashay Xero Ciidan Iyo Xidhiidhkii Dadwaynaha Oo Meesha Ka Baxaya.

Hargeysa (Hargeysa Online)Wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo qabilsan amaanka qaranka isla-markaana xidhiidhka ay la leedahay shacabku qayb ka yahay hawlaha amaan ee ay u xil-saaran tahay ayaa xarunteeda guud, waxay bilihii u dambeeyay isku badashay xero ciidan.

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland, oo ah wasaarada ugu salka balaadhan wasaaradaha qaranka, si gaar ahna ay u hoos tagaan ciidamada booliska iyo Madax-dhaqameedka oo labadooduba ka shaqeeya amaanka iyo ka hor-taggida dhibaatooyinka, ayaa hadda isku badashay xero ciidan oo ay adag tahay inaad gudaha u gasho haddii hawlo kaa gasho, waxaana gudaha iyo dibada Wasaarada tuban ciidamo boolis ah, kuwaasi oo cid kasta oo Wasaarada hawl uga baahda ku khasba inuu baajiyo hawshaasi oo uu dib iskaga noqdo.

Wasaarada arimaha gudaha oo ka kooban waaxyo badan oo bulshadu xidhiidh la leedahay, isla-markaana dadka qaarkood ay halkaasi u tagaan si ay u siiyaan xogo la xidhiidha wax amaanka waxyeelaya, ayaa ciidamada halkaasi joogaa ku xidhaan cadaymo, sida kaadh aqoonsi oo kale, taasi oo dhibaato ku noqonaysa bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasaarada daakhiliga oo noqonaysa ta ugu mashquulsan wasaaradaha qaranka, ayaa had iyo jeer waxa hor tuban tobanaan ruux oo siyaabo kala duwan loogu diiday inay gudaha u galaan oo ay soo dhamaystaan hawlaha ay u socdaan.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo mar kasta oo warbaahinta ka hadlo shacabka ka codsada inay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka, booliskana u sahlaan shaqooyinkooda, ayaa haddana shacabku dhibaato kala kulmaan galida xafiiskiisa iyo guud ahaan xarunta wasaarada daakhiliga, ka dib markii uu Wasaarada keenay boolis badan, kuwaasi oo u xilsaaran oo kaliya ka celinta shacabka ee galida xarunta Wasaaradaasi.

Wasaarada oo ahayd inay shacabka u furnaato, maadaama oo ay amaanka qaabilsan tahay una baahan tahay xidhiidhka dadwaynaha ayaa u muuqata xero ciidan, marka aad eegto tirada  ciidanka jooga ee isugu jira nabad-sugida iyo booliska.

Wasaarada daakhiliha oo ahayd in albaabkeeda uu soo fadhiisto qof xoghayn ah oo shacabka kala waydiiya hawlaha ay u socdaan isla-markaana ka reebba xogta ay sidaan ama waydiiya hawlaha ay u socdaan, ayaa hadda lala hortaagan yahay qori, waxaana taasi ka dhigan tahay in wasaarada daakhigu qalinka ka horeysiiso qoriga, taasi oo keenaysa in shacabku ka fogaado.

HargeysaOnline.Net

· xaaji on February 25 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>