Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Tayaynta jaamacaduhu waa udub dhexaadka horumarka.

Jaamacaduhu waa runkunka ugu weyn ee ay bulsho leedahay waana saldhiga ilbaxnimada iyo xadaaradaha kala duwan ee ay ummadaas laga dheehan karo waa goobta kobcisa,barbaarisa hogaankanna u qabata halyayada ummadaasi usoo kacayaa. Waa meesha ay kasoo  burqato aqoonta iyo waaya aragnimadda waa goobta cidhibtirta jahliga, mugdiga iyo caadoyinka soo  jireenka ah ee umadaaasi dhaqankooda iyo tarantoodaba saamaynta taban ku leh. waa hoy soo saaraa siyaasiyiintii berri  hogaanka dalka iyo dadkaba noqon lahayd ,taasi oo ay tusaale fiican kuugu filantahay in badiyaaba dhamaanba madaxweynayaasha kala duwan ee soo maray wadanka america ay kasoo baxeen jaamacadda faca weyn ee harvard university. Sidaa darteed dalkeenu wa inuu  wax la qabaa dhamaanba wadamada kale ee adduunka, yeelashadda haykal wax barasho oo dhamaystiran oo soo saara jiil aqoon tayo badan xambaarsan, tanina waata suuro galisay in maanta guud ahaanba dalka laga asaaso jaamcaddo tiro badan  oo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo door weyn ka qaatay kobaca aqooneed,dhaqaaleed iyo shaqo abuur ee dalka……

Waana mid ay haboontahay in lagu bogaadiyo dhamaanba jaamacadaha kala duwan ee dalka kajiraa hawsha baaxada leh ee ay dalkooda iyo dadkoodaba u hayaan, se waxaa mudan in dhamaan bulsha weynta reer somaliland iyo dawladduba xisaabta ku darsadaan in jaamacadaha oo la  tiro badiyaa aanu macno balaadhan usoo kordhinayn dalkan iyo dadkiisaba ayna horseedi karto inay isu rogaan suuq ganacsi  oo lagu tartamo sidii arday tiro badan oo bilaa shuruuda(bilaa shahaado ah)  jaamcad kastaa u qaadan lahyd.

 Waa in jamacadahu noqdaan goob ay tayadeeda maamusho gacantanna ku hayso dawladda iyo guddida tacliinta sarre ee qaranku, sida wadamadda aynu jaarka nahay, waayo uma baahnin in jiilka kasoo baxaayaa noqdaan kuwo xambaarsan shahaado kartoon ah oon cilmi ku jirin taasi oo berri ka maalin noqon karta mid ciil kaambi iyo murug xoogaan ku abuurta dhalinta jaamacadahaas kasoo baxda, oo berri isu badalla qaar tahriiba,shufto noqda ama camal la’aan iyo cilmi la’aan la jahawreera oo mustaqbalkoodu ku dambeeyo god ka xun kay jaahilnimada ka hor ku jireen.

Haddaba iyaga oo dhamaan jamacadaha kala duwan ee dalka kajiraa bogaadin iyo hambalyo mudan yihiin marka loo eego tirada ardayda ah ee ay hayaan ama wax baraan, haddana maaha inaynu sacabku iskugu tunno dhaliilaha qaar dawashadooda se waxaa haboon in si fakar saliim ahi ku dheehantahay in toosin iyo tallo la iskugu soo gudbiyo, taasi oo ah habka ugu haboon ee isbadal lagu keeni karro wixii horre ee samaana lagu bogaadin karro.Maxaa yeelay ,waxa jira jaamacaddo badan oo khilaafsan sharciga jaamacadaha caalamka iyo kan waxbarashada sarre ee dastuurkeenu qeexaayo, taasi ood arkayso goobo badan oon uba qalmin ahaanshiyaha jaamacad soo saarta jiil tayo leh, se ku fiican inay dawlada iyo mulkiilayaashuu ubadaal goobo xirfadaha kala duwan ee gacanta lagu barto (technical schools), maxaa yeelay badiyaba jaamacadaha dalkeena ka jiraa gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay wax ay u badanyihiin qaar habac iyo kala daadsanaan baxaadlihi ka muuqato hadday tahay xagga maamulka, kuliyadaha, dhismayaasha iyo tayadaba taasi ood ka garan karto sida aanay ujirin jaamacad kaliyoo gaar loo leeyahay oo bixisa kuliyaddo khaasa oo wada science ama social ah, marka laga reebo tiraba laba jaamacadood . Sidaasi awgeed waxaa muhiim ah in tayada,tirada iyo tamarta jaamacadaha la qiimeeyo loona kala sameeyoo  heerar wax barasho oo kala duwan taasi oo u sahlaysa in si fudud jaamacad kastaa  usoo saarto  jiil aqoon tayo leh xambaarsan oo dunida wax kusoo kordhiya ,kuwaasi oo la tayo ah ardayda waxka barata wadamadda aynu jaarka nahay .

