Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Xasan Daahir todobaad gudihiis loo duulinayo sadex dal midkood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaal ka socday beesha Habar Gidir ayaa kulan socday shalay galab illaa xalay ku qaatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu dalbaday madaxweynaha Somalia ayaa looga hadlaayey arinta ku saabsan Xasan Daahir Aweys oo ku jira mid ka mid ah xabsiyada ciidamada Nabadsugida dowlada iyo dhibaato dhowr habeen ka hor loo geystay waxgaradkii beesha Habar gidir ee ka keenay degmada Cadaado oo iyagu sheegay in looga baxay balan ay la galeen dowlada.

Madaxweynaha ayaa ka raali galiyay Nabadoonada beesha Habar Gidir xad gudubkii loo geystay xiligii ay garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka soo dajiyeen hogaamiye Xasan Daahir Aweys kaasoo ay kula kaceen ciidamo ka tirsan nabad sugida dowlada.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha uu la kulmay inuu isago qaadanayo shaqsi ahaan masuuliyada dhibaatada loo geystay oo uu xusay iney aad uga xun yihiin, taasoo la sheegay in odayaasha ka qeyb galay kulankaas ay si wanaagsan ugu qanceen.

Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa xusay in madaxweynuhu u sheegay Xasan Daahir inuusan aheyn maxbuus hase ahaatee ay amaankiisa sugayeen markii ay la wareegayeen.

“Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Xasan Daahir uu wanaagsan yahay aysan jirin cid ku xad gudubtay ama dhibaato u geysatay, aana booqan karno xiligii aan doono eheladiisana ay booqan karaan” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii beesha Habar gidir ee madaxweynaha la kulmay.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale kulankaas ka sheegay in Xasan Daahir Aweys todobaad gudihiis ah loo duulin doono sadex dal midkood oo isaguna uu ogol yahay inuu ku noolaado kuwaasoo kala ah Norwey, Qadar iyo Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in safiirka Turkiga u fadhiya Somalia oo Xasan Daahir ku booqday xabsiga ay dowladu u xilsaartay inuu la soo tashado dowladaha Qadar, Norweyn iyo dowladiisa Turkiga ayna keenaan go’aan mideysan oo sadexdaas dal midkood uu magangelyo ku siinayo Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Nin la dhashay Xasan Daahir oo la yiraahdo Cubeyd Daahir Aweys ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu si hoose ula socdo xaalada Shiikh Xasan Daahir iyo caafimaadkiisa inta laga dhoofinayo dalka.

Ilo dibolomaasiyadeed ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay iska deysay qorshe markii hore ay ku talo gashay oo ahaa in Xasan Daahir ay maxkamadeyso, kadib markii xiisad kulul ay ka dhalatay xarigiisa taasoo ay ka baqday iney abuurto khal khal dhinaca amaanka ah, iyadoo ka dibna go’aansatay in Xasan Daahir ay iska fogeyso oo la geeyo dal kale si uusan arrimaha gudaha saameyn ugu yeelan.

Odayaasha ka qeyb galay kulanka madaxweynaha ayaa magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo dowlada kala shaqeeya arinta Xasan Daahir Aweys iyo sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa.

Dad ka careysan Xariga Shiikh Daahir Aweys oo isku abaabulay qaabil ayaa maalmo ka hor ka dhigay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay, arintaaso dowlada ku abuurtay dareen feejignaan leh oo ku saabsan in arintu ay yeelato waji qabiil.

Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa labo todobaad ka hor ka soo baxsaday degmada Baraawe ka dib markii uu khilaaf gaaray heer gacan ka ah uu dhexmaray saraakiil ka tirsan kooxdaas oo isagu uu ka mid ahaa iyo hogaamiyaha Al-shabaab.

Isagoo la socda dooni uu kaga soo baxsaday degmada Baraawe ayaa Xasan Daahir iyo saraakiil la socotay waxay ka degeen xeebaha gobolka Mudug, waxaana gacanta ku dhigay maamulka Ximan & Xeeb oo ugu dambeyntii ku wareejiyey dowlada Somalia oo uu hadda gacanta ugu jiro.

Hargeysa Online

 

· xaaji on July 03 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>