Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Fikradaha Iyo Waxyaabaha Layaabka Leh Ee Ay Caqiido Ahaan Aaminsan Yihiin Calawiyiintu:

1- Ugu Horrayn in Imaam Cali Binu Abii Daalib gaadhsiisan yahay Martabad Nabinimada ka sarraysa.

2- Waxa ay aad u jecel yihiin oo xus u sameeyaan Khaarijkii Cabdiraxmaan Binu Muljim oo ahaa ninkii isagu Dilay Imaam Cali Binu Abii Daalib (KW). Iyaga oo ku tix gelinaya in uu ka takhalusay waji been ah oo uu dahiray ruuxdii saliimka ahayd ee Cali Binu Abii Daalib.

3- Waxa ay culimadoodu sheegaan oo caqiido ahaan aaminsan yihiin in Naftii Cali Binu Abii Daalib (KW) ay saaran tahay Daruur dusheed. Mar kasta oo ay daruur weyn arkaan waxa ay yidhaahdaan inta ay cirka eegaan: “Salaani Korkaaga ha ahaato Xasan Aabihiiyow”. Waxa ay aaminsan yihiin in Onkodku yahay Codkii Cali, Hillaacuna Nuurkiisii.

4- Khamriga laga miiro geedka Cinabka waxa ay u arkaan in aanu ahayn mid dambi ah, aadbaanay u cabbaan oo u jecel yihiin.

5- Maalintii waxa ay Tukatadaan shan jeer laakiin salaadoodaasi waa ay ka duwan tahay salaadda ay tukadaan dadka Muslimiinta ahi, maadaama oo aanay wax sujuud ah lahayn, iyaga oo aaminsan in dhulka lagu daadiyay dhiiggii Cali Binu Abaa Daalib sidaa darteed aanay wajijooda dhigayn meel dhiigga Cali Ku Daatay.

6- Waxa ay leeyihiin maalmo ay tix geliyaan oo ay weyneeyaan oo aad u layaab badan sida ay u xusaan waxaanay u dhigmaan maalmaha dadka gaalada ahi leeyihiin.

7- Calawiyiintu Ma aaminsana Gudashada Faradka Xajka. Waxa ay yidhaahdaan Xajku waa Gaalnimo iyo in la caabudayo dhagax iyaga oo u jeeda Kacbada sharafta mudan ee xurmada leh.

8- Ma aaminsana oo ma bixiyaan Zakada. Waxa ay lacago iyo masaariif siiyaan Mashaayiikhdooda. Shan meelood meel hantidooda waxa ay siiyaan culimadooda.

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Calawiyiinta Iyo Shiicadu?

Calawiyiintu waxyaabo badan ayay Shiicada inteeda kale ka shabbahaan balse waxa ay kaga duwan yihiin waxyaabo kale oo badan. Waxa ay ka siman yihiin sida ay u arkaan taariikhda islaamka gaar ahaan wixii ka dambeeyey Nabi Muxamed NNKHA iyo sidii xaalku isu badalay dilkii Cali kadib. Waxa ay ku kala duwan yihiin dhinaca aragtiyaha diiniga ah iyo Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah oo ay Macnahiisa aad ugu kala duwan yihiin. Calawiyiintu waxa ay aaminsan yihiin in kala badh ay yaqaanaan oo Ilaahay hibo u siiyay in ay ku fasiri karaan xaqiiqooyinka qur’aanka iyo axaadiista. Shiicada inteeda badani Xijaabka haweenka Muslimaadka ahi xidhaan way aaminsan yihiin oo waxa ay u arkaan sharcinimo islaami ah oo ay lagama maarmaan tahay in haweenku xijaab xidhaan balse Calawiyiintu Xijaabka waxa ay u arkaan wax aan diin shuqul ku lahayn. Waxa ay yidhaahdaan kaliya waxa loo baahan yahay wakhtiga salaadda waana arrin iska wanaagsan in haweenku xidhaan balse wax diin ah ma aha.

Waxa ay kala qaybiyaan aayadaha qur’aanka kariimka ah ee Haweenka sida gaarka ah ugu soo degay iyaga oo u kala saara macno ahaan iyo ku dhaqan ahaanba aayadihii ku soo degay haweenka Rasuulka Mudan NNKHA iyo kuwa kale ee caam ahaan haweenka ka hadlaya iyaga oo siyaalo kala duwan ugu dhaqmaya.  Dhinaca dacwadda kuma dadaalaan in ay faafiyaan diinta waxaana aragtidooda lagu sheegaa mid qarsoodi ah marka la barbar dhigo firqadaha kale. Sida ay Cali Binu Abii Daalib (KW) u weyneeyaan ee ay ugu talax tageen waxa ay u dhigantaa sida Masiixiyiintu u weyneeyeen ee ugu fogaadeen Nabiyullaahi Ciise (CS). Waxa ay shiicada kale kaga duwan yihiin iyaga oo aaminsan in Cali Binu Abii Daalib laga abuuray Nabi Muxamed NNKHA, Nabi Muxamadna laga abuuray oo uu ka soo jeedo Salmaan Al Faarisi, Salmaan Al-Faarisina ka yimid Asal ahaan agoontii shanta ahayd ee kala ahaa: Miqdaad Bin Aswad, Abuu Dar Al-qafaari, Cabdiraxmaan Binu Rawaaxa, Cismaan Bin Madcuun iyo Qanbar Binu Kaadaan oo ay yidhaahdaan waa wakiilkii Ruuxda ku afuufayay jidhka aadamaha.

 

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
SONYO Communication and AVU Director
Lawyer, Journalist and Human Right Activist
e-mail: maxamadkhadar@gmail.com
Twitter: @milkacase
Blog: www.maxamedilkacase.blogspot.com

· xaaji on August 29 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>