Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dhalinyaro Taageersan Guddoomiya Ucid Oo Rabshad Ka Sameeyey Xarunta Dhexe Ee Xisbigaasi Oo Shir Ka Socday.

Hargeysa(Hargeysa Online)Dhalinyaro taageersan guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shalay galinkii hore rabshad ka sameeyey xarunta dhexe ee xisbigaasi oo shir uga socday qaar ka mid ah xubnaha xisbigaasi, Sida ay Hargeysa Online u sheegeen xubno ka mid ah UCID.

Dhalinyaradan ayay ujeedadoodu ahayd sidii ay u joojin lahaayeen shirka halkaasi ka socday, kuwaas oo taageersanaa hadalkii guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe warbaahinta ku baahiyey, kaas oo sheegay inuu kala saarayo jagooyinka guddoomiye-nimada iyo musharaxnimada xisbigaas.

Dhinaca kale waxa guul-daraystay dhexdhexaadin ay wadeen xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo uu horkacayo wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed. Waxaana wali ka maqan garabkii kasoo horjeeday gudoomiyaha oo doraad ka hadlay hadalka guddoomiyah, kuwaas oo dadafeeyayna hadalka ka soo yeedhay Fasyal oo ay ku tilmaameen in uu isaga ku koobanyahay xisbigooduna la wadaagin.

Khilaafkan ayaa ah kii ugu xooga waynaa ee soo kala dhex gala xubnaha xisbiga UCID, kaas oo sababay inay gabi ahaanba istaagaan shaqooyinkii ka socday xisbiga.

Waxaana la sheegay inay xarunta xisbiga ka baxsadeen xubno ka mid ah golaha fulinta xisbiga oo uu ka mid yahay kusimaha gudoomiyaha ahna afhayeenka xisbiga, Mudane Xasan Xuseen Codyare.

sidoo kale waxa iyana shalay shir jaraa’id ku qabtay hotelka Maka Al Mukarama ee ku dhaw xarunta dhexe ee Ucid xubno taageersan guddoomiyaha xisbigaas Faysal Cali Xuseen oo sheegay in guddoomiyuhu uu xaq u leeyahay in uu ka hadlo waaqici siyaasadeed ee jira, isaga oo ka wakiil ah xisbiga uu madax ka yahay, maadaama uu dastuurka xisbigu u damaanadqaadayo in uu jihayn karo siyaasada maamul ee xisbiga.

Xubnaha shirkan waxa mid ahaa Xuseen Xasan Badmaax oo ah ku simaha guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ahna xubin ka tirsan golaha dhexe iyo Maxamuud Cali Madoobe oo ahaa guddoomiyihii ololaha doorashooyinkii dalka dhacay 26-kii June ee sanadkii hore ee gobolka Maroodijeex, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo aan loo meel-dayin oo ay ku dhawaaqeen masuuliyiin ay sheegeen in ay khal-khalgalinayaan midnimada xisbiga iyaga oo uga faa’iidaysanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo ay wataan.

Si kastaba ha ahaatee Ismaandhaafkan la soo darsay xisbiga UCID oo hore ay guuldarooyin ka soo gaadheen doorashooyinkii dalka dhacay ayaa saamayn cudud leh ku yeelan kara shirweynaha xisbiga oo la qaban doono 27-ka bisha June ee soo socota, iyada oo soo baxayo ififaalo aan bixinayn saadaal wanaagsan oo uu ku qabsoomi karo shirkaasi, laakiin waxa ay indhuhu ku sii jeedaan waxa dhici doona dabayaaqada bisha June marka la qabanayo shirweynahaas.
 

Mukhtaar cabdi Cilmi.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

HargeysaOnline.Net

· xaaji on May 24 2011 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>