Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Taliye Ku Xigeenka Bileyska Iyo Guddoomiyaha Laas-Geel Oo Ka Hadlay Baadhitaano Ay Ku Sameeyeen Falal Budhcadnimo.

Hargeysa(Hargeysa Online)Taliye Ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo isagu socdaal ku tagay Magaaladda Dacar-budhuq ayaa deedefeeyey warar sheegaya in Dooxaas ay ka samaysmeen Koox dadka iyo baabuurta ku baadha wakhtiga Roobabka ee uu Dooxaasi socdo, kaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhacdooyinkaas dad deegaankaa lala xidhiidhiyey.

Waxaanu xusay inuu halkaasi u tagay shalay si uu ugu kuurgalo dhacdadaas ay Warbaahintu ka baahisay Dooxaas oo uu kulamo la yeedhay Madaxdhaqmeedka iyo Odayaasha, Maamulka Degmaddaas, isla markaana ay u cadaatay inay arintaasi tahay Boro-bogaando lagu Xajiimanayo sida uu hadalka u dhigay Sharafta dadka deegaankaas. Sidoo kale Guddoomiyaha Degmadda Laas-geel ee gobolka Maroodi Jeex Axmed Muuse Cabdi oo aanu wax ka waydiinay waxa ka jira Budhcadaas la sheegay inay xiliga dooxu socdo ay ku baadhaan baabuurta, ayaa isaguna waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas, waxaanu arintaas la xidhiidhiyey laba baabuur oo uu sheegay inay Ciidankii dadka dooxa ka celinayey shalay jiidhay, kuna dooday in haddii ay jirto cid aduun laga dhacay la arki lahaa. Ugu horayna Taliye Fooxle isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Markii aan Warbaahinta ku aragnay dad leh Dooxa Dacar-budhuq ayaa nalagu baadhay ayaan tagay deegaankaas si aan ugu kuurgalo arintaas oo hadii ay jirto Ceeb ah. Markii aan gaadhay Magaaladda Dacar-budhuq waxaan kulamo gooni-gooni ah la yeedhay Madaxda dhaqanka, Waxgaradka, Maamulka Degmadda, Madaxda Ciidanka ee degmadaas iyo Qaybo ka mid ah Bulshadda Rayidka ah, waxaanan wax ka waydiiyey waxa jira dadka sheegaya in lagu fadha-taystay Dooxaas, waxaanan Ogaaday inaanu warkaasi jirin oo ay arintaasi buun-buuniyeen Laba Baabuur oo Ciidankana Jiiday oo midina Baabuur Jaad uu yahay ka kalena uu nooca Noohada loo yaqaano uu yahay, kuwaas oo markii ay dooxii isku soo tuureen ay waliba dadka deegaanku u gurmadeen oo ay Dooxii ka samato-bixiyeen, isla markaana iyagu Dooxii ay isku tuureenba inuu wax ka qaadi karo aan isku haysanin”. Taliye Ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) isaga oo hadalkiisa watana, waxa uu yidhi “Dadka deegaankaasi waa kuwo markasta u heelan Nabadgalyada dalka, isla markaana iyagu gacanqabta oo Bad-baadiya dadka dooxaas ka talaabaya oo sida aad ogtahay dhawaan Madax uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyayaasha Ciidanku ka samata-bixiyey dooxaas oo dadkii qaar ay ku heleen Abaalmarino, sidaas ayaanay markasta naftooda ugu biimeeyaan dadka iyo baabuurta dooxa galaba. Mida kale maalinkasta oo waxa iskaga goosha Waddadaas oo Jidkaas Hargeysa iyo Berbera u dhaxeeya isticmaala 300 baabuur oo xagan Hargeysa u soo mara iyo in ka badan 300 oo xagaas Berbera u dhaafa Dooxaas, walina maynu arag cid ay dadka deegaanku wax ka dhaceen ama qaateen, waxaan ahayn inay naftooda ku haligaan Samata-bixinta Muwaadiniinta iyo dadka Ajanabadiga ah ee Dooxaasi qabto”.

Taliye ku xigeenka Bilayska C/raxmaan Fooxle mar aanu wax ka waydiinay sababta keentay in Ciidanka Amaanku ay dadka Dooxaas isku soo tuura iyaga iyo baabuurtooduba ay u horjoogsan waayeen ee ay dadka uga celin waayeen marka Daaddadka badani socdaan, waxa uu yidhi “Run ahaantii Qorshahaasi hada wuu socdaa oo labada Daamood ee Dooxaas waxa dawladu ka dhistay laba Rug Ciidan oo laba Birood oo kuwa Kaantaroolada ah ayaa lagu xidhayaa si loo Xakameeyo khasaaraha wakhtiyada roobka ka dhaca Dooxaas, isla markaana loo joojiyo dadka Ciidanka jiidhaya ee Dooxa isku tuuraya, waxaanan filayaa inay arintaasi wax wayn ka qaban doonto Khasaaraha Xiliyada Roobka ay sababaan Doox-yadaasi Insha Allaah”.

Taliye Fooxle mar la waydiiyey inay jirto cid Cabasho u soo gudbisay oo dhibane ah ama sheeganaya alaabta la leeyahay Dooxa ayaa lagaga dhacay, waxaanu yidhi “Wali ma jirto cid sheeganaysa alaab laga qaatay oo Ciidanka iyo Maamulka Degmadaasba u timid oo dhibane ah, waxaanay taasi cadaynaysaa inay arintaasi tahay Boro-bogaando iyo war aan sal iyo raad toona lahayn oo waxa fadeexadaas ka danbeeya labada baabuur ee aan kuu sheegay ee Ciidanka jiidhay”. Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmadda Laas-geel ee gobolka Maroodi Jeex Axmed Muuse oo ay hoostagto Magaaladda Daxar-budhuq ee Dooxaasi ku yaalo, ayaanu wax ka waydiinay waxa ka jira dhacdadaas la sheegay in dad Dooxa ka talaabayey lagu Baadhay, waxaanu yidhi “Walaal warkaasi warbaahinta ayuun baanu ku aragnay, markii aanu u kuurgalnay dhacdadaasna waxaanu ogaanay inaanu ahayn war sax ah, waxaanan filayaa inaynu arki lahayn dad cabanaya oo Aduun ama lacag ha noqoto ama alaab kale noqotobee ay ka maqan yihiin oo nala soo xidhiidha runtii taasina may dhicin. Markaa waxaan arintaas kaga jawaabayaa waxba kama jiraan iyo dacaayad raqiis ah oo aan laga fiirsanin.

 

Hargeysa Online.
 

· xaaji on September 08 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>