Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Taliyaha Ciidanka Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Caasimada Iyo Baabuurta Gurmadka Degdega Ee La Soo Gaadhsiiyay.

Hargeysa(Hargeysa Online)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay Ciidaanka Bilaysku ku guuleysteen hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen, ka dib-na gacanta ku soo dhigeen laba nin oo doraad duhurnimadii dilay Marxuum Mahad Asad Cabdi, isla markaana waxa uu xusay inay baabuurta gurmadka deg-degu ay noqon doonaan baalasha ay Ciidanka Bilaysku ku duulaan. Sidaa waxa uu Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan ku sheegay mar shalay u waramayey weriye Mustafe-Jannaale, ugu horayna  Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey dil ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo hawlgalkii ay qaadeen Ciidanka boolisku, ayaa waxa uu yidhi “Shalay abaaro 2:00-duhurnimo Xaafada loo yaqaano Oktoobar ama Ex-Libaaxyada waxa ka dhacay dil loo geystey Marxuum la odhan jirey Mahad Asad Cabdi oo da’adiisu ahayd 21-jir, marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskoodii oo waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo markaasi”. “Labadii nin ee geystey dilkaasi waa la qabtey, kadib markii Ciidanka boolisku hawlgal balaadhan sameeyeen ayey ku guuleysteen, waana ILAAHAY mahaddii mar haddii aanu gacanta ku soo dhignay labadii nin ee loo tuhunsan yahay inay geysteen dilkaasi, baadhitaankiina wuu ku socda labada nin”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal, waxaanu ku bogaadiyey hawlgalkan Ciidaankii iyo saaraakiisha booliska Somaliland ee gacanta ku soo dhigey eedeysanayaashan dilka geystey iyo weliba sida ay Ciidaanku hadh iyo habeen heeganka ugu jiraan inay umadooda amaankeeda ilaaliyaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu fariin u direy dhalinyaro uu ku sheegay inay koox koox u dagaalamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalinyarada had iyo jeer u dagaalanta kooxaha ayaa waxaan halkan uga dirayaa fariin ah waa inay ka waantoobaan, ciddii ka waantoobi weydana waxay Ciidanka booliska Somaliland ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan”. Mar uu Taliye Fadal ka hadlayey gadiidka gurmadka degdega ee lagu wareejiyey ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka hawlgalay Baabuur loo yaqaano Ooto ootto ama ay Number-adooda ay ku qaran tahay 999, kuwaas oo ka hawlgeli doona adkeynta amniga Caasimada Hargeysa.” Taliyaha Ciidanka Bilayska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka mahad-naqay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ku wareejiyey Gaadiidkan cusub waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabay Baabuurtan Isgaadhsiintu ku xidhantahay oo wax badan ka ka bedeli doona habsami u socodka hawlaha Bilayska iyo dhanka nabad-gelyo oo ay daruuri u tahay. “Waxaanan halkan uga mahad-celinayaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo saaka igu wareejiyey baabuurtan gurmadka Deg-dega ah oodhan 20-baabuur, Waxaanay wax weyn ka tari doonaan nabadgelyada oo halkii uu qofku kaga soo carari lahaa saldhiga ay markiiba baabuurtani si degdega u yaacayaan,kuwaas oo ahmiyad weyn ka qaadan doona ilaalinta iyo sugida nabadgelyada Caasimada”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanay baabuurtan gurmadka deg-dega ama la yidhaahdo ootto oottadu noqonayaan baalasha ay ku duulaan Ciidanka booliska Somaliland oo wax weyn ka tari doona nabadgelyada dalka”. Taliye Fadal mar uu la hadlayey shacab-weynaha reer Somaliland waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Ciidanka booliska, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii ay horeba ula shaqeyn jireen Ciidaanka booliska ay ula shaqeeyaan oo ay si fiicana ula shaqeeyaan baabuurta ootto ootada si uu amnigoodi u sugnaado”. Gaadiidkan gurmadka degdega ee uu maanta ku wareejiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Taliyaha Ciidaanka booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isugu jira Indho-caddeyaal iyo nooca Noohada loo yaqaano ee Mini Buska, ayaa leh Lambar Gaar ah oo laga soo xidhiidhayo marka ay dhibaatooyin dhacaan, kaasoo ah nooca Gurmadka deg-deg ah loogu talo galay. Gaadiidka ayaa waxa ku xardhan Lambarka Telefoonka ah ee 999 oo wicitaanka Xaaladaha Deg-deg ah, waxaanay ka qayb-qaadayaan Gurmad kasta oo dhanka Nabad-gelyada la xidhidha, iyadoo ay yihiin kuwa aad u dheereeya oo loogu talo-galay inay Mudo kooban ku gaadhaan Masaafo aad u fog. Waana markii ugu horaysay ee ay Ciidanka amaanka Somaliland helaan Gaadiidka Isgaadhsiinta Xaaladaha deg-deg ah lagu rakibay, (999), taasoo dadkii ka qayb-galay munaasibada lagu kala guddoomay soo dhaweeyeen, kuna tilmaameen horumar wanaagsan.

Hargeysa Online

· abdi on July 25 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired