Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

M-weyne ku xigeenka JSL iyo Waftigiisii waxay Muujiyeen Xil-Gudasho la yaab leh.

1. Hordhac:

Marka hore, mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Rabigeenna Weyn ee inaga dhigay ummadda aynu nahay ee Jam. Somaliland, inaguna galladay nimcooyinkiisa badan ee ay ka mid yihiin nabadda, wada-noolaanshaha, horumarka iyo weliba hanka iyo himilada ummadnimo ee shicibka JSL astaanta u ah.

 

Marka labaad, waxaan hambalyo baaxad leh iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaanba ummadda Jam. Somaliland  gudaha dalka iyo dibeddaba, sida wadanninimada iyo dadnimadaba leh ee ay u xuseen una xurmeeyeen 22 guurada Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May , taasoo ay ugu quus-gooyeen cadowga noocyada badan leh ee Jam. Somaliland.

 

Marka saddexaad, waxaan M/weynaha JSL Mudane Ahmed M.M. Silaanyo iyo Golaha Xukuumaddiisaba ku hambalyeynayaa sida hufnaanta iyo hawl-karnimadaba leh ee ay uga hawl-galeen qaban-qaabada iyo qabsoomidda Maalinta Qarannimada ee18-ka May  gudaha dalka iyo dibeddaba. M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisu waxay ammaan iyo maamuusba ku mutaysteen: sida ay kor ugu qaadeeen meeqaamka Maalinta Qarannimada; sida ay weftiyo ugu kala direen dalka gudihiisa iyo daafaha dunida; sida ay nabad-gelyada iyo kala dambayntaba u sugeen.

 

2. Kaalinta Muuqata ee Qurba-Joogga Somaliland ee Ingiriiska:

Ummadda Somaliland iyo dalka Boqortooyada Ingiriiska waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah.  Dalka Ingiriisku waxa uu hoy u yahay Bulshada Somaliland ugu badan ee ku nool dal dibedda ah. Muddo ka badan 100 sano ayey bulshada JSL ku noolaayeen oo ay degenaayeen dalkan Ingiriiska. Bulshada reer Somaliland ee ku nool Ingiriisku waxay door muhiim ah ka soo qaateen halgankii dib u xoraynta dalka hooyo, iyagoo naf iyo maalba u horay in JSL ay mar kale la soo noqoto madaxbannaanideeda. Sidoo kale waxay kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaateen (illaa haddana ay kaga jiraan) dib u dhiska, dhaqaalaha iyo maal-gashiga dalka iyo weliba ta ugu muhiimsan oo ah kaalinta ay kaga jiraan dedaalka qadiyadda ictiraaf raadiska iyo gooni isu taagga Jam. Somaliland.

Haddaba, damaashaadkii Xuska iyo Xurmaynta Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May ee ka dhacayey magaalooyinka kala duwan ee  dalkan Ingiriiska waxay ummadda JSL ee ku nool Ingiriisku nasiib u heleen inay Xuska 18-ka May  kala qayb galaan Wefti heer Qaran ah oo uu hoggaaminayey M/weyne K/X JSL Md. C/raxmaan C/laahi Ismail (Saylici). Weftigaasi oo ka koobnaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo masuuliyiiin kale oo xukuumadda ah, golaha wakiilada, la taliyeyaasha Madaxweynaha, Safiirka wareega iyo Safiirka JSL ee UK.

 

Si aan qiyaas lahayn ayey bulsha weynta Somalilnad ee ku nool dalkan Ingiriisku u soo dhaweeyeen uguna farxeen in M/weyne ku xigeenka JSL iyo waftiga culus ee uu hoggaaminayey ay kala qayb-galeen Xuska iyo Damaashaadka Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May.  Dabcan way jirtaa in marar badan oo hore ay Madaxweynaha JSL iyo wefti uu hogaaminayey booqosho ugu yimaadeen dalkan Ingiriiska. Balse M/weyne ku xigeenka JSL safarkiisii ugu horreeyey ee qaaraddda Yurub wuxuu go’aansaday inuu  ku yimaado dalkan Ingiriiska, taasoo bulshada reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriisku ay u arkaan in iyaga si weyn loo sharfay oo la siiyey mudnaan gaar ah.

 

3.  M/weyne K/X iyo waftigiisu waxay xoojiyeen isku-duubnida Bulshada:

M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu markii ay soo caga-dhigteen London waxaa si aan qiyaas lahayn u soo dhaweeyey dhammaan bulshada JSL ee deggen dalka Ingiriiska iyaga oo isku duuban oo mid ah. In kasta oo M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu ay aad u daalanayeen oo ay soo galeen safar iyo socdaal dheer oo maalmo qaatay, haddana waxay isla markiiba u tabaabulshaysteen sidii ay uga qayb geli lahaayeen Xafladaha Sanka Isku Hayey ee Xuska 18-ka May.  

Xafladiba waxay u dhiibtay xaflad kale! Waqtiga ay Waftigu bulshada damaashadaysa la qaadanayeen aad ayuu u dheeraa.

 

Xiisaha iyo Xamaasadda bulshada u dabaal-degaysa Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May  wuxuu ahaa mid aad u sarreeya! Salaanta iyo Sawirrada ay bulshadu ka qaadanayeen M/weyne K/X iyo waftigiisa may lahayn xad! M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxay muujiyeen samir iyo dulqaad ay Bulshadooda ku soo xoomaysay u samrayeen! Waxay ku dedaalayeen inay qof walba raalli gelinayaan isla markaana ay siiyaan waqti ay kula hadlaan haba koobnaadee. Meeqaam iyo maamuus aad u sarraysay ayaa ka muuqatay M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisa, iyagoo si wada jir ah u hagayey Xuska Maalintan qiimaha leh, tallaabo-tallaabana ula socday kolba halka uu xaal marayo. Wadajirka iyo wada-shaqaynta ka muuqatay M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisa waxay dhiirri gelisay guud ahaanba Bulshda JSL ee ku dalkan Ingiriiska inay iyaguna isku duubnaadaan oo ay si wada-jir ah wax u wada-qabtaan!!

INSHA ALLAH BI IDMILLAAH; La soco Qaybta 2-aad:

 

(M-weyne ku xigeenka JSL iyo Waftigiisii waxay Muujiyeen Xil-Gudasho la yaab leh, Qurba jooga Somaliland ee Ingiriiska deggenna  waxay ka dhex abuureen Isku-duubni, Wadajir iyo Walaalnimo.)

 

M-weyne ku xigeenka JSL iyo Waftigiisii waxay Qurba jooga Somaliland ee Ingiriiska ka dhex abuureen Isku-duubni iyo Wadajir! (Qaybta 2-aad)

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr|

 

1.     HORDHAC:

Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May  waxay noqotay dhacdo Caalamka oo dhan si weyn looga xuso oo looga dabaal-dego. Maalintan iyada ah, cidda heerkaa gaadhsiisey ee qiimahaa u yeeshay waa Ummadda Karaamada leh ee Somaliland. Ummadda Jam. Somaliland  waa ummadda keliya ee awoodda u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTA QAARADOOD ee Dunidu ka kooban tahay!! Cajiib!! Cajiib!! Waa tilmaan togan iyo dhacdo gaar u ah Ummadda Jam. Somaliland, taasoo ay guud ahaanba kaga duwan yihiin kagana horreeyaan dalalka qaaradda Afrika iyo kuwa Dunida Muslimka, oo iyagu dhammaantoodba haysta aqoonsi caalami ah!!

 

Habka iyo qaabka ay ummadda Jam. Somaliland  u xusaan ee ay ugu dabaal-dagaan maalinta Qarannimadooda (dalka gudihiisa iyo daafaha dunidaba) waxay tilmaan muuqata iyo tusaale cadba u tahay kartida, tayada iyo awoodda ummadnimo ee ay leeyihiin shicibka Somaliland. Waxay daliil dhaba iyo markhaatiba u tahay dareen-wadareedka wadaninnimo iyo dal-jacaylka ay Ummadda Somaliland sida cad ugu muujiyeen inay yihiin ummad leh hadaf qudha iyo himilo midaysan. Waxa kale oo ay farriin culus iyo digniin cadba u tahay cadowga JSL iyo cid kasta oo shiki ka qabta jiritaanka qarannimada Jam. Somaliland .

Waxa xusid gaar ah mudan in heerka Xuska iyo meeqaamka Dabaal-degga sannadkan 2013, kuna beegnayd 22-guurada Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland  waxa uu  ahaa mid aan noociisa hore loo arag taasoo nacab iyo nasteexba ka yaabisay. Guud ahaanba Shicibka iyo Dawladda Jam. Somaliland  waxay muujiyeen karti, isku-duubni iyo dedaal la yaab leh taasoo si weyn u soo jiidatay indhaha iyo dhegaha qaar ka mid ah saxaafadda Caalamka.

