Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Arrinkii Sababey Gooni Isu Taagga Soomaaliland oo aan ku Jirin Agendaha Wadahadalka lala Galay Somaliya Maxaa Qaldami Kara 2015?

Arrinkii Sababey Gooni Isu Taagga Soomaaliland oo aan ku Jirin Agendaha Wadahadalka lala Galay Somaliya.

Maxaa Qaldami Kara 2015?         Qeybtii 4aad

Mar an ku qiyaasayo iney aheyd 1976 ayaa dawladdii Somaliya shaqada ka eridey madax ka badan 60 qof oo ka soo jeedaa Somaliland. Madaxdaas oo u badnaa Agaasimayaal Guud iyo Maareeyayaal Guud ayaa ahaa dadka xiligaa uugu khibradda roonaa Wasaaradihii ay ka shaqeynayeen. Madaxdaas oo kuligood lagu soo soocey heyb ayaa lagu eedeeyey inaaney la socon Karin Kacaankii jirey, oo markaa loo arkayey dad maskaxdoodu aqoon iyo waaya aragnimo ka buuxdo oo aan markaa loo baahneyn. Waxay aheyd markii dawladdii Somaliya ay si cad oo badheedh ah u goosatey iney dadka ka soo jeeda Somaliland ay isir takoorto. Dadkii xiligaa xaqdarada shaqada lagaga saarey wax aka mid ahaa Abdi Heybe oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee Somaliland.

Dhamaadkii sideetamaadkii, dawladdii Soomaaliya iyada oo adeegsaneysa awoodeeda dawladnimo ayay baabi’isey dhamaan hantidii umadda Somaliland ay soo dhiseysey in ka badan 300 oo sanadood. Waxa si u kas ah loo baabi’iyey magaalooyinkii oo ay ku jiraan guryihii, goobihii ganacsiga, warshadihii, goobihii dalxiiska iyo meelihii ay caruurtu ku ciyaareysey. Waxa gabi ahaanba la baabi’iyay beerihii, ceelashii biyaha iyo waddooyinkii iyo biriishyadii ay gaadiidku marayeen.

Burburkaasi oo dhami muu ahey wax dagaal geystey ee si u kas ah ayaa loo burburiyey, iyada oo umad shicib ah dhibtaa loogu geysanayo magic dawladeed iyo hanti umadeed oo ah cashuurtii isl shicibkaa la dhibayo laga ururiyey. Madaxdii ka soo jeeday iyo nin doorkii ay umaddu laheyd ee muuqday si cad ayaa loo gumaadey ama loo dhibey iyada oo lagu dhibayo magac dawladeed. Waxa jeelasha la dhigey madaxdii ka soo Jeeday Somaliland iyada oo la isir soocayo, waxa la xidhxidhey abwaanadoodii iyo ganacsatadoodii. Waxa xaq darro lagu diley saraakiishoodii milatariga aheyd oo uu tusaale kuugu filanyahay Korneyl Abdillahi Xaaji Siciid oo si xaq darro ah inta geed lagu xidhey lagu toogtey halkiina lagaga tagey. Umad shicib ah oo huruda ayaa inta la soo kexeeyay lagu toogtey meelaha ay ka mid yihiin Malka Durduro oo xabaalo wadareed lagu aasey. Dad shicib ah oo qaxayaa ayaa ciidankii dawladdu inta ay ku ururiyeen Wadhan, oo gobolka togdheer ah, ku laayeen oo waxa ka mid ahaa “Alamsey” (AHUN).

Shicib ka badan 3 malyuun oo qof ayaa guryahoodii laga qixiyey oo oo ban degey iayaga oo qaxooti ah. Taasi waxa ay dhalisey in 5 jiil oo kala danbeeya mustaqbalkoodii halkaa ku lumo oo aaney caruurtoodii iskuulo gelin. Dadkaa qaxayaa markii ay sii socdeen si ay uuga cararaan dhibaatada, ayaa waxa lagu rusheeyey diyaarado ka kacey Garoomada magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera. Hantida umadda laguma burburin oo keliya dagaal ee iyada oo aaney dagaal jirin ayaa la burburiyey. Waxa tusaale kuugu filan isbitaalkii Cosob ee Cawl Curyaan (AHUN) ka dhisay Hargeisa oo inta miino lagu xidhey la dumiyey oo ilaa maanta dunsan.

Sharciga Caalamigu waxa uu dhigayaa in wixii heshiis, deyn iyo magdhow ee dawladi ay gashey ama lagu leeyahay, balse dawladaas la bedeley, waxa deyntaas iyo magdhowgaba lagu leeyahay dawladdii bedeshay dawladaa wax lagu lahaa. Dawladdaa cusubi ma diidi karto, kamana doodi karto wixii ay gashey dawladddii ka horeysey.

Mudaddii u dhexesey 1991 illaa 2010 waxa Somaliland ku doodi jirtey inaney Somaliya la hadleyn. Mawqifkaas mitidka ah ee Somaliland taagneyd wuxu ahaa arrin dhanna loo dhaafi laayahay. Somaliland mawqifkaa waxa ay ka soo degtay iyada oo aan dhinacii Somaliya wax tanaasul ah ka iman. Sideedaba marka laba dhan gorgortamayaan, dhinac walbaa waxa uu istaagaa meel fog isaga oo damacsan haddii halkaa laga soo kiciyo, calal aqal, inu helo wax uu ku qanacsanyahay. Laba dawladood oo wada hadlayaa kama duwana laba qof oo is heysta oo qof kastaa sheeganayo wax weyn oo masalan khasaare ah isaga oo markaa filaya xitaa haddii aanu wada helin waxa uu wada sheeganayo, inu helo wax intaa ka yar oo uu ku qancayo.

