Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Marnaba Aqbali Doonin In Hawadeeda Laga Maamulo Muqdisho.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, isla markaana ay qaadan doonaan go’aamo iyo dareen ka dhan ah oo saamayn ku yeesha Qaramada Midoobay iyo Somalia. Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa oo uu sheegay in aanay jirin cid dunida cid kale jujuubi karta, balse wax raali lagu wada yahay oo kaliyii ay meel mar noqdaan. Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kaas oo kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Hawada Somalia oo dhawaan sheegay in hawadii wixii la isku odhan jiray Somalia ay ka xukumayaan Muqdisho. Ugu horayna, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo ka hadlayaa sidii ay ku timid in Hawada Somalia lagu wareejiyo Qaramada Midoobay oo laga maamulo Nairobi wuxuu yidhi “Qaramada Midoobay ayaa hawada Somaliland iyo Somalia maamuli jirtay wixii la isku odhan jiray wadankii Somalia (air space) hawadiisa ilaa 1994-kii xiligaa oo qaraar golaha amaanku anisixiyey uu ugu gacan galiyey Qaramada Midoobay. Qaraarkaas la odhan jiray 914 oo dhigayey in si kumeel gaadh ah ay u maamusho Qaramada Midoobay hawadii qarankii la odhan jiray Somalia, waa mashruucan CACAS la odhan jiray ee Nairobi saldhigiisu yahay. Waxa xeerkaasi Qaramada Midoobay uu cadaynayaa in lagu wareejin doono marka ay dhalato dawlad Soomaaliyeed oo dhamaan xukunta dhulkii Somalia ka koobnayd, kaasi markaa waxa uu meesha ka saarayaa fahamka maanta dadka qaarkii qabo oo ah dawlad sheeganaysa magaca Soomaaliyeed oo aan dhulka Soomaaliyeed oo dhan xukumin oo awoodeeda iyo sharciyadeeduna aanu saamaxayn. Dunidan cidina isma jujuubto wax raali lagu kala yahay uunbaa meel maraya, arintaa iyada ah waxaanu nahay anagu bulsho bisil, khasaare yaqaan ah oo ka soo doogtay dhibaato badan nabadana taqaana colaadana taqaana, waxaanu naqaanaa ragu wuxuu galo iyo wuxuu gudo, heshiisyadaanu naqaanaa iyo Ixtiraamkooda, waxaanu filaynaa ama anaga naga go’nayd ixtiraamkooda xukuumad ahaan iyo dawlad ahaan anaga oo shacbigayaga matalayna oo ku kalsoon inaanu heshiiska dhinacayaga meel marino”.

Wasiirka Duulista Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Duulista ee Somalia ayaa yidhi “Waxaanu maqlaynaa anagoon kutiri-kuteen tixraacayn oo tixraacaya Wasiirka dawlada Somalia u qaabilsan hawshan ee dhigayga ah ee ka soo noqday Montreal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho Madaarkeeda oo ka hadlayey in hawadii Somalia oo dhan qaramada Midoobay ku wareejiyeen lagana maamuli doono Muqdisho hawadii Somalia.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, qaramada Midoobayna aanaan ka aqbali doonin, cid kalena aanaan ka yeeli doonin in hawadii dalkii Somalia la odhan jiray loo maamulo sidii aanu ku heshiinay si ka duwan, waxaanu rumaysanahay in hadaladaasi ay yihiin wax la iska yidhi, waxaanu rumaysanahay hadii ninkaasi dawladiisu ku raacsan tahay oo uu ku matalo inay burinayso oo balan-kabax ay noqon doonto wixii aanu wadagalnay, Somalilandna marna ma yeelayso in hawadeeda laga maamulo, cid gaar ahi maamulato oo Soomaali maamulato iyo in Muqdisho laga maamulo toona yeeli mayno. Qaranka Somaliland waxa uu Beesha Caalamka iyo Somalia uga digayaa iska googooshka hawadii dalkii la isku odhan jiray Somalia in qalalaase ku soo kordho, in xasilooni daro ku soo korodho iyo badd-qab la’aan, hawadu waa arin xasaasi ah ma dhaqdo isku qabsi, hadii loo tudhi waayo waxa ay noqon doontaa in anana aanaan u tudhin. Somaliland, Haddii Qaramada Midoobay ay arintaasi ku adkaysato, wada hadal toos ah ayaanu kala galaynaa waxaanu u diraynaa wefti miisaan leh oo dawladeed, hay’adaha qaabilsan arintan, waxaanu kala hadli doonaa in dawlada Somalia heshiisyadii aanu galnay ay ka baxeen iyo in kale, hadii ay arimahaasi ku cadaadaan oo la iska dhaga maro dhawaaqaa iyo dareenka bulshada Somaliland , waxaan cadaynayaa in Somaliland qaadan doonto go’aamo iyo dareen ka dhan ah saamayna ku yeesha qaramada Midoobay, Somalia-na saamayn ku yeelan doona. Dhinaca kale wasiirka duulista hawadu waxa uu sheegay in Airport-ka Hargeysa ay ku darayaan Sagaal boqol ilaa kun Mitir runway-giisa kadib markii dawlada Kuwait ay u kordhisay deeqda dib loogu casriyeynayo Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

 

Hargeysa Online.

· abdi on October 13 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>