Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Lacag Bedelkii Ceerigaabo Oo Wakhti Dheeraad Ah Lagu Daray, Dad Lagu Xidh-Xidhay Isticmaalka Shiling Somaliga.

Ceerigaabo(Hargeysa Online)Magaalada Ceerigaabo wali waxa ka socda hawl-gal lagu bedelayo lacagta shilin somaliga ah ee gobolka Sanaag laga isticmaali jiray, taasoo maalintii khamiista si rasmiya Bangiga dhexe ee Somaliland u bilaabay qorshe 48 saacadood lagaga bedelayo gudaha Magaalada iyo deegaamada ku hareeraysan. Hase ahaatee wararkii ugu dambeeyay ee hawshan la xidhiidha waxay sheegayaan in wakhtigii loo qabtay lacag sarifka la kordhiyay, Ganacsatadii lacagta sarifeysay qaarkood jabiyeen heshiiskii ay baanka la galeen, isla markaana qaarkood lacagtii Somaliland ee lagu wareejiyay u iib geeyaan Burco iyo in dad ganacsato ah oo lagu qabtay iyagoo wax ku iibinaya lacagta somaliya la xidhay. Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland iyo xubno ka mid ah waxgaradka Magaaladu, ugu yaraan laba Nin oo Ganacsadeyaal ah oo lacagtaa lagu qabtay ayaa xidhan. Sidoo kale waxa la sheegayaa in qaybo ka mid ah magaalada wali lacagtii somaliya laga sii isticmaalayo, hase ahaatee Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in dawlad ahaan lacagta qudha ee ay aqoonsanyihiin ee sharciga ah, isla markaana cashuurta iyo Ganacsiga loo isticmaali karaa ay tahay shilinka Somaliland laga soo bilaabo maalintii shalay oo Jimce hayd, wuxuuse guddoomiyuhu intaasi raaciyay inay wakhtiga u kordhiyeen maanta cidii lacagi wali gacanteeda ku sii hadhay. “hawshaa lacag ka bedelku way guulaysatay , waxaana sharci ah oo Magaalada ka shaqaynaysa lacagtii somaliland, taasaa cashuurta, lagu qaadayaa, Shaaha lagu cabayaa, dadku ku adeeganayaan,qofkii lagu qabto lacagta somaliya isagoo isticmaalayaana waa dambiile, laakiinse dadku waxay ka sarifan karaan oo wali jeebkooda wax ku sii hadheen Sarifleyaasha oo iyagu u bedelaya qofkii lacagtaa haysta, sarifleyaashuna Baanka ayay Dollar keenayaan oo ay lacagta somaliland ka qaadanaayan”sidaasi waxa yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo Caawa khadka Telefoonka ugu waramay Mareegta Gobanimo News Agency. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dad Ganacsato ah oo lagu qabtay la xidh-xidhay iyo inuu Maanta wakhti dheeraad ah amray in lagu daro xiligii loo asteeyay hawsha lacag bedelka, isagoo dhanka kalena Sharaxaad ka bixiyay waxa ay ku kala duwan yihiin habkii Magaalada Burco looga bedelay lacagta Giimbaarta ah iyo tan Ceerigaabo ka socotaa . Waxaanu yidhi “way jiraan dad Ganacsato ah oo la xidh-xidhay oo lagu qabtay iyagoo lacag somaliya wax ku iibinaya, waayo waxay jabiyeen go’aankii aanu siinay, waxana annagu waxaanu ugu talo-galnay inay mudo ku dhamaato, mudadii markii ay dhamaatayna saaka waan u kordhiyay oo waxaan amray in Baanku wixii cusub ee yimaada ka bedelo oo sarifleyaashii iyo Ganacsatadii hawsha waday sii shaqeeyaan
 

Hargeysa Online.

· xaaji on September 08 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>