Marka laba dhan wada hadlayaan ee mawqifyo adag kala joogaan, ee midkood mawqifkii adkaa ee uu taagnaa laga soo dejiyo, waxa qasab ah in dhanka kalena halkkii uu joogay laga soo dejiyo si farqigii labada dhan u dhexeeyey la iskugu soo dhaweeyo. Mawqifkii adkaa ee ay Somaliland taagneyd 20 ka sanadood ee ahaa inaan cidna lala gorgortamin, waxa ay ka soo degtey iyada oo aan dhanka kale waxba soo tanasulin. Waxay aheyd in tanaasulkaa ay Somaliland sameysey ee ah inay wada hadal gasho uu ku xidhnaado shuruud ah in dhinaca kalena tanaasul sameeyo, oo marka ay uugu liidato yidhaa Somaaliland waa maamul iyo nidaam umaddoodu sameysatay oo ay dawladda Somaliya ixtiraami doonto. Yay noqonba ictiraaf, balse waa garowshiyo iyo tanasul dhinaca kalena sameeyey. Iska dhaaf tanaasule, dhincii kale halkii uu joogey arrinta waabo ka sii adkeeyey. Waxa ay Somaliya sameysatey distoor ay ku dheehantahay dal ay Somaliland ku jirto distoorkaas oo la ansixiyey. Waxa shirkii labada dhan ku wada yeesheen London la galey iyada oo aan la kala saxeexan is faham oo afka qalaad loo yaqaan “Memorandum of Understanding” ama “Code of Conduct” oo ah xeerka wada hadalku ku saleysnaan doonto.

1992 aya Madaxweynihii Somaliland, Abdirahman Ahmed Ali (AHUN) saarey gudi soo qiimeysa burburkii,  dhimashadii iyo khasaarahii ay dawladda Somaliya u geysatey Somaliland. Gudidaasi waxa ay war bixintoodii ku sheegeen in khasaarahaas naf iyo maalba laha uu gaadhayey 65 Bilyan oo Doolar. Qiimahaa marka lagu daro dulsaarkii fuuley  20 kii sanadood ee la soo dhaafey ee aan khasaarahaa la bixin waxa ay ku dhawan kartaa 100 Bilyan oo Doolar oo maanta jooga. Xoolahaasi waxa lagu leeyahay dawlad kasta oo sharci ah oo ka dhalata Somaliya (waa sida uu dhigayo sharciga duwaligu “International Law”). In mag dhawgaa ay Somaliya bixiso waa inaanu gelin gorgortan gelin oo ay Somaliya aqbashaa iney bixiso, sidey doonto wada hadaladu ha dhacaane.

Doodda raqiiska ah ee dadka qaarkood ku doodaan ee ah koonfurba wey burburtay oo dagaal ayaa ka dhacey iyo xasuuq, waa mid aan meel heysan. Koonfur waxa is dilay dadkii wada degenaa oo jabhado ah oo hubkii qaranka kala boobey, halka Somalilandna ay burburisay oo ay xasuuqdey dawlad dhisan oo ciidankeedii isticmaaleysa oo caalamka laga ictiraafsanyahay. Ka sakow magdhowga, arrintani waxa ay adkeyneysaa doodaa ah in Somaliya ay ogolato gooni isutaagga Somaliland.

Waxa ayaan darro ah in wada hadaladu Somaliland iyo Somaliya u furmey ay ku bilaabmeen si qabow oo aan meeshaba la soo dhigin khasaarahaa an kor ku soo sheegay iyo in laga heshiiyo sida loo magdhabayo. Wada hadalku maaha Somaliland oo Somaliya aqoonsi weydiisaneysa uun, balse waa iney noqotaa Somaliland oo Somaliya ku eedeyneysa danbiyo dagaal, xasuuq iyo magdhow iyo iney ka bixiso raali gelin inta aynaan ka wada hadal wanaag iyo wax wada qabsi. Haddii aaney Somaliya diyaar u aheyn arrinkaasi, maba haboona in wax kale laga sii wada hadlo.

Arrimahaa an kor ku soo xusey wa hubka u weyn ee ay Somaliland haysato ee ay tahay iney kula gorgortanto Somaliya, mana aha in laga xishoodo ama la badhxo arrintaas. Haddii ay arrintani noqonweydo tiirka Somaliland u adeegsaneyso wada hadalka, ma jiro wax kale oo culus oo doodeeda adkeynaya oo ay miiska la tegi karto.

Arrimahan an kor ku xusay uugama jeedo inan caadifad ku abuuro, uugamana jeedo inan naceyb loo qabo Somaliya an abuuro. Balse, waxa an uuga dan leeyahay inaan marna xaq umadi leedahay aanu si dhayal ah ku lumen. Waxa kaloon uuga jeedaa inaan marna xaq darro iyo gardarro si dhib yar la isu hilmaansiin. Waxa an uuga jeedaa in wixii Somaliland soo mariyey mas’uuliyadeeda cid loo raaco iyo in Somaliland ay ka gorgortanto mawqif adag.

Wada hadalka Somaliya lala gelayaa mid uunbuu ku sii socon karaa oo ah iney dawladda Somaliya saxeexdo iney mas’uiul ka tahay wixii lagu leeyahay dawladdii Somaliya, sida uu dhigayo sharciga caalamigu, oo iyada lagala xisaabtamayo. Haddii ay aqbasho waa arin wanaagsan, haddiise ay diido, wax lagu wada hadlaa meesha ma yaal.

 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

 

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

· xaaji on March 04 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired