Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Meeqaam Aad U Sareeya Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland.

Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku tagey dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan. Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa meeqaam aad u sareeya ku qaabilay weftiga Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay labada dhinac wada yeesheen kulan qaatay muddo saacaddo ah. Kulanka weftiga Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayay kaga wada-hadleen qodobo badan oo la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal iyo sidii Turkigu uga caawin lahaa Somaliland dhinacyada horumarinta bulshadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka labada dhinac ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay weftiga Somaliland iyo masuuliyiinta dalka Turkigu ka wada-hadleen, isagoo tilmaamay in wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu iman doono Somaliland. “Waxaanu maanta la kulanay ra’iisal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka ganacsiga, waxay si xoogan noogu soo dhaweeyeen xafiiskiisa Ra’ysal wasaaraha, waxa ugu muhiimsan ee aanu aad uga wada-hadalnayna waxa ka mid ah sidii uu wadanka Turkigu uu inooga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta wadada Ceerigaabo, wadada Tog-wajaalle, xaga laydhka, dekadaha, waxbarashada iyo caafimaadka, markaa mashaariic badan ayaanu u qadinay wayna nala garteen inay wax nala qabtaan,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Waxa kale oo aanu ku casuunay ra’ysal wasaaraha iyo xukuumaddiisa inay Somaliland yimaadaan, waxaannu aad u xoojinay inaanu jecel nahay sida wax loo siiyo walaalayadda Soomaaliya in Somaliland-na loo siiyo, maadaama oo aanu nahay laba wadan oo walaalo oo maanta wada-hadallo u socdaan.” Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay inay Raysal wasaaraha Turkigu ka aqbalay in labada dal is dhaafsadaan laba xafiis oo laga kala furro Hargeysa iyo Ankara, waxaanu yidhi “Waxa uu noo ballan-qaaday in raysal wasaare ku-xigeenku iman doono Somaliland oo aanu mashaariicdaa ka sii wada hadli doono, isla markaana waxaanu isla garanay inay xafiis ay ka furtaan Hargeysa, Somaliland-na ay xafiis ka furato magaaladda Ankara.” Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Turkiga ku wehelinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga, Marwadda koowaad ee Somaliland iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Hargeysa Online

· xaaji on October 03 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>