Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa.

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa goor dhaweyda soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, halkaas oo uu madaarka kaga soo dagay diyaarad khaas oo uu kaga soo duulay Caasimadda Dalka Itoobiya.

Maxamed Biixi Yoonis oo abaara tobankii iyo badhkii ay soo cagadhigatay diyaaradda siday madaarka waxa si diiran ugu soo dhaweeyay kumanaan qof oo isugu jira Wasiiradda Xukuumadda Kulmiye ee uu ka tirsan yahay, Golaha Baarlamaanka, Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda iyo dadweyne aad u farabadnaa oo ku xardhanaa ama sitay boodhadh ay ku dhajisan tahay Suuradiisu.

Maxamed Biixi Yoonis markii uu ka soo dagay diyaaradii siday waxa uu mid mid u salaamay Masuuliyiintii iyo Dadweynihii soo dhaweeyay oo Diyaaradda hoosteeda iyo barxada madaarka Saf saf u taagnaa iyadoo dhawaaqyo kala duwan oo soo dhaweyn ah ay ku baaqayeen.

Wasiira Maxamed Biixi Yoonis waxa si farxad weyni ka muuqato ugu Mahadnaqayay dadka soo dhaweynayay isagoo wajigiisa ay ka muuqatay fur furnaanta inta badan lagu yaqaano, waxaanu dhoolacadayn xoog ah ku qaabilayay kolba qofka ku soo beegma iyadoo ay dadweynuhu kala hororsanayeen.

Salaantii dadweynaha kadib Wasaiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu dadweynaha soo dhaweeyay kala hadlay barxada hore ee Madaarka maadaama aanay VIP-du qaadayn dadka goobta ku sugnaa iyo Warbaahinta oo saaka aan u kala hadhin isla markaana doonaysaya hadalkiisa balse waxa uu Mahadnaq balaadhan uga jeediyay goobtii loogu talogalay, waxaanu si niyad sami ah uga qaabilay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa safarkiisa ku wehelinayay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay isla markaana ah madaxa Daarfuur kaasoo u soo galbiyay wasiirka Caasimadda, sidoo kale waxa la socday saraakiil kale oo ka tirsan UN-ka kuwaasoo ka soo kicitimay Daarfuur, waxaanay soo dhaweynta kadib dib ugu laaban doonaan Diyaaradda ay siteen oo ahayd mid khaas ah.

Wasiiradda Xuukuumadda ayaa kulang gaar ah ku qaabilay wasiir Maxamed Biixi Yoonis qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa halkaas oo ay si farxadi ku dheehantahay ugu soo dhaweeyeen, waxaana adkaatay in qolka Nasashada dadweynuhu galaan, maadaama masuuliyiinta iyo dadweyanuhu ay ka tan bateen madaarka oo ahaa saaka mid aad u camirnaa.

Gaadiid farabadan ayaa u galbiyay wasiir Maxamed Biixi Yoonis dhinaca magaaladda, waxaana la filayaa in uu si toos ah u qaabili doono Qasriga Madaxtooyadda halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhawaan magacaabay, maadaama ay tahay markii ugu horaysay ee uu Dalka yimaado tan iyo intii la magacaabay.

Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn isaga xil-qaantay soo dhaweynta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, waxaana madaarka ku soo xaadiray goor hore inta aanay diyaaradu soo caga dhigan wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla toosiye, Wasiirka Beeraha Farax Cilmi Geedoole, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayeen xildhibaanada Golahaasi ayaa iyaha safafka dhaadheer ee soo dhaweynta Wasiirka ka muuqday. Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaran ayaa iyana goob joog ahaa gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Feysal cali Waraabe.

Sidoo kale Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa oo aan u kala hadhin ayaa iyana ka mid ahaa Masuuliyiinta soo dhaweynta Wasiirka ka qayb qaatay.

Guddida Qaban qaabada oo uu hogaaminayay Muniir Abu-site ayaa iyana kaalin muhiim ah ka qaatay soo dhaweynta Wasiirka waxaanay ata iyo maalintii la magacaabay ku mashquulsanaayeen sidii ay soo dhaweyntu ugu qabsoomi lahayd si heer-sare ah, waxaanu dedaalkoodu ka muuqday madaarka Hargeysa oo manta si balaadhan loogu soo diyaar garoobay isagoo nidaamkuna qorshaysnaa.

 

· xaaji on July 21 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>