Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Turkiga oo Reer Galbeedka ku Eedeeyay weerarkii Al-shabaab ku fulisay safaaradooda.

Ankara(Hargeysa Online) Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara.

Çiçek ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday safaarada uu muujinayo in hawlaha bini’aadanimo ee Turkigu ka wado Soomaaliya inay khalkhal galisay awoodo aanu magacaabin.

“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa.Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini’aadannimo iyo siyaabo kaleba” ayuu yidhi Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira.

Waxaanu gudoomiyaha baarlamaanku carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay ee ay jiraan quwado ka dambeeya.

“Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dadaallada aan ka wadno gobolka. Nasiib darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika” ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa muujinaya inay dawlada Turkigu ay tuhunsatahay quwado tartan kula jira inay ka dambeeyeen weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday safaaradooda oo lagaga dilay hal askari saddex kalana lagaga dhaawacay, inkastoo weerarkaasi ay sheegatay Alshabaab oo iyadu xubin ka ah urur waynaha Al-qaacida.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn siyaasaddooda Gar-gaarka ah ee ku wajahan Soomaaliya, kaddib weerarkii toddobaadkan lagu qaaday xarun ay ku leeyihiin Muqdisho.

Davutoglu ayaa hadalkan sheegay isagoo booqanayay dhaawacyadii askarta Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo lagu daweynayo Cisbitaal ku yaalla xarunta dalkaas ee Ankara, isagoo hoosta ka xariiqay in Somalia ay fuliyeen labadii sano ee lasoo dhaafay barnaamijyo ay ku caawiyeen shacabka Soomaaliyeed.

“Turkigu wuxuu ka fuliyay Soomaaliya gargaar bani’aadamnimo oo ay ku kacday 200-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo ay fuliyeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka Turkiga,” ayuu yidhi Davutoglu. Isagoo intaas ku daray “Haddii xaaladda nololeed ee Somalia ay maanta dib u soo laabato, waxaa sii socon doonta dadaallada dhinaca siyaasadda ah ee Turkiga ay ka wadaan Soomaaliya.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu aanu wax dan ah ka lahayn Kaalmaynta Soomaaliya, balse ay qayb ka tahay siyaasadda Turkiga ee xilligan ku wajahan qaaradda Afrika.

Wuxuu tacsi u diray ehellada askarigii ku dhintay weerarkii Muqdisho, halka kuwa dhaawacmayna uu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, isagoo xusay in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso oo aan laga  gaadhin hadafkii laga lahaa.

· abdi on July 31 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>