Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiga UCID oo Xukuumadda iyo Hay’adaha ay khusayso ka dalbaday in la sameeyo Diiwaangelintii Doorashooyinka.

Hargeysa(Hargeysa Online)Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada Xisbiga UCID Abdi M.Saleiman(Mingiste) ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu uga digayo Xukuumadda in ay ku talo gasho Diiwaangelinta ay wasaaradda Arrimaha guduhu wado in lagu galo Doorashooyinka soo socda.

War-saxaafadeedka Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa Komishanka Doorashooyinka, Golayaasha Qaranka iyo Xukuumadduba in ay dadajiyaan samaynta Diiwaangelintii Cod-bixiyayaasha haddii kale Xisbi ahaan aanay ku qancayn Doorasho bilaa Diiwaangelin ah.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga UCID waxa uu u dhignaa sidan:-

Cambaareyn Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland. Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland, meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la socodsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland arimahan hoos ku qoran :-
• Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Xafiiska Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, waxay cadeynayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ay qorshaynayso in ay samayso Diiwaan gelin Qarsoodi ah, taas oo ay si hoose u waday Wasaaradu in mudo ah.
• Sida wararkani cadeynayaan Diiwaan gelintan qarsoodiga ah ee ay Xukuumadu wado,waxaa loogu tala galay in hadhow loo isticmaalo,Diiwaangelin Doorashooyinka lagu galo, xukuumadu ay ku doodo in aan dhaqaale loo haynin Diiwaan gelin kale.
• Warar si hoose uga soo baxay xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland,waxay cadeeyeen in aanay Xukuumadu ,haba yaraatee doonaynin in la sameeyo Diwaangelin rasmi ah, oo Doorashooyinka lagu galo,ilaa haddana aanay jirin wax talaabo ah oo loo qaaday sidii Diiwaangelinta loo samayn lahaa.
• Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,wuxuu si cad Golaha Wakiilada uga hor sheegay in Wasaarada arimaha Gudaha ay wado Diwaan gelin u gaar ah, xeer u fasaxayaana uu jiro, balse arintu intaa ka sii qoto dheertahay.
Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID,markuu arkay arimaha kor ku xusan, baadhis dheerna ku sameeyey arimahaas Diiwaangelinta, waxaa u cadaatay, xaqiiqsaday in ay jiraan dano gaar oo ay Xukuumadu ka leedahay Diwaan gelinta ay wada Wasaradeeda Arimaha Gudaha, ka dibna waxaanu cadeynaynaa :-
1. In Xisbiga UCID uu si buuxda u qaadacayo Diiwaan gelin kasta oo aan laga talo gelin Xisbi ahaan, Diiwaangelin kasta oo aanu Xisbiga UCID, goob joogayaal ku lahayna, wuxuu u arkaa in ay xaaran tahay, mana aqoonsan doono.
2. Xisbiga UCID, wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Guddiga Doorashooyinka, Xukuumada, Golayaasha, shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta.
3. Xukuumada, gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha waxaanu uga digaynaa in ay sii wado Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado, taas oo aanu u aragno in ay tahay Diiwaangelin loo adeegsanayo dano gaar ah.
4. Shacabka reer Somaliland way ka wada dheregsan yihiin, dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii ugu horeysay ee ay qabato Xukuumada hadda jirtaa, welina aan wax xal ah loo helin. Haddaba waxaanu qabnaa Xisbi ahaan in Diwaangelintaa qarsoodiga ah ee ay wado Xukuumadu, gaar ahaan Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka dhalan karaan dhibaatooyin cusub, oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin, sidaa darteed waxaa haboon in la joojiyo, oo aan la sii wadin ilaa laga wada tashado mucaarid iyo muxaafidba.

Hargeysa Online

· xaaji on May 09 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>