Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Guusha Xukuumaddu Waa Guusha Ummadda, Cidina gaar uma laha!

1. Shicibka JSL waa Ummad leh Dhaqan Suuban iyo Tilmaamo Togan:

 

Dareenka waddaninimada iyo dal-jacaylkuna maaha wax la barto ama la iska dhigi karo, balse waa dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka muwaadinka ah ku abuuran, kaasoo muwaadin walba (rag iyo haweenba) ku qasba in wax walba laga hor mariyo, muhimadda iyo mudnaanta kowaadna la siiyo Qarannimada iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka. Magaca, sharafta iyo karaamada ay ummadi leedahay waxa markhaati cad iyo tilmaanba ka ah waa kolba siday ummaddaasi uga dhiidhiyaan ee ay meel ugaga soo wada jeestaan wax kasta oo ka hor imanaya ama khatar ku haya Jiritaanka Qarannimadooda, karaamada Ummadnimadooda iyo danaha guud ee ay iyagu leeyihiin.

 

Nabadda, deggenaanshaha, wada-noolaanshaha, horumarka iyo dimuqraadiyadda ay ummadda Jam. Somaliland muddada 22-ka sano ah ku naaloonayaan, waa arrin aad u qiimo badan oo ummadda JSL RABBI ku galladay, waajibna ay inagu tahay in ALLAH(SWT) loogu mahad-naqo. Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa ah iyagu kuwa arrimahan saldhig iyo laf-dhabarba u ahaa. Waxay mar walba la imanayeen samir, dulqaad, kala-dambayn, dal jacay, dal-dhis iyo ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka u dhigan. Ummadda Karaamada leh ee Jam. Somaliland waxay maraxalado adag iyo waaye aad u qallafsanba kaga soo gudbeen waa nabad jacaylka, wada tashiga, isku-tanaasulka, is-qadarinta, qarannimada iyo danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto. Waana dhaqan suuban iyo tilmaamo togan oo Ummada JSL ay leeyihiin, taasoo lagaga dir-sooco ummadaha kale ee Gobolka geeska Afrika ku nool.

 

2. Shicibka ayaa leh Go’aanka aaya-ka-tashiga Qaranka JSL

 

Masiirka, Aayaha iyo Hadafka Jam. Somaliland Shicib weynaha JSL ayuu gacantooda ku jiraa oo ka masuul ah. Ma jirto cid kale oo aan iyaga ahayn oo uu gacantooda ku jiraa amaba go’aamin kartaa. Washington, London iyo Muqdisho ma go’aamin karaan himilada iyo aayo-ka-tashiga Qaranka iyo dadka JSL.  Sidoo kale ha noqoto Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ee hadda talada haysa, Xisbal-xaakimka, Mucaaridka, Goleyaasha sharci dejinta, Salaadiin, Culimaa-udiin, Siyaasiyiin iyo Maalqabeenba midkoodna awood uma laha aaya-ka-talinta mustaqbal ee Qaranka iyo dadka JSL.

 

Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ee hadda talada haysaa way ku qasbantahay oo Distoorka Qaranka ayaa ku sandullaynaya inay hormuud iyo horseedba ka noqoto wax kasta oo danaha ummadda u adeegaya taasoo lagala xisaabtami doono. Waxa kale oo uu Distoorka Qaranku si cad u qeexayaa in hoggaanka talada dalka hayaa uu ka leexdo tallaabo kasta oo wiiqaysa ama dhaawac u geysanaysa jiritaanka iyo madax-bannaanida JSL.

 

M/weyne Ahmed Silaanyo isagoo si cad uga tarjumaya Dareenka iyo Rabitaanka Shicibka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumaddiisu waxay la timid Siyaasad Arrimo Dibadeed oo ku dhac, hadaf iyo hal-adaygnimoba leh taasoo indhaha iyo dhegaha beesha caalamka ku baraarujisay Muhimadda iyo Qiimaha uu aqoonsiga Jam. Somaliland u leeyahay Gobolka Geeska Afrika iyo bulsho-weynta kale ee caalamkaba. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid hadafkii iyo hannaankii Siyaasadeed ee Qaranka Jam. Somaliland uu kula gar-naqsan lahaa dunida, xaqa ay ummadda reer Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh aqoonsiga beesha caalamka. 

 

Dhinaca kale, Guusha iyo horumarka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsato dhan kasta oo ay tahayba, waxa leh shicibka Somaliland oo dhan, muxaafid, mucaarid iyo in dhex-dhexaad ahba. Waxa nasiib darro ah marka guusha iyo horumarka ummaddaadu gaadho ay adiga guul-darro kaaga dhignaato ee aad u aragto in guusha cid gaar u leedahay adiguse aanad waxba ku lahayn. Waxa ila quman in guusha iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallaabsato ay cid waliba ku faanto una aragto wanaag ummaddu wada leedahay. U horseed Dalkaaga iyo Dadkaaga Guul, u hambalyee Guusha ay gaadhaan, Guul-darradooduna ha ku dhibto!!

 

3. Gebo-gebo:

Waan aaminsanahay waanan soo dhaweynayaa dhex-dhexaadnimada Saxaafadda iyo Cabbiraadda Fikirka Xorta ahba. Laakiinse, waxa wacan in la isweydiiyo: Adigoo ah muwaadin Somalilander ah, goorma ayuu damiirku kugu qasbayaa inaanad noqonin dhex-dhexaad? Ma tihid dhex-dhexaad ama xor marka uu dalkaagu ku jiro xaalad adag ee lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba leh, taasoo lagaga soo horjeedo Qarannimadiisa iyo jiritaankiisaba!

 

Waxa ila quman in Saxaafadda Jam. Somaliland ay kala saaraan Mucaaridnimada Xukuumadda iyo shakhsiyaad xil ka haya iyo adigoo ah Muwaadin Somalilander ah waajibka iyo masuuliyadda kaa saaran Dalkaaga iyo Dadkaagaba. Dabcan, taasi macnaheedu maaha yaan la soo hadalqaadin oo la sheegin wixii ay xukuumaddu ku qaldan tahay. Waa la sheegi karaa oo la toosin karaa wax kasta oo ay Xukuumaddu ku qaldantahay, iyada oo laga wada duulayo wixii dalka iyo dadkaba danahoodu ay ku jiraan ee maslaxaddooda guud u adeegaya!

 

Wa BILLAAHI TAWFIIQ

 

By:  Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

Jamhuuriyadda Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

· xaaji on April 14 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired