Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland Waxa ay Taagantahay Isgoys Saddex Waddo iskugu Yimaadaan.

Somaaliland waxa ay taagantahay isgoys ay ku kala beydhaan waddooyin dhowr ah oo aan laheyn calaamado hagaagsan oo muujinaya meelaha ay wadooyinkaasi tegeyaan. Si sahlan looma garan karo wadada ay tahay in Somaliland qaaddo ee u sahleysaa iney gaadho hadafkeeda, ceebna maaha in qof yidhaa garan meyno taan raaceyno. Talo badan ayay u baahantahay iyo in la helo afkaar ku saleysan aqoon iyo aragti xeel dheere oo meel fog wax ka arkaya. Waxa la gaadhey xiligii la yelan lahaa go'aa-qadashada geesinimadu ku jirto ee loo arko iney dantu ku jirto.


Go'aankii uu ku dhawaaqey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalland ee uu ku sheegay inaan Somaliland ka qeyb geleyn shirka Soomaliya ee magaalada London loo ballansanyahay bisha May wuxu ahaa tallaabo dhinaca saxa ah loo qaadey. Maha inan ku doodayo yaan Soomaaliya lala hadlin, balse waxa an rumeysanahay in iminka dib loo fadhiisto, intii fikir la bidayana wax la weydiiyo, mustaqbalkana lagu waajaho istaraatijiyad cad oo loo arkey iney ina gaadhsiin karto hadafka aynu leenahay.


Go’aankan madaxweynuhu mushkiladii muu xililin ee waxa uu ina siiyay wakhti yar oo gaaban oo an ku neefsanno. Bil iyo wax la mida dabadeed arrintu halkii ayay taagantahay. Shirar badan ayaa soo socda oo iman doona oo Somaliland lagu casuumi doonaa. Culeys badan oo caalami ah iyo mid goboleed ayaa la saari doonaa si ay uuga qeyb qaadato hawlaha dib loogu dhisayo Somaliya oo Somaliland lagu tirinayo. Diyaar ma u tahay mise uuma tihid? Sida maanta loo waajaho arrimaha qaran ee ku waajahan Somaaliya ee waa butuluqsi. Go’anada ay Somaliland gaadhnaana waxay ay ku dhisanyihiin siyaasadaha “maalin-dagaalka” ee ah in kolba waxaa markaa taagan uun laga hadlo.


Waxaanan kala garaneyn in farsamo xumo badani  ay jirto iyo malaha in kalsooni siyaado ihi la geliyey oo la rumeysanyahay in arrimahan si dhib yar looga baxayo, waayo, ma arko shaqadii ay u baahneyd oo socota. Waxa badan dadka looma sharxo, taasina waxa ay keentaa inu dadku wax maleeyo oo uu tallaabo kasta u turjunto sida ay isagaga la tahay. Arrinkii yimaadaba sidii shinida ayaa mar keliya lagu wada xoomaa oo tafaasiil laga bixiyaa, iyada oo waxa lagu doodayaa ay tahay “Waxay Aniga Ila Tahay” waayo waxa maqan cidii odhan laheyd “Waxa ay Tahay”.


Laga yaabee in go’aanka dawladdu gaadhey ee ah inaan shirka London laga qeyb gelin ahaa mid sax ah. Balse, arrinku sidaa kumuu dhamaan ee shirar badan oo kale ayaa soo socda. Waxan an iminka aragnaa waa golaaftan meel soke ah ee runtii wey danbeysaa. Arrimihii xasaasiga ahaa weli meesha lama soo dhigin, waaney ina sugayan. Shirrar kale ayaa la soo qaban qaabin oo magaalooyin kale lagu qaban . Kuwaana miyaad diideysaa? Mise waxa an ku doodeynaa “haddii dani inoogu jirto weynu ka qeyb geli”? Bal danta sharax ka bixi. Maxeyse tahay danta ad fileyso iney ku jirto. Waa laga yaaba, iney yimaadaan arrimo dan ah oo ku saabsan dhaqaalaha, iyo horumarka, balse waxa loo socdaa waa miduun oo ah in Somaliya la isku keeno. Haddaba inta aanad marka arini timaado uun lagu hanbaberin, waxa muhiim ah an la sii tashado, arrimaha kaa hor iman doona laga sii doodo, talana meel la dhigto. Ha sugin ilaa saacadda u danbeysa ee arrimuhu dhan walba iska soo xidhaan oo ad ku hanbabarto uun adiga oo lagu leeyahay laba daran kala dooro.

Takale, dantan umadda ee malaasan sharax ka bixi oo halaga soo saaro dhowr qodob oo ah arrimaha salka u ah ka qeyb gal shirarka mustaqbalka. Maxey tahay meesha aan la dhaafi Karin ee xariiqdu kuu taalaa? “madax-bannaanida Somaliland Gorgortan ma geli karto”. Garaney, uuma baahna ku celcelin ee ee hore uuga gudub. Kol haddii ad ogolaatey wada hadal, waxa ad ogolaatey gorgortan, gorgorotanna waxa uu ku dhamaadaa “midaana kuu yeelney, midaana ka tag”.  Taa diyaar ma u nahay? Haddii aanad diyaar u aheyn, dee wada hadal diyaar uuma tihid ee marka horeba mawqif cad istaag.


Dawalddu meel adag ayay ku jirtaa oo u baahan in la is barbar taago oo la taageero. Waxa ay kala dhex gashey laba dhagax oo adag oo midba dhinac ka soo riixayo. Somaliland iyo shicibkeeda oo madax bannaani go’aan ku gaadhey kuna dhaqmey muddo dheer oo aan diyaar u aheyn in dhinacyo kale ay wax ka eegaan. Somaliya oo sharciyan mid ah oo ay Somaliland ka mid tahay oo aan diyaar u aheyn wax kala go’ ah iyo wax Somaliland la yidhaahdo oo madax bannaan. Labadaa mawqif labada dhan waxa ay ka yihiin kama danbeys oo gorogortan ma geli karto dhanna. Dawladdii oo labadaa mawqif og ayaa iyana waxa ay isku deyeysaa iney labada dhinba hawsha la waddo. Ugu danbeynta ka tegi mayso runta! Laba arrin ayuunbaana u banaan dawladda iyo intii kale ee talo la weydiiyo. Iney labada dhan mid tuurto oo miduun la iskugu luga duwdo ama in  xal sadexaad ay meesha soo dhigto.


Arrimaha khuseeya mustaqbalka Soomaaliland ku hadhimayaan si dhib yar iyo dood iyo eedo gaagaaban oo mucaarid iyo muxaafid isku tuurtuuraan. Waa arrin u baahan inta ay khuseysaa iney geliyaan wakhti iyo caqli oo talo ka soo saaran. Haddii ay umadda wax ka qaldamaan, looma heysto uun dawladda ee waxa ka mas’uul ah inta ay khuseyso oo ay u horreeyo baarlamaanka iyo saddexda xisbi qaran, dawladduna mas’uuliyadda labaad ayay leedahay.
Bile - Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

· xaaji on March 20 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired