Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulantay dhiggeeda dalka Shiinaha.

Labada wasiir ayaa ugu horayn ka sheekaystay xiriirkii taariikhiga ahaa ee labada dal ka dhexayn jiray iyo abaalka ay labada dal isku leeyihiin wuxuuna wasiirka arrimaha dibada ee Shiinuhu cadeeyay in xaalada ay Soomaaliya ku jirto aysan waxba ka badaleyn xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ahaa iyo wax wada qabsiga labada dal.
Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadam ayaa wasiirka uga warantay baahiyaha deg deg ah ee ay Soomaaliya maanta qabto,iyadoo u kala dhig dhigtay mid walba iyo qaabka ay doonayaan in looga caawiyo,gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada,mashaariicda horumarinta,adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka ,dhismayaasha wadooyinka,tababarka shaqaalaha dowlada iyo farsamo yaqaano dalku yeesho dhinacyada kala duwan, iyo qodobo kale.

fowsiachina.jpg

fowsiachina1.jpg

fowsiachina21.jpg

fowsiachina3.jpg



Wasiirka arrimaha dibada ee Jamhuuriyada dadka shiinaha ayaa ugu horayn uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji aadam iyo dowlda Soomaaliya deeqda Dhulka ah oo ay Soomaaliya siisay Shiinaha si ay safaaradoodii uga dhistaan,wuxuna mar kale ku celiyay in ay dowladiisa ka go’antahay hirgelinta safaaradoodii Soomaaliya ayna koox farsmo dhowaan u soo dirayaan Muqdisho si ay u bilaabaan dhismaha safaarada.

Wasiirka arrimaha dibadda shiinaha ayaa dowlada Soomaaliya uga mahadceliyay gacanta ay ka gaysatay sii deynta muwaadiniin u dhashay shiinaha iyo maraakiibtooda oo Soomaaliya lagu afduubtay hada ka hor.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ballan qaaday in ay wax ka qaban doonto dhamaan codsiyada ay soo gudbisay dowlada soomaaliya,isagoona cadeeyay in Soomaaliya ay qeybteeda ku leedahay 20$ Bilyan oo ay shiinuhu Africa ugu deeqeen in lagu caawiyo sadexda sano ee soo socota,wuxuuna intaas ku daray in deeq dheeraad ah Soomaaliya la siinayo si ay u soo kabato dhinacyada tababarka shaqaalaha dowlada, deeqaha waxbarasho,dhismayaasha jidadka,buundooyinka iyo in ay kooxo caafimaad u soo diraan Soomaaliya muddo dhow.

Wasiirka arrimaha dibada shiinaha ayaa ku casuumaay madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo booqdo Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha si ay labada madaxwayne u sii amba qaadaan xiriirka adag ee labada dal u dhaxeyn jiray.

Ugu dambeyntii Mr Wang Yi ayaa ballan qaaday in dowlada Shiinaha ay garab taaganyahay soomaaliya marka ay timaado in qadiyada Soomaaliya looga doodo golaha ammaanka, ama Jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa maadaama China ay ka mid tahay dalalka Codka diidmada qayaxan (Vito Power ) ku leh golaha ammaanka.

Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam waxaa kulamada ay madaxda Shiinaha la lahayd ku wehelinayay wafdi ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Mudane Mahdi Mohamud Cali,Wasiir ku xigeenka howlaha guud,guriyeynta iyo tamarta Eng. Nadiifo Mohamed Osman, safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Amb. Yuusuf Dheeg, Amb , Cabdirashiid Aadan Seed oo ka mid ah diplomaasiyiinta wasaarada arrimaha dibada iyo madax kale oo ka socotay safaarada Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdiga ay hohaamineeyso Ra’iislwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay booqasho ay muddo todobaad ah ku joogeen dhulwaynaha shiinaha,iyagoo booday gobollo kala duwan.

Hargeysa Online.

 

· abdi on August 28 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired