Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Fursadda ku Jirta Puntland oo Wax lala Qabsado oo ina Dhaafta Maxaa Qaldami Kara 2015? Qeybtii 3 aad.

Dadka ka soo jeedaa Somaliland colaad siyaasadeed ayay u qabaan Puntland. Colaadaas oo ka soo bilaabanta, siyaasaddii Soomaaliya ee intii ka danbeysey gobanimada 1960gii oo reer Somaliland ay ka tirsanayaan xaqdarro badano o ay ku kaceen Reer Somaliya iyo burburkii iyo xasuuqii danbe ee ka dhacay woqooyiga oo loo aaneynayo iney dad badano oo uu ka mid ahaa Morgan oo ka soo jeeday Puntland ay ka qeyb qaateen. Iyana waxa meesha sii dheer colaadda ay abuurtey sheegashada Puntland ee gobolka Sool iyo qeybo ka  mida gobolka Sanaag oo dhalisay dagaal iyo colaad hor leh.

Xiliyadii u dhexeeyey 1960 illaa 1969, waxa siyaasadda Somaliya gadhwadeen ka ahaa siyaasiyiin heyb ahaan ka soo jeeda gobolada iminka loo yaqaan Puntland. Siyaasiyiintaa Puntland ka soo jeeda ama iyagaa talada inteeda badan hayey, meelaha aaney heynna, cid ay iyagu wataan ayaa heysey. Siyaasiyiinta ka soo jeedda Soomaaliland oo uu horkacayey Mohamed Ibrahim Cigaal (AHUN) ayaa mararka qaarkood ku ahaa culeys siyaasadeed oo la tartamayey nimankaas oo markii danbena ku qasbey inay ogolaadaan inu Ra’iisal wasaare ka noqdo Soomaaliya ka hor intaa aan inqilaabkii milatari dhicin 1969kii.

Markii uu dhashey kacaankii Milaterigu, inkastoo ay marar badan iska horyimaadeen Siyaad Barre iyo siyaasiyiintii reer Puntland, haddana weli door ayay ku lahaayeen siyaasadda Soomaaliya. Si la iskaga caabiyo awoodaa siyaasadeed ee reer Puntland ku lahaayeen Soomaaliya, waxa mararka qaarkood is xulafeysan jirey siyaasiyiinta ka socotay woqooyi iyo kuwa xamar iyo agagaarkeeda (Hawiye) oo soo bandhigay iney hayb ahaan irir isku yihiin. Fikirka noocaas ah ee soo jirey mudada ka badan 50ka sanadood ayaa abuurey fikir ka ah in reer Soomaaliland iyo reer muqdisho ay iska xigaan reer puntland.

Intii ka danbeysey burburkii dalka, gaar ahaan intii loo sameeyey Soomaaliya dawladnimada muuqata ee laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey Abdiqasim Salad Xassan, weli siyaasiyiinta ka soo jeedda Puntland waxa ay ciyaari jireen door muuqda. Mar madaxweyne ayaabey ka noqdeen oo Abdillahi Yusuf (AHUN) oo ahaa aasaasihii Puntland ayaa Madaxweynihii Soomaaliya noqdey. Ka dib Ina Abdirashid Ali Sharmarke ayaa Ra’iisal Wasaare ka noqdey iyo Abdi Weli oo ka danbeeyey oo Sheikh Sharif u noqdey Ra’iisal wasaare. Dawlad goboleedka Puntland ee uu hogaaminayo Faroole ayaa iyana ku qasbi jirtey dawladda muqdisho iney yeelaan waxa ay codsadaan, haddii kalena iney kala noqonayaan kalsoonida, gaar ahaan xilligii uu madaxweynaha ahaa Sheikh Sharif, taasi oo Shariifka ku qasbi jirety inu dhageysto waxa Puntland rabto.

Intii ay xilka qabatey dawladda cusub ee Soomaaliya, awoodii reer Puntland meeshaba wey ka baxdey, hanjabaadoodii aheyd kalsoonida ayaanu dawladda kala noqoneynaanaa waxa ay noqotey waxaan waxba ka jirin. Dawladan iminka Soomaaliya ka jirta Puntland dhinac ayey iska dhigtay oo talo kuma leh. Soomaaliya dawladda jirtaa siyaasadeedu waa in xoogga la saaro Gobolka Banadir, Shabeelada Sare, Shabeelada Hoose, Bay, Bakool, Jubadda Sare iyo Jubada Hoose. Goboladani waa kuwa ay ku taalo caasimadda dalku iyo goboladdii barwaaqadu taaley ee dhaqaaluhu ka soo baxayey. Dawladda Soomaaliya jirtaa waxa ay rumeysantahay in haddii goboladaa nabad laga dhaliyo dawladnimadiina soo noqoto, in dalka intiisa kalena ay qasab ku soo raaceyso, waayo wey u baahanyihiin dawladda iyo caasimaddaba, waan siyaasad aad khatar uugu ah wixii aan goboladaa kor ku xusey ka tirsaneyn.

