Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Heshiis sadex qodob ka kooban oo ka soo baxay wadahadalkii Somalia iyo Somaliland uga socday Istanbul

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa xalay lagu soo gebagebeeyey wareegii 4aad ee wadahadalo labo maalin halkaas uga socday wufuud ka kala socotay dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.
Labada dhinac ayaa isla gaaray wadahadalo adag ka dib heshiis ka kooban sadex qodob oo kala ah:

1-In guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ka kooban ay hawada Somalia kala wareegaan QM kaasoo fadhigiisu noqonayo magaalada Hargeysa, si ay xal ugu helaan sidii qaab siman loogu qeybsan dakhliga ka soo xerooda hawada.

2-In la sii wado wadahadalada labada dhinac, ayna yeeshaan kulamo kale.
3- In wadahadalka kan xiga la isugu yimaado isla dalka Turkiga muddo afar bilood ah ka dib.

Heshiiskaas waxaa madasha shirka ka aqriyey safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Dr. Karun Torun, iyadoo labada dhinac ay u kala saxiixeen wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka ganacsiga iyo maalgeshiga ee Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wadahadalku uu ahaa mid adag hase ahaatee lagu guuleystay in ugu dambeyn laga soo saaro saddex qodob.

Wasiirka ganacsiga iyo maalgeshiga ee Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar ayaa isna sheegay in labada dhinac ay walaalnimo ah u wada hadleen, ayna gaareen heshiis sadex qodob ka kooban, isagoo xusay iney jireen qododo badan oo laga wada hadlay hase ahaatee dib loo dhigay in go’aano laga gaaro si wada tashiyo dheeraad ah looga sameeyo.

Wararku waxay sheegayaan in ajendaha laga wada hadlayey uu gaarayey 10 qodob oo ay ku jireen madax-banaanida Somaliland sida laga yeelayo oo ah qodobka ugu adag iyo in wadahadalka kan xiga uu ka dhaco dalka gudihiisa.

Hase ahaatee labada dhinac ayaa qodobadaas ka yeeshay dodo adag oo mararka qaar sababayey in shirarku ay hakadaan si ay la tashiyo kala gaar gaar ah ay labada dhinac u sameeyaan, waxaana jirtay in mar uu ku sigtay shirku inuu burburo oo lagu kala dareero markii la isku mari waayey dhamaan qodobadii laga doodayey inkastoo markii dambe dambe la isla gartay in wax uun laga soo saaro.

 

Hargeysa Online

· xaaji on July 10 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired