Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Oo Istanbul Kula Kulmay Maalqabeeno Turki Ah Iyo Nuxurka Qodobadda Ay Ka WadaHadleen

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaamiyay ee socdaalka shaqo ku joogay maalmihii u danbeeyey dalka Turkiga, ayaa shalay Magaaladda Istanbuul kula kulmay safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kale oo uu madaxweynuhu kulan la yeeshay qaar ka mid ah Hay’adaha maal-gashiga qaabilsan, ururka maal-gashiga iyo waxsoosaarka iyo shirkadaha waaweyn ee Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland. Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu kulankaas ka dib Warbaahinta ugu waramay Istanbul waxa uu yidhi “Arrimihii aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa doorka maalqabeenada Turkigu ay kaga qayb qaadan karaan kobcinta horumarka dalka Somaliland. Waxaanu ka wada hadlanay sida loo kicin lahaa warshada sibidhka oo kale iyo warshado kale oo laydhka ah”. Wasiir Maxamed C/laahi Cumar wuxuu intaas ku daray in labada dhinac isku waafaqeen in dhawaan ay Somaliland socdaal ku yimaadaan xubno ka mid ah maal-qabeenada iyo sharaa’iga dalka Turkigu, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa  hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa kale oo aanu isku raacnay in dhawaan ay Somaliland yimaadaan koox maal-qabeenno ah oo ay dawladda Turkigu soo dirto, si ay u baadhaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay isla markaana darsaan meelaha maalqabeenadoodu ay maal-gashiga ku samayn karaanba.” Sidoo kale Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay “Waxa kale oo aanu ku heshiinay in aanu koox Ganacsato reer Somaliland ah aanu keeno Turkiga si ay is dhex gal iyo iskaashi ganacsi u yeeshaan ganacsatada wadanka Turkiga”. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ka hadlay Nuxurka uu xambaarsanaa Kulankaas ay la yeesheen Xubinta ugu saraysa Ganacsatada dalka Turkiga, isla markaana ka xogwaramay qoddobadii ay la soo qaadeen Ganacsatada Turkiga ee ay la kulmeen, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu ku dhiirri-gelinay inay wax nala qabtaan, waxaanu u sharaxnay in Somaliland yahay wadan nabad ah oo dihin oo khayraad badan leh, waxaanu ku boorinay inay yimaadaan oo ay indhahooda ku arkaan. Fursadaha faraha badan ee jira waxaan filaynaa inay Ganacsatada Turkigu ay waxyaabo badan inala qaban doonaan”. Dhinaca kale Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Ganacsatadii weftigu la kulmeen ayaa qiray horumarka balaadhan ee Somaliland ka samaysay dhinacyada Nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad badeeda, argagixisadda iyo dimuqraadiyadda.

Hargeysa Online

· abdi on October 06 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>