Reer Puntland marka ay iminka yidhaahdaan sida hala noo yeelo ama ra’iisal wasaaraha hebel hala nooga dhigo, waxa loogu jawaaba la idinka yeeli mayo. Marka ay ku jawaabaan dawladda ayaan kalsoonida kala noqonna, waxad doontaan yeela la yidhaa, wax ay sameyn karaanna ma jirto. Taasi waxa ay Puntland soo dhigtay meel cidla ah oo ay u eegtahay in Soomaaliya ay ka maarantay, wax kale oo ay yeelaanna aanay garaneyn. Midna xisaabta an ku darsanno; caalamka saddexaad qofkii caasimadda hasta uunbaa dalka xukuma.

Arrintaasi khatar teeda yay leedahay. Soomaaliland waxa ay ku doodeysaa iney dawladda Muqdisho ka dhisan la xaajooto, balse dawladdaasi iminka aad ayay isu macaashsiisey oo cidna dan kama laha. Somaalilandna ajandeheedaba uuguma jirto iskumana dhibeyso. Muqdisho iyo beelaha ku nooli waxa ay labaatankii sanadood ee la soo dhaafey heleen dhaqaale iyo lacag aan cid kaloo heshay jirin Soomaaliya. Waxa kaloo ay heleen hub iyo xoog badan. Taasi ayay iminkana ku darsadeed dawladnimaddii oo gacantooda soo gashay oo ay weliba u eegtahay iney kaga shaqeysiiyeen. Taasi waxa ay u eegtahay in haddii ay halkaa sii dhaafaan inaaney dib danbeysa awoodu gacantooda uuga baxeyn, Soomaaliland iyo Puntland aaney dan ka laheyn iyaga oo ka faa’iideysanaya fursada ay heystaan oo ah dawlad la ictiraafsanyahay.

Puntland aad ayay uugu baahantahay culeys kale oo la qabta ama la nugleeya dawladda muqdisho ka dhisan, cidda keliya ee wax la qaban kartaana waa Soomaaliland. Haddii ay maanta dhacdo in Somaliland iyo Puntland wada hadlaan iyaga oo midba midka kale ku fushanaya danta uu leeyahay, waxa ay taasi culeys saari kartaa dawladda Muqdisho. Somaliland iyo Puntlandba dhaqaalohooda intiisa badan waxa ay geliyaan nabadgelyada. Hasa yeeshii haddii ay ka heshiiyaan colaada dhexdooda taala oo ay isla afgartaan iney jaarnimo wanaagsan ku wada noolaadaan, waxa ay taasi u madhxineysaa labada dhanba dhaqaale aad u badano oo ay dhulkooda wax kaga qaban lahaayeen.

Soomaaliland lafteedu waxa ay Puntland kala hadli kartaa iney ictiraafto ama calal aqal ay ku dhawaaqdo inaney waxba ka qabin gooni isku taagga Soomaaliland, halka ay Soomaaliland ay Puntland isku xulafeysan karaan iney ku dhawaaqaan in dawladda Soomaaliya ka dhisani aaney iyaga metelin. Arrinta waxa la sameyn karaa haddii shirka loo ballansanyahay bisha May ee sannadkan ee lagu qaban doono magaalada London ay wax ka soo bixi waayaan oo Soomaaliya ay yaqiinsan weydo masiirka umadda Soomaaliland ay goosatey. Taa macneheedu waxa weeye, dawladda Muqdisho ka talisaa danteena ha fuliso, oo aan aheyn inaan inana taageerno maamulka Puntland si ay iyana inoo taageeraan.

1996kii ayaa madax ka socota Puntland soo dhigeen hindise ah in caasimaddii Soomaaliya laga dhigo Hargeisa iyaga oo markaa ka xanaaqsanaa sida beelaha Muqdisho ku nooli ay u takooreen dadka ka soo jeeda Puntland, taasi oo khalakhal badan ka dhisey Muqdisho, waaayo waxa Soomaaliland iyo Puntand isku raacaan si dhib yar looma daadifeyn karo. Hota marna uuma eeka in dawalad Soomaaliya ka dhalataa ay ictiraafeyso Soomaaliland, balse taasi waa ra’yi oo inaaney sida u dhcinna waa la arkaa. Balse haddii ay dhacdo, waxa ay imanaeysa marka ay Soomaaliya gudeheedu isku raacaan arrinkaas. Puntland lafteeduna kolba halka ay martaa culeyskeda ayuu leeyahay oo haddiiba ay dawlad Muqdisho ka dhisani go’aansato iney Soomaaliland ictiraafto balse ay Puntland diido, ma soconeyso uugu danbeynta.

