Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Abuu Muscab:-Mujaahidiintu 21 weerar ay habeen hore ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Shiikh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in habeen hore ay 21 weerar oo isugu jiray qaraxyo iyo duqeymo ka fuliyeen xarumo ay joogeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa intaa ku daray in ujeedada weeraradaas ay ka mid aheyd inay ku daciifiyaan awooda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM isagoo xusay iney khasaarooyin kala duwan u geysteen.

“Weeraro tiradoodu gaareyso 21 ayey Mujaahidiintu ka fuliyeen Muqdisho habeen hore kuwaasoo loo adeegsday waxyaabaha qarxa ayna ku jireen duqeymo, hadafyadii laga lahaana waan ka gaarnay weeraradaas” ayuu yiri afhayeenka howlgalada Al-shabaab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afkooda.

Abuu-Muscab ayaa sheegay in weeraradaas midkood uu ahaa duqeyn ay la beegsadeen garoonka kubadda cagta ee Muqdisho istadyumoo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

“Sideed madfac ayey Garoonka Istaadiyum Muqdisho ku weerareen mujaahidiintu waxaana ku gaarsiinnay khasaare xooggan ciidamada afrikaanta ah ee halkaas degan” ayuu intaa ku daray Abuu Muscab.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa xusay labaatanka weerar ee kale ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday bambooyin si toos ahna loola beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda ee magaalada Muqdisho.

Weerar kale ayuu sheegay afhayeenku in isla habeen hore ay ka fuliyeen ciidamadooda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

“Baydhabo waxaa ka dhacay isla habeenkaas weeraro mujaahidiintu ku beegsadeen saddex saldhig oo ciidamada dowladdu ka deggen yihiin degmadaas, kuwa AMISOM ee ku sugan warshaddii Xasey waxaa loo dhigay difaac, si aysan ugu gurman kuwa dowlada ee weerarku ku socday” ayuu yiri afhayeenka oo wacad ku maray iney sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalooyinka ay joogaan ciidamda dowlada iyo AMISOM.

Hargeysa Online

· xaaji on August 06 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>