Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

3 Sano oo ka waxtar-badan 8 Sano!!!

SCWW,RAMADAAN KARIIM.  Waxay mahad oo dhammi u sugnaatay, Sarreeye Hufnaaye ALLAHA Awooda leh ee ina abuuray ee Xaqa lagu caabudo.

 

27-ka July 2013, waxay ku beegantahay sannad-guuradii 3-aad ee ka soo wareegta  markii Mudane M/weyne Axmed Silaanyo uu si rasmi ah ula wareegay talada iyo hoggaanka ugu sarreeya ee dalka Jam. Somaliland.

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Axmed Silaanyo, golaha Wasiirrada iyo hawl-wadeenada kale ee Xukuumadda taasoo aan ugu hambalyeynayo horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo kartida iyo kalsoonida ay muujiyeen muddadaa saddexda sano ah ee ay talada dalka hayeen. Waxaanan ALLAH uga baryayaa inuu dhammaantoodba ku asturo oo uu ku guuleeyo xilka iyo masuuliyadda ay ummadda u hayaan.  Aaamiin

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

1. Horumar Muuqda iyo Himilo Toosan

Xukuumadda  M/w Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la wareegtay 27.7.2010 waxay si weyn uga dheregsanayd in isbeddelka dhabta ah ee ay ummadda Somaliland Xukuumadda cusub ka naawilayaan aanu ahayn: Xukuumad Cusub oo bedesha Xukuumaddii ka horraysay, Madaxweyne iyo Wasiirradiisa oo Xilka, Xafiiska, Guriga iyo Gaadiidkaba ka tirsada kuwii ka horreeyey, iwm!!

Isbeddelka dhabta ah ee ay ummaddu Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo uga fadhidaa (intii itaalkeeda iyo awoodeeda ah) waa hirgelinta iyo ka rumaynta hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shicib weynaha Jam.Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan, kana mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba. Isbeddelka dhabta ahi waa kii umadda geliya Rejo,Yididiilo iyo kalsooni, iyagoo ku kalsoon kuna qanacsan ahaanshaha-ummadnimadooda, kartidooda iyo awoodda shicibka.

 

Ummadda JSL waxay si weyn uga dheregsan yihiin duruufaha dhaqaale iyo kuwa bulsho ee ay xukuumaddani ku bilowday taasoo laga dhaxlay  xukuumaddii ka horraysay ee talada dalka haysay muddo 8 sano ah. Waxaynu markhaati ka anahay carqaladaha ay xukuumaddani ka soo gudubtay iyo halka maanta uu dalkeenu hiigsanayo.  Dhinaca kale, markii Xukuumadda M/w Ahmed Silaanyo ay talada dalka la wareegtay waxay la kowsatay dhacdooyin muhiim ah oo caalamka  oo dhan saameeyey; sida hoos-u-dhaca dhaqaalaha ee dunida oo dhan saameeyey, kacdoonnada isbeddel-doonka ee dunida carabta oo dhan ka bilowday iyo soo if-baxa quwado cusub dhaqaale oo tartan la galay dalalkii dhaqaalaha dunida hoggaanka u hayey ee Reer-Galbeedka.

 

Haddaba, haddii aynu isweydiino maxaa u qabsoomay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa 3 sano ah ee ay xilka haysay, waxa aan si kalsooni leh u odhan karaa: Wax badan oo baaxad leh ayaa qabsoomay, xukuumadduna way ka dhabaysay ballanqaadyadii ay ummadda Jam. Somaliland la gashay.  Dabcan way jiraan waxyaabo yar-yar oo aan weli qabsoomin taasoo ay xukuumadda ku dedaalayso inay hirgeliso.

Marka aynu muran iyo makeekiba iska illowno, waxqabadka  baaxadda leh ee ay xukuumaddu soo bandhigtay muddadaa 3 sano ah waa wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin – (haddii aynu wax yar tusaale ka soo qaadano: tayeynta qaybaha kala duwan ee xoogagga sugidda amniga qaranka taasoo ay maantaba muuqato in xukuumaddu ay ku guulaysatay in loo dhamaystiro derajadii iyo baahiyihii kale ee aasaa-siga ahaa, koboca dhakhliga iyo dhaqaalaha qaranka oo saddex-jibbaarmay, waxbarashada iyo, caafimaadka oo ku tallaabsaday horumar laxaad leh, ganacsiga iyo maalgashiga dalka oo si weyn u kordhay, sahaminta iyo soo-saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga, horumarka siyaasadda arr. dibedda, dib u dhiska dalka iyo adeegyada guud ee bulshada, daryeelka danyarta, iwm).

 

2.  Talo-wadaag iyo Hoggaan Toolmoon

Waa dhacdo dabiici ah in Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo  uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee markaa taagan. Sidoo kale waxaa jiri kara xoogag, kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti iyo himilo u gaar ah oo ka duwan ta xukuumadda waqtigaa talada haysa, kuwaasoo mar walba u tafa-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo xukuumadda qaado u tarjuntaan si qaldan, sidaa qaldan oo ay u arkaan inay dantooda gaarka ahi ku jirto.

 

Hoggaamiye kastaba isaga ayaa ka taga raad raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee ay dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan. Waa hoggaamiyaha ka reeba ee ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala. Mudane Madaxweyne Ahmed M. M. Silanyo waxa uu muujiyey inuu yahay hoggaamiye dhawra oo ku dhaqma distoorka iyo shuruucda aasaasiga ah ee dalka u dhigan; isla markaana waxa uu aaminsan yahay horseedna ka yahay hirgelinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, sugidda xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka, ilaalinta karaamada iyo sharafta dalka iyo dadka, difaaca iyo sugidda nabada qaranka, xorriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxa bannaan.

 

Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu ku kasbaday xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba. Ma aha oo keliya inuu M/weyne Ahmed Silaanyo kor u qaaday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba; balse waxa kale oo uu dib u soo nooleeyey qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan.

 

Marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsatay muddadaa ay xilka haysay. Saddexdaa Sano waxay Xukuumaddiisu qabatay ayaa ka balaadhan, ka mug weyn kana waxtar badan 8-dii sano ee Xukuumaddii ka horraysay ay dalka maamulaysay.

 

(La Soco Qaybta Dambe)

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

 

|W/Q:  Architectural-Eng.  Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr||UK |

· xaaji on July 31 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>