 

2.  M/w/k/x. iyo weftigiisa waxaa ka muuqday farxad iyo niyadsami:

Xiisaha iyo Xamaasadda bulshada u dabaal-degaysa Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May  wuxuu ahaa mid aan qiyaas lahayn oo aad u sarreeya. Salaanta iyo Sawirrada ay bulshadu ka qaadanayeen M/weyne K/X iyo waftigiisa may lahayn xad! Waqtiga ay Madaxda Qaranku xaflad walba joogayeen aad ayuu u dheeraa. Bilowga illaa dhammaadka Xafladda, M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu  way fadhiyeen waxayna ku sugnaayeen madasha ay xafladdu ka socotay. M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxaa ka muuqday farxad iyo niyadsami ay aad ugu qanacsanaayeen inay bulshadooda kala qayb-qaataan damaashaadka iyo dabaal-degga maalintan qiimaha leh. Waxay muujiyeen samir iyo adkaysi ay ugu dulqaadanayeen waqtiga dheer ee ay kuraasta ku fadhiyeen iyaga oon wax hadala soo jeedin balse dhegaysanayey oo daawanayey heesaha, gabayada, buraan-burka iyo hadalada ay bulshadu soo jeedinayeen. M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisa sinaba loogama dareemayn inay dhib-sanayaan Bulshadooda iyaga xiisaynaysay ee ku soo xoomaysay! Weliba waxay ku dedaalayeen inay qof walba raalli gelinayaan isla markaana siiyaan waqti ay bulshadu iyaga kula hadlaan haba koobnaadee.  

 

M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Xafladaha waxay dhammaantoodba hadallo qiimo leh u soo jeediyeen bulshada reer Somaliland ee ku nool Carriga Ingiriiska, gaar ahaan magaalooyinkii sida weyn looga xusay 18-ka May ; sida London, Birmingham, Bristol iyo Manchester. Hadallada ay Madaxda Qaranku soo jeediyeen waxay isugu jireen dib u milicsiga taariikhda qiimaha leh ee ay salka ku hayso Maalinta Qarannimada ee 18-ka May, xogwarran xaaladaha dalkeennu marayo, guubaabo, dhiirri gelin, waano iyo talo bixin khusaysa Qurba-jooga Ingiriiska. M/weyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee hadallada ka soo jeediyey Xafladaha waxay mar walba carrabka ku adkaynayeen oo ay hoosta ka xarriiqayeen sida ay lagama-maar-maanka u a tahay in Bulshada Somaliland ee Qurbuhu ay isku duubnaadaan, danta dalka iyo ta dadkoodana meel uga soo wada jeestaan.  

 

Marka dhan walba laga eego, M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisa waxa ka muuqatay Meeqaam iyo Maamuus Qaran oo aad u sarraysa. Waxayna si wada jir ah u hagayeen Xuska Maalintan qiimaha leh, waxayna tallaabo-tallaabo ula socdeen kolba halka ay hawluhu marayaan. Wadajirka iyo wada-shaqaynta ka muuqatay M/weyne ku xigeenka iyo weftigiisa waxay dhiirri gelisay guud ahaanba Bulshda JSL ee ku dalkan Ingiriiska inay iyaguna madaxdooda ku daydaan oo ay isku duubnaadaan si wada-jir ahna wax u wada-qabtaan!!

 

Dhammaanba Bulshada Jam. Somaliland  ee ku nool dalkan Ingiriisku waxay hambalyo iyo mahad naq ballaadhanba u soo jeedinayaan Waftigii cuslaa ee uu Madaxweynaha JSL u soo diray dalkan Ingiriiska. Waxaanu Madaxda Qaranka uga mahad naqaynaa mudnaanta gaarka ah ee ay siiyeen Bulshada ku nool dalkan UK inay kala qayb qaataan Xuska 18-ka May, iyo sida ay noogu hureen waqtigooda qaaliga ah.

 

Waxaannu Madaxda Qarankayaga ku leenahay JAZAA KUMULLAHU KHAYR:

 

1.    M/w/k/x JSL: C/raxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) iyo

       Marwadiisa: Raxma Xaaji Maxamed Suldaan.

2.    C/casiis Maxamed Samaale (Wasiirka Maaliyadda JSL)

3.    Ahmed Xaaji Cali Cadami    (Wasiirka Difaaca JSL)

4.    C/rasaaq Khaliif Ahmed      (Wasiirka Ganacsiga JSL)

5.    Cali Xaamud Jibriil               (W/K/X. Waxbarashada JSL)

6.    Maxamed Yoonis Cawaale   (W/k/x/ hore Arr. Dibedda JSL)

7.    Amaal X. Ahmed Miisaan     (La taliyaha Madax.W arrimaha Haweenka)

8.    Ahmed Xasan Carwo            (La taliyaha Madax.W arrimaha Dhaqaalaha)

9.    Muj. Maxamed Kaahin Ahmed (G/k/x.: Xisbiga Kulmiye)

10.  Maxamuud C/raxmaan         (Gudd. Hay’adda Qurbajooga Qaranka)

11.  Cali Adan Cawaale               (Wakiilka JSL ee UK)

12.  Cabdillaahi Xussen Cige[Blacky] (Xildhibaan Golaha Wakiilada)

13.  Kaysar C/laahi Maxamed      (Ambassadoorka Wareega JSL)

 

DHAMMAAD,

 

GUUL, HORUMAR IYO MADAXBANNAANI Jam. Somaliland  

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

W/Q: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr|

· xaaji on May 30 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>