Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Siilaanyo oo Guddi qaban qaabo u saaray Aaska Marxuum Yuusuf Warsame Siciid.

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray Digreeto uu ku magacaabayo Guddi qaban qaabo oo ka hawl gala Aaska Maayarkii caasimaddaHargeysaoo saaka ku geeriyooday Dalka isu taga imaaraadka carabta halkaasoo laga soo qaadi doono Berri.

Sidoo kale waxa uu isla digreetadaas ugu dirayaa Tacsi Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii iyo shacbiga Reer Somaliland

Magacaabida Gudida Qaban-qaabada Aaska Marxuumka iyo tacsida Madaxweyne‏

TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).

Magacaabida Madaxweynaha:-

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda Hargeysa

Ku: Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta Hargeysa

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Hargeysa

Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Hargeysa

Ku: Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa Hargeysa

Ku: Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda Hargeysa

Ku: Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe Hargeysa

Ku: Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye Hargeysa

Ku: Mudane, Maxamed Baarjeex Hargeysa

Ku: Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed Hargeysa

Ku: Marwo, Aamina Yusuf Aar Hargeysa





Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.

Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf Warsame Siciid.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

 

· xaaji on April 07 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>