Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

MADAXWEYNE SIILAANYO “Illaa hada Ma jirto cid Ictiraaf buuxa noo Fidisay Balse Dunida way inala macaamishaa.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisi oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay guul u ahayd safarkan uu dhawrka todobaad ku tagay dalal badan oo caalamka, isla markaana ka soo dhaadhiciyey qadiyada madax bananidda Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta dadweyne aad u farobadani magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyeen, ayaa sheegay inuu dalalkaasi uu tagay danaynayaan Somaliland inay la macaamilaan, haseyeeshee aanay wali jirin cid ku dhiiratay inay ictiraafto.

“Waxaanu Tagnay Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, waxaanu safarkaasi oo dheeraa u ahaa mid ku saabsan danaha qaranka Somaliland, waxaanu daafacaynay ama ka dhaadhicinaynay oo aanu dunida fahansiinayna Qadiyada Somaliland waxay ku fadhido iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay”ayuu yidhi madaxweyne Sillaanyo oo ka hadlayey safarkiisii iyo wixii u soo qabsoomay, waxanu intaas ku daray “ waxaanu safarkaasi kala kulanay in lana soo dhoweeyo oo la ina dhagaysto, waana dalal danaynaya Somaliland inay maalgashadaan ama yimaadaan doonaya, waxayna ahayd guul weyn ummaddeena usoo hoyotay, dabcan ilaa imika cidi kuma dhiiran inay ictiraaf buuxa ay inoo fidiso, laakiin dunida way inala dhaqantaa oo inala macaamiishaa, waana ta la inagu casuumayo ee la ina dhagaysanayo”

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_1.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_2.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_3.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_4.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_5.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_6.jpg

siiilaanyo_oo_soo_laabtay_8.jpg

Mar wax laga waydiiyey inay qaadacadaasi shirka London ee uu diiday ay go’doon ku keeni karto Somaliland, wuxu yidhi “ Go’doon inagama dhigayaan oo waynakaa dunida tagayna oo dunida way inala macaamiishaa, laakiin ilaa markii ay Somaliland curay ictiraaf dunida inamay siin, dadaalka iyo adkaysigu inaga ayaa la inooga baahan yahay, go’aanka umadeena iyo in aynu ku adkaysano ilaa inta himiladeena meel ka gaadhayno oo aynu dunida fahansiinayno weeyi ”

Sidoo kale Waxa uu sheegay madaxweynuhu inuu kulan la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, isla markaana ka wada hadleen xidhiidhka labadda dal iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa maanta si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana wadooyinka dhinacyadeedda tubnaa boqolaal dadweyne, kuwaas oo lulayey calanka iyo sawirka madaxweynaha kuna dhowaaqayey erayo ay ku dhiirigalinayaan madaxweynaha, waxaanay maanta ka duwanayd doorarkii hore ee uu soo degi jiray, sidaa darteed marka aad dadweynaha waydiisid sababta keentay soo dhoweyntan balaadhan, waxay kugu jawaabayaan inay ku taageerayaan go’aankii uu ka qaatay shirka London ee Ingiriska qabanqaabinayo iyo shirkii Turkiga ee Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku dhexmaray Ankara oo ay aaminsan yihiin inay guul u ahayd Somaliland.
 

HargeysaOnline.Net

· xaaji on May 05 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>