 Tusaale ahaan markaad tegto wadamada aynu jaarka nahay waxaad arkaysaa in jaamacaduhu  kala xadaysan yihiin oo jamacad kastaa waxgaar ah oo ku sifaysanthay, waxaad kaloo arkaysaa in jaamacadaha qaar university loogu yeedhayo, qaar university college  qaarna loogu yeedho college, se dalkeenu  waa mid gabi haanba ka fog hanaankaas aan kor kusoo sheegnay oo si sharciyadda ka fog  jaamacad kastaa magaca ay  jeclaato iyo siday u jeclaato ay u labaxayso.waxa kale ood arkaysaa in dhamaan jaamacadaha dalkeena ku yaalaa ay yihiin  qaar iskuwada tamara, oo faculties iskuwada mida bixiya, si isku midana u bixiya, sidoo kale waxa iyadunna saameyn ba’an ku yeelatay mustaqbalka jaamacadaha iyo kan ardaygaba tirada ardayda ah ee ay jaaamacaduhu sannadkii qaataan iyo kuliyadaha(departmentka)  ardaygaas loo qaadanayo oon ku salaysnayn baahidda uu dalku u qabo. Taasina waa sababta ugu weyn  ee hadhaw sababta in tiro badan oo qalin jabiyayaal ahi ay bilaa camal noqdaan ama la waayo cid aqoon u leh cilmiyadda qaar,taasinna waxay keenta in la dalbaddo aqoonyahanno shisheeye oo dhaqano iyo caadooyin kale dabada kuwata, kuwaasi oo waxyeelayn taban ku keeni kara dhaqanka,diinta iyo caadoyinka dalkan iyo dadkiisa u yaala. Sidoo kale waxa xusid mudan in tiroba dhawr jaamacdood oo sharciyadda kuliyadaha ay bixiyaan qaar kamidda(TUS:kuliyadda caafimaadka)  lagu muransanayahay ay dalka ka hawl galaan, kuwaasi oo gacanta kuhaya mustaqbalka  tirro aad u badan oo arday reer somaliland ah oo u baahan in waxqabad dagdag ah xukuumaddu ka gasho intaan mustaqbalka da’yartaasi meesha ku lumin . halka ay jaamacadaha qaarna si aan cilmiyaysnayn facultieska qaar u bixiyaan, waxaana tusaale kuugu filan in jaamacadaha qaar kuliyadaha (fields) ay bixinayaan iyo dadka bixinaya ee macalimiinta ka ahi aanay isku tayo ahayn taasi oo ay sii dheertahay in qalabkii aasaasiga u ahaa kuliyadaasi aanu dalkaba oolin jaamacadanna hadalkeedaba daa. Waxa kale oo jira in macalimiin badan oo ajaanib ah oo dalka dibadiisa  ka yimaadaa ay jaamacadaheena ka yihiin casharo bixiyayaal kuwaasi oo markaad si cilmaysan aad badankooda ugu dhuun gashid aad ogaanysid in cilmigay, xammbaarsanyihiin iyo shahaadada ay kuusoo shaqo tageen ay kala duwanyihiin, waxa kaliya ee aqoon yahanka ummadenan daciifka ahi ku moodaysaana uu yahay afka qalaad(haddaba afqalad ma aqoon baa, mise waa luuqad somaaliga lamida oo lagu wada xidhiidho?) .sidoo kale wax intaasi dheer inaan dawladdu eegin heerka waxbarasho ee shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ka hawlgala. Haddaba waxa ina la haboon si aqoon tayo leh loo helo in

Dhamaanba jaamacadaha kala duwan ee dalka ka jiraa haystaan ruqsadda ogolaansho ee wasaraadda waxbarashadda .

In la kobciyo awoodna loo  yeelo guddida tacliint sarre sida wadamada aynu jaarka nahay.

In dawladdu hubiso tayada jaamacadaha ajaanibka ah ee dalka dibadiisa ka imanaaya.

In dawladdu jaangoyso shuruudaha departmentska kala duwan ee jaamacad kastaa bixin karto taasi oo laga duulayo kartida ay jaamacadaasi leedahay.

In muhiimad gaar ah lasiiyo lana kala xadeeyo magaca jaamacaduhu qaadanayaan sida(university,university college ama college kaliya).

Inay noqdaan macalimiinta wax dhigaysaa qaar takhakhus hoosaad u leh casharadda ay bixinyaan si looga fogaado aafada ina haysata ee uu hal macalin dhawr course bixinaayo.

In tirada ardayda iyo kuliyadaha jaamacaduhu qaadanayaan noqdaan qaar ku salaysan baahida uu dalku qabo.

In dawladdu soo kordhiso jaamacadihii farsamadda gacanta( technical colleges).

(gabogabo tayadda jaamacadaha dalku waa udub dhexaadka horumarka).

W/Q: Mohamed Abdilaahi Biihi

biixiyare@hotmail.com  Addis Ababa, Ethopia

· abdi on September 08 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>