Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xasan Sheekh oo Muqdisho Kula Kulmay Wafdi Qiimeynaya sidii Qaramada Midoobay ay Ciidammo u keeni lahayd Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Arbacadii shalay guddi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo howshoodu tahay inay qiimeyn ku sameeyaan sidii ciidammo Qaramada Midoobey ka socda oo nabad illaalin ah loo keeni lahaa Soomaaliya.

 


Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka difaaca, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo la taliyeyaasha xafiiska madaxweynaha. Dhinaca kalena waxaa wehlinayay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika iyo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay iyo taliyaha ciidanka AMISOM.
Waliid Muuse oo u hadlay guddiga ayaa madaxweynaha u sheegay inay guddigu booqan doonaan Baydhabo, Kismaayo, Beledweyn iyo Jowhar si ay qiimeyn ugu sameeyaan horumarka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.
Sidoo kale, Muuse wuxuu sheegay in sidoo kale ay eegi doonaan caqabadaha jira iyo sidii Qaramada Midoobay uga saacidi lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliyeed tasiilaadkii ay ku howlgali lahaayeen.
Waliid Musse wuxuu kaloo sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka sugayo warbixin ku aaddan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya si ciidammo nabad-illaalin ah oo ka socda UN-ka loo keeno Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa si aad ah uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika dadaalkooda ku wajahan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal nabad ah oo deggen.
“Waxaan soo dhaweyneynaa wadatashiyada joogtada ah ee QM iyo Midowga Afrika ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya, dowladduna waxay diyaar u tahay sidii howlaha aad u timaadeen aad u gudan lahaydeen. Al-Shabaab walow laga adkaaday haddana weli waxay qatar ku yihiin ammaanka dalka oo ay doonayaan inay caalamka tusaan in dalku uusan nabad ahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiriL: “Ciidamada dowladdu waa diyaar oo tababar ku filan wey qaateen, laakiin caqabado badan ayaa jira sida tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen iyo weliba sidii ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Dowladdu way soo dhoweyneysaa qorshaha QM ee ah in la taageero ciidanka dowladda si ay u gutaan howlahooda muhiimka ah.”
Ergeyga Midowga Afrika, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ballaaran oo ay dowladdu sameysay, isla markaana Midowga Africa uu mar walba garab-taaganaan doono dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidammo ka socda Midowga Afirka oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari, kuwaasoo dowladda Soomaaliya gacan ka siiya dagaalka ay kula jiro xoogagga Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo dalka ah ka talisa.
 

Hargeysa Online.

· xaaji on August 29 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>