Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Sayladda Xoolaha Hargeysa Oo Ay Ku Soo QulqulayaanKumanaan Neef Oo Adhi U Badan Iyo Ganacsadaha Al-Jaabiri Oo Kali Ku Noqday Iibsiga.

Saylada Xoolaha ee magaalada Hargeysa ayay si xoog ah ugu soo qulqulayaan xoolaha nool ee kala duwan, gaar ahaan Adhiga oo xiliyadan suuqoodu xaami ahaan jiray marka sanad kasta la gaadho xiliga Carafada. Saylada xoolaha Hargeysa oo Carafadii hore ay iibsiga xoolaha nool gaar ahaan Adhiga ay ku tartamayeen dhawr ganacsato ama shirkadood oo u dhoofiya dalalka Khaliijka ayaa sanadkan u muuqda mid hoos u dhac weyni ku yimid iibsiga xoolahaasi kadib markii Suuqa iibsiga xooluhu todobaadyadii u dambeyey uu kali ku noqday ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri kaas oo dhaqdhaqaaqiisa xoolo iibsiga ee xiligan si weyn looga dareemayo suuqaasi.  kuwaas oo tilmaamay inuu caajis ka muuqdo iibsiga xoolaha ee sanadkan, isla markaana xoolaha ku sugan saylada la kala reebayo halkii ay isku qaadan jireen neefafka waaweyn iyo kuwa dhexe, inkastoo Saylada Xoolaha Hargeysa ay soo gaadhayaan xoolo tiro badan oo ka imanaya gobolada dalka iyo xuduudaha dibada ka ah. Sidoo kale waxa dadkaasi ay ka dayriyeen culayska cashuur cusub oo xukuumadu dhawaan ay ku soo rogtay xoolaha Nool ee dalka ka dhoofaya, taas oo ka dhigtay in xooluhu maraan laba cashuurood oo laga qaado mid marka ay magaalada soo galayaan halka takalena lagaga qaado marka ay suuqa soo galaan sida uu sheegay Jamaal Cabdilaahi Samatar oo ka mid ah dilaaliinta suuqa xoolaha ee Hargeysa u waramay Hargeysa Online ee Saylada Booqday, kaas oo intaa raaciyey in neefka Adhiga ah ee Wanka weyni uu ka joogo Saylada $80 ilaa $82 marka uu jeebluhu iibsanayo marka ay ka sii iibinayaan Ganacsadaha Al-jaabirina ay ka siinayaan Wanka weyn qiime dhan $85. “Cashuurta cusubi ee dawladu ay soo kordhisay waxa ay ka badashay qiimihii Adhiga oo Adhigii laba cashuurood ayaa la saaray marka uu magaalada soo galayo waa la cashuuraa marka uu halkan yimaadana waa la cashuurayaa. Adhigii wuu farabatoo sanadkan meel walba wuu ka yimidmarka uu jeebluhu iibsanayana $80 ilaa 82 ayuu siisanayaa marka uu ka sii iibinayo Ganacsadaha Aljaabiri waxa uu ka siinayaa $85. Carafadii hore iibku wuu ka wanaagsanaa oo wax walba way wanaagsanaayeen, hada xoolihii waa la soo kala reebayaayoo wanka ugu weyni waa $85, shirkadihii waagii hore iibsan jiray ma iibsadaan imika waa Jaabiri oo kaliya”. Ganacsadahan Carbeed ee Al-Jaabiri oo isagu u dhashay dalka Boqortooyadda Sucuudiga ayaa u muuqda mid isagu Sayladaha Xoolaha ee dalka inuu kaga Xoog-roonaaday Ganacsatadii kale iyo Shirkadihii Xoolaha dhoofin jiray ee reer Somaliland sida Shirkadda Indho-deero Group oo iyagu sanadihii hore aad uga dhex muuqan jiray Sayladaha dalka iyo kuwa Mandaqadaba ayaan haba-yaraatee mudooyinkii ugu danbeeyey war laga haynin sababta ay uga quusatay ama looga waayey Sayladdahaas gaar ahaana Caasimadda Hargeysa.

Hargeysa Online.

· abdi on October 09 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>