Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Siilaanyo Oo Degreeto Ku Dhaqangeliyay Xeerka Bixinta Darajooyinka 10,000 Askari Oo U Dallacay Allifle Ilaa Sareeye Gaas.

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ku dhaqan galiyay bixinta darajooyinka ciidamadda kala duwan ee qaranka Milatariga, Bilayska, Asluubta iyo ilaalada Xeebaha, iyadoo darajooyinka loo qeybin doono toban kun oo askari oo u dalacay darajooyinka kala duwan ee u dhexeeya Allifle ilaa Sareeye Gaas. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Taliyeyaasha ciidamadda faray inay bixiyaan darajooyinkan munaasibada Ciidul fidriga, isagoo sheegay in korodhka gunnooyinka darajooyinkana laga bilaabi doono bisha September 2013-ka.

Sidaasna waxa lagu bayaamiyay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: in ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen; Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii; Markuu Tixgeliyey:Tallo oo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa; Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-hurida iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan; Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo; Wuxuu go’aandasay:- Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.

Hargeysa Online.

· xaaji on August 06 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired