Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Hargeysa Xafiis Wadaag lagula yahay Somaliya ha Dhexfurin: Waano ku Wajahan Madaxweyne Silaanyo.

Mudane Madaxweeyne, siyaasiyan dhex baanu nahay, laakiin nebadgelyada Hargeysa iyo madaxbanaanida (sovereignty) Somaliland marnaba dhex kama nihin. Hargeysu waa Somaliland, Somalilandna waa Hargeysa. Waa caasimaddii dalka, waa fadhigii dawladda. Hargeysu waa isha Somaliland laga nooleeynkaro, amma laga dilikaro. Xafiiska wadaaga ah ee la sheegayo halkaasi ku jooji.

Waxaanu, si qadarin mudan, kaa abhineynaa in aad Hargeysa ka furtid xafiis (Joint airspace control office) lala wadaago Somaliya. Ha yeelin ee ka noqo. Hadalkoo kooban: ma ogolin!

Cadawgii Hargeysa iyo Burco dhulka ku simay, oo weliba aan sidaa kaga hadhsaneyn, ayaa awooddii xukunka hawada, ujeedo la’aan, Hargeysa qunyar uun uga hadhay adba ma rumeysanlaheyd? Timir lafbaa ku jirta! Ma anigaa la ii qarshaa midiyo laygu qalidoono?  

Ma ninkaan iska eegayey ayaan u ogolaadaa inuu dabka ila soo kulaalo, sow igu rogimaayo? Nin aan madaxbanaanida Somaliland dan ka laheeyn amma halka ay ka liicila’dahay duulimaad ku ah ayuunbaa ogolaankara xafiis noocaas ah in la dhexfuro Hargeysa.

Waa naga nasteexo ee naga qaado: haddii se aad nasteexadan tixgelinweydo, wixii waxyeelooyin ah ee xafiiskaasi ka yimaada, madaxweyne, adiga oo qudha, oo aan nin kale laheyn, ayaa lagu eedeeyndoonaa. Taariikh wacan Hargeysa dhigo, yaan lagu eersan!

 Ilaalinta nabadgelyada dalka iyo ta Hargeysa iyo muwaadiniinta caadiga ah iyo madaxda kale siyaasadda oo dhan adiga ayaa ka mas’uul ah. Khatar weeyn ayuu xafiiskaasi ku noqonkaraa nabbadda Hargeysa iyo madaxbanaanida Somaliland; midna dib looma arkidoono haddii aan xafiiskaasi la joojin. Obocdeenii ayaa Hargeysa wadhan, haddaan iyada loo jeedin.

Waxa laguu igmaday suggidda madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Mar haddii, wadahadaladii lala galay Somaliya noqdeen qaar wata xafiisyo noocan ah oo lagu wiiqayo madaxbanaanida Somaliland iyo nabadda Hargeysa, Ankara Oktober lagu noqdaa yaanay jirin, oo dabaaldag Oktober oo dambe Burco iyo Hargeysa ha ku soo celinin! Sii wadidda wadahadalalada Somalia dan ugu jirta Somaliland daayoo, khatar ayaa ugu sugan jiritaanka Somaliland. Bal yaan nabadda Somaliland meel fog laga eegin!

Ma ogolin in Hargeysa laga dhigto dhufeys Somaliland hoos loogu celiyo sidii gobol Somaliya barbar ahaan ula siman. Somaliland gobol ’autonomous’ ah ma aha, Hargeysana loo casilimaayo caasimad goboleed. Somaliland waa jamhuuriyad madaxbanaan, Hargeysuna caasimadaha adduunka ayay ka midtahay, ictiraaf hel iyo waayis ba’.

Sidii madaxbananida Somaliland iyo nabadda Hargeysa laguugu wareejiyay, ha lagaa helo! M/weyne, jooji xafiiskan dadku diiday,oo sidii wax laguugu aaminay ha lagugu yimaado.

Prof. Ahmed Abdi Daar,  Ahmed.daar@gmail.com 01-08-2013

· abdi on August 05 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>