Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Al-shabaab oo ka warbixisay weerar lala beegsaday guri ku yaalla degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerar ay ciidammo ajnabi ah ku qaadeen xalay gellinkii dambe guri ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaas ay soo qaadeen dagaalyahanno reer galbeed ah, balse ay ku fashilmeen, isagoo sheegay in dhankooda hal ruux uu kaga dhintay.

“Xalay 2:00 habeennimo ayaa ciidammo ajnabi ah oo doon yar watay waxay soo gaareen xeebta degmada Baraawe, waxayna doonayeen inay weeraraan guri ku dhow xeebta oo ay ku sugnaayeen rag mujaahidiin ah, balse markii ay xubnihii guriga ku sugnaa arkeen ayaa waxaa billowday dagaal muddo socday,” ayuu yiri Sheekh Abuu-muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in dagaalkaas ay ciidamadii weerarka soo qaaday ay khasaare ku gaarsiiyeen, balse ma uusan sheegin tirade inta ay tahay. Isagoo sheegay in Al-shabaab uu ruux ka dhintay khasaare kalena aysan soo gaarin.

“Ciidamadii weerarka soo qaaday markii ay arkeen in qorshahooda uusan u suuro-galayn ayay dib ugu laabteen doonidii ay wateen iyagoo aaday halkii ay ka yimaadeen oo markab dushiis ahaa, wayna ku fashilmeen weerarkii ay soo qaadeen,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gurigaas la duqeeyay ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya kooxdan, inkastoo uusan sheegin afhayeenku magacyada xubnaha ku sugnaa guriga la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, balse wuxuu noqonayaa weerarkii labaad oo ciidammo ajnabi ah ay ku qaadaan deegaannada Koonfurta Soomaaliya ee ay Al-shabaab gacanta ku hayso tan iyo markii uu sannadkan billowday.

Xaaladda degmada Baraawe oo 200-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa daggan, inkastoo goobjoogayaal ku sugan degmadaas ay shegayaan in ciidammo badan oo Al-shabaab ay dhinac walba u marayaan degmada.

· abdi on October 05 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>