Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Arragtideeda Shirka Brussels Iyo Sababta Ay Uga Qayb Gali Wayday.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda la xidhiidha shirka dhaqaalaha loogu ururinayo Somalia ee Shalay ka furmay Xarunta Midawga Yurub ee Brussels, taas oo sheegtay inaanu khusaynin Somaliland, isla markaana uu gaar u yahay dawladda Somalia oo dhaqaale lagu taageero loogu ururinayo.

Xukuumadu waxay xustey in sababta ugu wayn ee ay shirkaas u qaadaceen inay ahayd inaanu Somaliland siinin Mudnaanta iyo meeqaamkii ay leedahay, isla markaana aanu tixgalin siinaynin rabitaanka shacbiga dalka ee gooni isku taaga iyo Qaranimadda Somaliland ee lama taabtaanka ah. Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) oo lagu qayaxay in shirkaasi uu mihiim wayn hadana u leeyahay Somaliland, isla markaana waxa ay Wasaaradda Khaarajigu xustey in Somaliland ay imika wixii ka danbeeya ay u gudbayso waji cusub oo ah fullinta Qorsha Horumarinta Qarankan. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in shirkaas ka dhacay Brussels ay beesha Caalamku si rasmi ah ugu qoondaynayso hanaan u gaar ah Somaliland oo ku salaysan mabaa’dii’da Caalamiga ah ee heshiiska cusub (New Deal) uu dhigayo in lagula dhaqmo Wadamada Tamarta yar.Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Xukuumada Somaliland waxay soo dhaweynaysaa kaalmadda bulshada caalamku ku kaalmeynayso gobolka Geeska Afrika. Taas oo sidaas ah hadana Somaliland go’aan adag ayay ka qaadatay in aanay ka qaybgelin shirka Heshiiska Cusub (New Deal) Brussels ee Soomaliya. Shirka waxaan uga gaabsanay inaanu ka qayb-qaadano isaga oo aan Somaliland siinin mudnaanta iyo maqaamka ay leedahay. Isla markaana tixgelin rabitaanka shacabka Somaliland. Wuxuu kaleoo muujinaya sawir khaldan in Dawlada Somalia ka taliso Somaliland. Dawlada Somaliland waa dawlad metesha shacabka ku doortay hab-dimuqradi ah. Mana jiri karto cid kale oo sinaba ku meteli karta danaha shacabka Somaliland. Laakiin shirka maalinta kaliya ah ee ka dhacaya Brussels waa in aanu inaga ilduufin mudnaanta weyn ee ay maalintani leedahay. Maanta, Somaliland waxa ay u gudbaysaa weji cusub oo ah fullinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirka dhacaya Brussels ayay bulshada caalamku si rasmi ah ugu qoondaynaysaa hannaan gaar u ah Somaliland oo ku salaysan mabaadiida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada tamarta yar . Hannaankan gaarka u ah Somaliland waxa uu noqon doonaa qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay saaxiibada deeqbixiyeyaashu ku maalgelinayaan qaybaha mudan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland. Hannaanka gaarka u ah Somaliland gebi ahaantiiba waa mid ka madaxbanaan ka Soomaaliya ee ay taageerayso bulshada caalamku. Mabaadiida iyo mudnaanta hagaya Hannaanka gaarka u ah Somaliland waxay ku dhisanyihiin go’aanka Dawladda Somaliland oo la tashi buuxda la samaynaysa bulshada Somaliland. Waxaanu halkan u caddaynaynaa in Somaliland aanay aqbali doonin hanaan siyaasidaysan oo xambaarsan weedho daciifinaya ama dibindaabyeynayaa raadinta aqoonsiga ee Somaliland. Waxaan uga mahadnaqaynaa deeq-bixiyeyaasha sida ay u tixgeliyaan himiloyiinka shacabka Somaliland, iyo taageerada iskaashiga horumarinta ee tixgelisay duruufaha u gaarka ah Somaliland. Sidaa awgeed, hannaanka Somaliland u gaarka ahi waxa uu xoojinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SHS) ee ay aasaaseen xukuumadaha Denmark iyo UK sannadkii 2012, kaas oo xaqiijiyaanya maamul wanaag iyo xisaab celin laba geesooda ah isla markaana suurta gelinaaya in xukuumada Somaliland iyadu hogaamiso harumarka dalka. SHS waa mid imika si buuxda u hawl-gala. waa sanduuq horumarineed oo ay doorbidayso xukuumadda Somaliland kuna dhiirigelinayso deeq-bixiyeyaasha in ay ku soo biiraan isla markaana ay mucaawinadooda ku xoojiyaan SHS. Labaatan sanno oo ay ku hawlanayd dhisida dawladnimo, Somaliland waxa ay seeska u dhigtay mustaqbal isbedel iyo koboc dhaqaale ku salaysan. Waddanku waa mid nabdoon oo xasilan; caruurteenu waxa ay haystaan fursad waxbarashada dugsiyada hoose oo bilaash ah; waxa aanu fidinay adeegyada caafimaad iyo biyo miyi iyo maagaalaba; muwaadiniintayaduna waxa ay si joogto ah uga qaybqaataan doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mahad waxa iska leh hannaanka adag ee maareynta xisaabaadka qaranka, kordhinta dakhliga cashuuraha iyo ka-hor-tagidda musuq-maasuqa. Miisaaniyadda Somaliland ee 2013 waatii ugu ballaadhnayd ee uguna dheeli-tirnayd ee soomarta taariikhda Somaliland. Sidaa awgeed, xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay dejinta jawi ay mucaawinooyinku ku samayn karaan saameyn weyn taas oo ay xukuumaduna ay dhabarka u ridanayso masuuliyadda hawlaha horumarineed. Laakiin harumarkan kali ma sii wadi karo, waxa aanu u baahan nahay taageerada bulshada caalamka si aanu u xaqiijino himilooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka. In xidhiidh aanu la samayno saaxiibadayada horumarinta anaga oo u marayna qaab-dhismeedka Heshiiska Cusubi waa tallaabo weyn oo aanu ku xaqiijin karno himilooyinkeena

Hargeysa Online

· abdi on September 17 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>