Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

AMISOM oo Siminaar u soo Xirtay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Somalia.

AMISOM Siminaar socday afar maalmood ah u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sare loogu aqaadayay aqoontooda la xiriira howlaha ay u hayaan baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Siminnaarkan ayaa waxaa ka qaybgalay xildhiabaannada guddigan iyo sidoo kale shaqaale ka tirsan baarlamaanka, waxaana intii uu siminaarku socday ay ka doodeen habka lagu sugi karo ammaanka laguna dhisi karo maamullo ay gobollada dalku yeeshaan.
Xiritaankii siminnaarka ayaa waxaa hadal ka jeediya, Basile Garetetse oo wakiil ka ahaa ergayga arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika danjire, Maxamed Saalax Anaadiif, isagoo sheegay in siminnaarkan uu ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta xildhibaannada, isagoo sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeyn doonto baarlamaanka Soomaaliya.
“Dadaalladeena waa kuwo ku saleysan sidii aan u taageeri lahayn hay’adaha  dowladda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri warqad uu soo dirtay danjire Anaadiif. “Xildhibaannadu waa kuwo matala shacabka Soomaaliyeed, waana muhiim in la baro habkii ay shacabkooda ugu faa’iideyn lahaayeen.”


Siminnaarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo AMISOM ay ugu qabto Muqdisho xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay sheegeen inay sii socon doonaan tababarrada noocan oo kale ah.
“Waxaan ogosoonnahay in dadaallada AMISOM inay ku sameysan yihiin sidii ay wadashaqeyn ula sameyn lahayd baarlamaanka Soomaaliya,” ayay tiri Fowziyo Maxamed Sheekh oo ah guddoomiyaha guddigan oo ka hadlaysay xiritaanka tababarka.
Ugu dambeyn, AMISOM waxay u qaybisay xubnihii guddiga ee siminaarka ka qaybgalay qalab isugu jira kambiyuutarrada gacanta lagu qaato (Laptops) iyo kuwa waaweyn ee xafiisyada la dhigto, si ay ugu diyaarsadaan howlahooda gaarka ah.

Hargeysa Online

· xaaji on June 24 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>