Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shirweynihii Xorriyatul-Qowlka Adduunka oo looga hadlay xaaladda Xorriyatul-Qowlka Soomaaliya.

Shirweynhii Dallada Caalmiga ah ee u Dooda Xoriyatul Qowlka ee loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX) ayaa lagu soo gunaanaday Dalka Cambodia, gaar ahaan magaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.



Ka soo qeyb galayayaasha oo kor u dhaafayay 200 qof oo matalayay ururrada iyo hay’adaha u dooda xorriyada saxaafadda, xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka kuwaasoo ka kala yimid 120 dal oo addunka daafihiisa ah ayaa waxaa ay si qoto dheer ay uga doodeen xaaladda ay ku sugan tahay xoriyatul qowlka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ugu qeyb galay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ah dallada IFEX. Soomaaliya ayaa mar kale loo asteeyay in ay ka mid tahay dalalka loogu dhibaateyn badan yahay suxufiyiinta taasoo ay ka dhigeyso meel si weyn loogu xadgudbo xorriyatul qowlka iyo xuquuqul insaanka. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la wadaaga kaalinta ugu horreysa dalalka Philippine, Russia and Syria.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa kasoo jeediyay kulanka Phnom Penh ee IFEX warbixin oo uu ugu hadlay dhibaatada loo geysanayo suxufiyiinta gaar ahaan nabadgelyo-xumida heysato suxufiyiinta oo keentay in si bareer ah loo beegsado saxaafadda iyo ciqaab la’aanto dilka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“Waxa ugu daran ee manata saxaafadda Soomalaiya heysto ayaa ah cuuryaamin iyo dhibaateyn aan xad laheyn oo ciddii geysato aan wax dambi ah loo qabsaneyn, iyadoo la ogyahay in qofka suxufiga ah uu yahay muwaadin caadi ah balse mas’uuliyadda dheeraadka ah ee saaran darteed ayaa loogu bartilmaameedsadaa shaqada ay bulshada u hayaan darteed” ayuu yiri Cumar Faaruuq oo ku daray in dagaal gaar ah lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay mid xalkeeda lagu soo koobay hadallo siyaasadeed oo aan wax la taaban karo oo muuqda aanan laga qaban tasoo keentay in dilkii uu si macno darro ah u sii socdo.

Kulanka ayaa waxaa lagu meel mariyay go’aan u soo jeediyay Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ kaasoo ahaa in laga taageero Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si ay u sahlanaato in la ilaaliyo amniga iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyadda saxaafadda soomaaliya taasoo kulanweynaha IFEX uu si weyn isugu raacay.

Isku soo wada duub dhawaan ayay aheyd markii shirweynaha Ururka IFJ eek a dhacay magaalada Dublin lagu meel mariyay qaraar taageero iyo kaalmo kaleba loogu yaboohay ururka NUSOJ muddada seddaxda sano ah ee soo socota si uu usii kordhiyo waxqabadkiisa.

Hargeysa Online
 

· xaaji on June 21 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>