Umadeeno waxa ay had iyo goor ku qufulantahay siyaasado xili hore ka jirey Somaliya oo badankoodu ka soo jeeda xilliyaddii lixdamaadkii. Inana waxa aynu weli u badannahay inan koonfurta shishe ka xigsano Puntland inaga oo waxaa hore ee inagu jire iyo malaha abtirsiimooyin sheegeyna. Dantu maanta waxa ay ku jirtaa in Puntland lala hadlo oo meesaanka weyn ee Muqdisho ka soo kordhay la dheeli tiro.

Addunyada maanta la joogo ma jirto wax la yidhaa Mabda’ ee waxa jirta maslaxo. Ma jirto wax la yidhaa kuwaana col ayaan nahay kuwaana saxiib ayaan nahay. Waxa ad saaxiib tihiin qofkii maslaxadaad kuu fulinaya, kii maslaxadaada ka soo horjeedana col ayaad tihiin. Qaddaafi oo soddon sanadood reer galbeedku lahaayeen waa argagixiso ayaa markii uu ogolaadeey wixii reer galbeedku doonayey ayay madaxdii reer galbeedku midmid saf u soo galeen oo ay gacanta ka wada dhulkadeen isaga oo taanbuug hoos fadhiya. Waxa u timid Candaliza Rice, Berlesconi, Tony Blair, Raa’iisal, wasaarihii Faransiiska iyo qaar oo intuba taanbuugiisii saxaraaga dhexdiisa ku yaaley uugu hoos tegey. Oo sidey ku dhacdey in Qaddafi oo 30 sanadood la lahaa waa argagixiso uu mar keliya ku noqdey nin wanaagsan oo saaxiib ah. Jawaabtu waa sahal. Markii horena danta reer galbeedka ayuu ka soo horjeeday, markii danbena dantoodii ayuu u fuliyey.

Alla ha u naxariistee Ahmed Mohamoud Farah (Ina Lax was) oo ahaa madaxdii uugu sareysey dawladdii Siyaad Barre intaaney dhicin, ayaa inta badan gurigiisa ku shirin jirey rag odayaal ah oo Somaliland ka soo jeeda oo intooda badan ay asxaab ahaayeen. Maalin maal maha ka mida oo ay qaiyaal u fadhiisteen ayaa ay naaqisheen arimo xasaasi ah oo ku saabsan SNM iyo Siyaad Barre iyo wixii laga yeelayo, arrimahaasi oo ay raggi kala aragti noqdeen. Ahmed ayaa isaga oo doonayey inu bal dhinac kale wax ka tuso nin mitid ahaa oo ay ra’yiga isku mariwaayeen, ayuu weydiiyey “waar hebelow, weli wabi miyaad aragtay?” Ninkii ayaa uugu jawaabey kan Afgooye mara ayaan arkey. Ahmed ayaa ku yidhi bal inta ad webiga is dul taagto, il bidhiqsi inta ad indhaha isku qabato hadana kala qaad maxaad arkeysaa. Ninkii ayaa yidhi dee waa webigii uun iyo biyo. Ahmed ayaa ku yidhi wax isbedelay ilbidhiqsigaa gudihiisa miyaad aragtey iyo jawaabtii oo aheyd maya.

Ahmed ayaa intu qosley yidhi, ilbidhiqsigaa ad indhaha isku qabatay wax kastaa 100% ayay isbedeleen! Biyihii ad arkeysey intii aadan indhaha isku qaban mar hore ayay ku dhaafeen biyahan ad arkeyso markii ad kala qaadey indhaha waa qaar cusub, balse adiga biyihii uunbey kuu yihiin. Ahmed (AHUN) waxa uu isku dayayey inu saxiibkii ka dhaadhiciyo in siyaasaduhu ay xawli isku bedelayaan oo aaney meeluun taagney, sidaa darteedna loo baahanyahay inad la jaanqaaddo isbedelka ama ugu yaraan ad ka warheyso si ad hadafkaagii sida uugu haboon ugu gaadho.

Haddii ay dawladda Muqdisho ka dhisani cadaawad muujiso, ina garowsan weydo, mabda’aygu waa: cadowgeyga cadowgiisu waa saaxiibkey ciddu doonaba ha noqdee.

 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

· xaaji on March 02 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired