Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxwaynaha Somaliland Oo Furay Kuuliyadda Tababarka Ciidamada Qaranka.

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Shalay Xadhiga ka jaray Kuulliyadda Tababarka Ciidamadda qalabka sida ee dalka oo laga furay dugsigii hore ee Tababarka Ciidamada Milatariga ee Magaaladda Darar-weyne oo 30 Km Waqooyi barri kaga beegan Magaaladda Hargeysa.

Kulliyadda ciidamadda qalabka sida ee dugsiga Darar-weyne laga furay ayaa laga hirgeliyay dhismeyaal kala duwan oo loogu tallo galay saraakiisha ciidammadda ee lagu tababari doono, iyada oo isla shalayba ay galeen dufcadii u horreysay ee Saraakiisha ciidammadda kala duwan ee dalka. Sidoo kale Xafladii loo sameeyay furitaanka Kuulliyadda Ciidammadda Qaranka waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Taliyeyaasha ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan, Xildhibaano iyo masuul tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Madaxweyn Axmed Siilaanyo oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in furitaanka Akaadamigani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee lagu tayeynayo Ciidammadda, isaga oo arrimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan aad ugu faraxsan nahay saraakiisha ciidammadda kala duwan ee ay ka muuqato haybaddii ciidanimo iyo hanaankii Derajooyinka ee hoggaaminta iyo kala dambaynta ciidanka, Ciidammaddu waxay ka mid yihiin astaanta qaranimadda oo la’aantood aanay dawladnimo jiri Karin. Annaga oo ka duullayna mudnaanta ciidanku u leeyahay qaranka, waxa xukuumaddani kor u qaaday mushaharkii sanadkii noogu horeeyay oo aanu kordhinay 100%, iyadoo ay noo taalay qabyo aad u badan , dhaqaalaha dalkuna aad u hooseeyo, dayn aad u badan-na nalagu lahaa, qasnadaha dawladuna ay madhnaayeen”. Madaxwayne Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaad ogtihiin qalabka iyo saanadda aanu ciidanka ku soo kordhinay oo gaadhaya 121 Gaadhi, waxaanu u hawl-galay sugida tirada ciidanka dhabta ah ee ciidanka qarankani haysto, iyadoo aanu ka saarnay liiska in ka badan sadex kun oo caagle ahaa, taasi oo aanu halkoodii ku bedalay ciidan cusub oo la hawl-geliyay. Waxaanay ahayd hawl culus oo aanu ku ammaanayno saraakiishii ciidammadda ee ka shaqeeyay”. Dhinaca Kale Madaxwayne Siilaanyo isaga oo ka hadlaya Mihiimadda ay Qaranka u leedahay derajada ciidanku, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Derajada ciidanku waxay ka mid ahayd himiladii qaranka, waxaanay ahayd hiigsigii xisbigayagii aanu balan-qaadnay xiligii aanu ololaha doorashada ku jirnay, waxaan ku faraxsan nahay in riyadaasi maanta rumowday oo aanu kumanaan ka mid ah ciidammada dalku ay maanta ku labisan yihiin derajadii. Waxaan jecelahay inaan idin dareen siiyo dedaalka la geliyay derajooyinku may ahayn wax hawl yar, sidoo kale dhaqaalaha ku baxay min alifle illaa Jenaral wax fudud may ahayn. Waxaanan idiinku hurnay annaga oo ogsoon kaalinta aad qaranka kaga jirtaan. Maanta waxa la idiin diyaariyay kulliyadii saraakiisha ciidammada oo loo qorsheeyay in dalacaadii ugu horaysay ee saraakiisha ciidammadu maanta ka bilaabmo kulliyadan si loo helo ciidan aqoon leh oo qaran oo garan kara waajibaadka iyo masuuliyadda saaran”.

Hargeysa Online

· abdi on September 15 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired