Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Gudoomiyaha Wadani Oo Ku Baaqay In Talo Loo Dhan Yahay La Isugu Yimaado Si Duruufaha Taagan Looga Baxo.

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) ayaa sheegay in labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo Wadani ay iskku raaceen si duruufaha looga baxo in sida ugu dhakhsaha badan talo loo dhan yahay la isugu yimaado, isla markaana ay labada xisbi iska kaashadaan cabdudhiska lagu hayo saxaafada oo Saxaafada la madax banaaneeyo iyaduna anshaxa dhawrto. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo sheegay in golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay uu ka samaysmay kadib markii sida uu sheegay isaga iyo Cali Guray ay ku kaliyeysteen Mucaaridnimadii, isla markaana lagu tilmaamay inay labadooduba waalan yihiin. Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ayaa sidaasi ka sheegay Heshiis iskaashi oo ay shalay ku kala saxeexdeen magaalada Hargeysa oo ka koobnaa 10 qodob. Ugu Horayna waxa halkaasi hadal ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waad iska garanaysaanoo axsaabta mucaaridka ah waajibaadkoodu waxa weeyi in xukuumada la xakameeyo, la toosiyo oo la daba galo oo hadii ay dhaliil leedahayna la dhaliilo, hadii ay wax wanaagsan qabatana lagu amaano, markaa ta ugu horaysa ee labada xisbi iska kaashadeen waxa weeyi in la xakameeyo si loo toosiyo xukuumada. Ta kale ee muhiimka ahi waxa weeyi imika doorashooyinkii laba sano ayaa ka hadhay, waxa ka hadhay duruufo badan, diiwaangalin baa ka horeeya, runtii axsaabta mucaaridka ahi waxyaabaha ay isku kaashanayaan waxa ka mid ah in doorashadu wakhtigeeda qabsoonto, walaacna way ka qabaan hawshaasi in wakhtigeeda ku qabsoonto, waxa kale oo ka mid ah baryahan dambe in kasta oo looga baahan yahay saxaafaduna inay anshaxa ilaaliso waxoogaa cabudhis ah ayaa ku socday saxaafada, waxa ka mid ah waxyaabaha aynu iska kaashanayno in saxaafada la madax baneeyo si ay shacbiga warar sugan u siiso, laakiin kuwa aan sugnayna waxa aanu jecelnahay inay naga reebaan iyo wararka aan xaqiiqada ku salaysnayn. Waxa kale oo ka mid ah inkasta oo dedaalo badan la sameeyey gooni isku taaga Somaliland waxoogaa gaabis ah ayaa ku jira, markaa in la dhiiri galiyo gooni isku taaga Somaliland. Waxyaabahaasi awgeed waxa labada xisbi isku raaceen oo ay ku baaqayaan in si duruufahaasi looga baxo in sida ugu dhakhsaha badan talo loo dhan yahay la isugu yimaado” Sidoo kale waxa isaguna hadalka Ciro ka dib halkaasi hadal ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe waxaanu yidhi “Maanta waa maalin weyn aniga iyo Cabdiraxmaan 11-kii sano ee Somaliland ay asxaabtu ka jirtayba horta isku jiid ayaanu ka dagaalami jirnay, maantana jiidii baanu wada galnay, laba sano ayaanu kala maqnayn, labadaa sanona waxa ay ahayd laba sano oo laga shaqeeyey in aanu kala maqnaano, laakiinse waanu ka soo doogsanay (Alxamdulilaahi Rabil Caalamiin). Waxa weeyi aniga waad I otgihiinoo musharax ma ihi, waad ogtihiinoo dalkan waxaan ku haysto ma jiro, dhul kuma lihi, guri kuma lihi, 22 sano waxaan ka shaqaynayey in dalkaasi uu dal noqdo dhaliilo badan oo wadanka ka taagan saddexdaa sanadood ee imika dawlada Axmed Siilaanyo uu ka madaxda yahay jiray maalin aan uga walwal badan yahay ma jirto, waxa dhacday digtator nimada waxa aynu ka naqaanaa tii siyaad bare, laakiin tu ka khatarsan baa jirta oo wadanka Mexico ku shaqayn jiray waxa la yidhaa “Perfect Dictatorship” waa ta ugu khatar san, taasi waxa weey idhinacna waa ka dimuqraadi oo doorashaa dhacda, waxa la sameeyaa perfect dictatorship waxa la yidhaahdaa dawlad markaa xukunka haysa xisbigaasi codka wuu iibsadaa, Mucaaridkana wuu mustafeeyaa, jaraa’idka oo dhana “Crackdown” buu ku sameeyaa oo wuu qabtaa oo gacantuu wada galiyaa. Waad ogtihiinoo markaa dalkeena waxa lagu magacaabaa oo la yidhaa kulmiyey dawladu ka kooban tahay, Kulmiye kama koobna waa koox gaar ah ayaa horta dalka gacanta ku haya, anagu hadaanu mucaarid nahay waad ogtihiinoo idaacad kootara baan ahna maanu samayn sidii tii Horyaaloo kale, Baabuurna Kurka kamaanu jarin oo qoryo maanu saarin. Sidaa daraadeed waxa nalagu dilayaa waxa weeyi waar waxyaabahaa ina hor yaala aan talo midaysan ka yeelano, golahaa samaysmay waxa uu ka samaysmay markii aanu aniga iyo cali guray ku kaliyeysanay mucaaridadii, ee labadayadiiba way waalan yihiin nalagu yidhi, ayaanu nidhi bal hadaba qaar miyir qaba bal u doona, kuwiina waxa la yidhi waa raga aad hebel hebel u garanaysaan, waxa la yidhi waa bilaa sharci, taasi waxa ay ku tusaysaa waa sidii Mexico oo kale Perfect Dictatorship, hadaba maanta waxa weeyi qudhaanjoog ku quuso anagu ma caytamayno, waxa aanu ka hadlaynaa waa Issue iyo arimo dalkeena ka taagan  hebel hebel ma taagna, waxa aanu doonayno in aanu u sheegno maxaa yeelay nina aan anigu la tartamay waxa uu ahaa Siilaanyo, anigu fariintayda waxaan u dirayaa Siilaanyo, Siilaanyo waxa aan leeyahay waxa aynu isla soo marnay waad garanaysaa, cadii aan UCID Jirin sideedii sano Riyaale muu dhamaysteen sanad ugumuu talo galin kulmiye inuu Riyaale dalka fadhiyo”. Dhinaca kale labada gudoomiye Heshiiska Iskaashi ee ay kala saxeexdeen ayaa waxa uu u dhinaa sidan Sidan:-

1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid

2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka

3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka

4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo

5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin

6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka

7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah

8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan

9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka

10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.

· abdi on July 25 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>