Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qarax weyn oo Aroornimadii hore ee saaka ka dhacay guri ku yaalla Xaafad ka Tirsan Degmada Wadajir.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa salaaddii subax ee saakay wuxuu ka dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka degmadaas ay sheegeen inuu ahaa qarax lagu diyaarinayay gurigaas.

Laba qof ayaa ku dhintay inta la ogyahya, dhowr kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxaas , iyadoo burbur xooggan uu gaaray gurigii uu qaraxu ka dhacay.

“Qaraxan wuxuu ahaa mid gurigaas lagu farsameynayay waxaana filaynaa in aay ka dambeeyaan Al-shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Daaci) oo warbaahinta la hadlay.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow xerada Xalane oo talis u ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa waxay sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid xooggan.

“Saakay salaaddii subax kaddib qarax weyn ayaa ka dhacya guri ku yaalla xaafaddeenna, waxaana dhintay laba qof oo rag ah, haween kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo. Ciidammo ayaa soo gaaray meesha waxayna u diideen shacabka in gurigaas ay u dhawaadaan,” ayuu yiri Cumar Calasow oo ka mid ah goobjoogayaal ku sugan agagaarka halka uu ka dhacay qaraxa.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir, Macallin Maxamuud Saney oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii gurigaas ku sugnaa ee qaraxa ka badbaaday loo waday saldhigga, ayna baaritaanno xaqiijin ah ay wadaan, qaraxana uu ahaa mid ay halkaas ku diyaarinayeen Al-shabaab oo fashilmay.

Mar la weydiiya guddoomiye ku xigeenka Wadajir sida ay ku ogaadeen in qarxan uu ahaa mid guriga lagu diyaarinayaa ayaa sheegay in taasi ay caddahay, maadaama guriga laga helay bambooyin, miinooyin aan qarxin iyo weliba qoryo kala duwan.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan ay Muqdisho ka jireen falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, iyadoo ay Al-shabaabna ku hanjabtay inay weerarrada Muqdisho kordhin doonto.

· abdi on July 23 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>