Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiir Warancade Oo Mucaaridka Xukuumada Ku Sifeeyey Xaasidiin Hadii La Yidhaa Shidaalbaa La Qodayaa Ka Naxaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo shalay ka soo noqday socdaal uu dalka Ethiopia ugu maqnaa diyaaradii Ethiopian Airlines ee hawlihii ay ka haysay Somaliland joojisay dabayaaqadii bishii hore ayaa sheegay in ay hawshaasi soo dhameeyeen. Wasiir Warancade ayaa sidoo kale Mucaaridka Xukuumadiisa ku tilmaamay xaasidiin ka naxaya hadii dalka la yidhaa shidaal baa laga baadhayaa, waxaanu intaa raaciyey in dalka uu ka jiro nidaam iyo kala dambayn oo aanu jirin nin Sharciga gacanta ku qaadan kara. Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegay Mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Madaarka Hargeysa oo ay ka soo dageen isaga iyo Wasiirada Duulista iyo Arimaha Dibada, waxaanu yidhi “Waxa kaliya ee uu safarkayagu ahaa sidii aanu u soo celin lahayn xidhiidhka inaga iyo diyaarada Ethiopian Airlines oo ah diyaarad aad u qiimo leh oo dadkeena qurbajooga ah iyo kuweenka kale ee Ethiopia u socdaalayaa ay aad ugu xidhan yihiin, markaa si aynu u daryeelno danaha ummadeena dibadaha inagaga maqan intaba inay tahay diyaaradaasi lagama maarmaan Runtiina sida la sheegay waanu ku soo guulaysanay arintaa diyaaraduna waatan imika timid ee na siday. Ta labaad nagumay adkaan waxyaabihii tabashada ahaa, waayo dawlada Ethiopia waa dawlad aynu saaxiib nahay, waa dawlad aynu jaar nahay, horaa loo yidhi adigu jaarkaaga ma dooran kartid ilaahay baa kuu doora, markaa dad aynu wax badan wadaagno abaal badana la isku leeyahay, dalkani waa dalkii markii umadeena banaanka loo daadiyey waa dalkii albaabada inoo furay ayuu ka mid yahay, maantana waxyaabihii aanu ka wada hadalnay si wanaagsan oo aan dhib lahayn ayaanu ku soo dhamaysanay arintaasina si wanaagsan ayay noogu soo dhamaatay, waxaanaynu runtii u baahanahay hadaynu nahay ummada reer Somaliland inaynu ahaano ummad isku tiirsan, ummad dalkeeda ilaashata, ummad nabadgalyadeeda ilaashata usoo jeeda danaha dalkeeda, maadaama oo aan la ina ictiraafsanayn waxa ina saaran xil balaadhan oo nin waliba uu halkiisa iska xilqaamo oo uu usoo jeedo oo masuuliyada wadankiisa ka saaran uu guto. Ta kale oo ahayd mucaaridku waxay sheegeen mucaaridka bari hore ayaan sheegayoo waxaan idhi waa xasad waanigii joogi kari waayay oo duba waanigii iskaga soo noqday, waxa aan tahay maalin dhaweyd meel la yidhaahdo sanyare oo la isku hortaagay beelihii uu imika ka sheekaynayey wasiirku oo imika rag badan ayaan ugu tagay oo reer miyi kula balamay meesha, waxaan ku idhi waar xageed ka timaadeen waxay yidhaahdeen waar shidaal la qodi maayee meesha wax kale ayaa ka socda oo horaan u sheegoo taxaa hadii la yidhaa shidaalbaa la soo saarayaa ninka mucaaridka ahi wuu naxayaa, waa masiibo waar bal horta bahashaa iska ilaaliya. Maanta waynu ka gudubnay markii la hanjabayey nina uu sharciga gacanta ku qaadanayey, waxaynu usoo gudubnay wakhti aynu dhisanay nimaad iyo kala dambayn (law and order), markaa waxa weeyaan cid ka weyn sharciga haba yaraatee ma jirto, horena waxaan u fasiray shir qaran yaa qaban kara marka dalka dhib laga soo kaban waayaa ay dhacdo ayaa maxadweynaha ayaa ku dhawaaqi kara oo golayaasha dalka lagala tashan karaa oo hadii ay masiibo dhacdo maxaa laga yeelayaa, dadka xoolihiisa ma la qaadanayaa, baabuurta ma la jarayaa, landcurser-kaaga yaa yeelanaya waa marka waxyaabahaasi yimaadaan, balse imika illaahay xamdigii nabad ayaynu ku jirnaa wax dhibaato ahina ma jiraan, saaxiibadayna waxaan ugu balan qaaday in wax alla waxay tabanayaan iyaga iyo muwaadiniinta kaleba uu u furan yahay albaabadayadu, anigaana dawladda u xil saaran wixii nabadgalyo ah iyo wixii cabasho ah, aniguna waxaan qabaa waa rag aan aqaano arintuna maaha arin xadhig

Hargeysa Online

· abdi on September 22 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>