Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay Dhallinyarada, kuna Dhiirri-geliyay inay ka Qayb-qaataan Sugidda Amniga.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa galabta kulan ballaaran la qaatay dhallinyaro isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo tiradoodu ahayd 250, kana socday ururrada dhallinyarada, ardayda jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

 


Kulankan ayaa looga gol-lahaa in lagu dhageysto aragtida dhallinyarada iyo doorka kaga aaddan nabadda iyo horumarinta dalka, sidoo kalena ay DFS ugu gudbiso dhallinyaradaas farriinta dawladda ee dhinacyada nabadda iyo horumarinta dalka. Iyadoo kulankaas ay goobjoog ka ahaayeen; wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigg, horumarinta adeegga bulshada.
Dhallinyaradan ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan dib-u-soo celinta nabadda dalka iyo horumarinta dalka, iyagoo dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka, isla markaana fursado shaqo loo abuuro.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay dhallinyarada ayaa u sheegay in ay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha aan wanaagsanayn, sida qabiilka, argagixisada iyo xumaanta.


“Dhallinyarada maanta iga hor-muuqata waxaan ku baraarujinayaa inay ka qayb-qaataan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, haddii aan dowladdu helin kaalinta dhallinyarada ee sugida amniga - runtii wey adkaanaysaa in la helo amni, maalin kastana waxaad arkeysaan walaalihiin iyo waalidiintiin oo loogu laynayo hortiinna si gar-darro ah,” ayuu yiri Saacid oo kulankaas kaga dal-baday dhallinyarada inay xiriir wada-shaqeyneed la yeeshaan hay’adaha amniga ee dowladda, si looga hortago qaraxyada iyo falalka kale ee nabadda liddiga ku ah.
Isagoo lasii hadlaya dhallinyarada ayaa wuxuu yiri: “Waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka hoggaamin lahayd dalka, annagu waxaan diyaar u nahay inaan idinku wareejino kuraasta, balse idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad la timaadaan waxqabad muuqda oo aad noqotaan dhallinyaro xil-kas ah.”
Gabagabadii, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ka dalbaday wasaaradda adeegga bulshada inay soo abaabusho kulan ballaaran oo loogu magc-daray “Shirweynaha Dhallinyarada” oo ay hoostagto wasaaradda dhallinyarada kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah loogana hadli doono sidii dhallinyarada iyo dowladda uu u dhexmari lahaa xiriir wanaagsan.
Kulankii shalay galab dhexmaray dhalinyarada iyo ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumadda ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha kaasoo looga gol-leeyahay iskaashi buuxa oo dhex-mara qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumadda, si loo horumariyo nabadda iyo deegaanshaha dalka 22-sano kaddib.

Hargeysa Online

· abdi on July 14 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>