Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Golaha Guurtida Oo Qalinka Ku Duugay In Muddo Sanad Ah Ay Mushaharkooda Qaadhaan Lacageed Uga Jari Doonaan Jidka Ceerigaabo.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku ansixiyay dhaqaale qaadhaan ah oo muddo sanad ah ay bishiiba $100 mushaharkooda uga jari doonaan dhismaha waddada Burco iyo Ceerigaabo isku xidha, arrinkaas oo ay soo jeediyeen guddi uu gudoomiye u yahay xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo shirgudoonku u magacaabay inay ka soo talo bixiyaan doorka goluhu ka qaadanayo qaadhaanka waddadaasi. Fadhigii shalay ee golahaasi oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha golahaasi Siciid Jaamac Cali oo fadhigaasi uu gudoomiyihii guddiga loo saaray ka soo talo bixinta qaadhaanka jidka Burco iyo Ceerigaabo Md Cumar Waaye uu ka soo jeediyay go’aanada ay ka soo saareen guddigoodu hawshii goluhu u xilsaaray, ayaa sheegay inay go’aan soo jeedin ah iskula garteen in muddo sanad ah mushaharka golaha bishiiba $100 loogu tabaruco jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo. Intaa ka dib waxa uu goluhu ku ansixiyay soo jeedintaasi oo ogolaaday 33 mudane, 3 mudane way diideen hal mudane-na wuu ka aamusay. Codaynta ka dib oo Hargeysa Online wax ka waydiiyay gudoomiyaha guddiga golaha u soo jeediyay arrinkaa Cumar Waaye sida uu u arko soo jeedintooda meel martay ayaa waxa uu yidhi “Runtii gole weynaha waanu uga mahad naqaynaa go’aanka ay ku ansixiyeen soo jeedintii aanu gole weynaha soo hor dhignay guddigayagii sagaalka xubnood ahaa ee shirgudoonku noo magacaabay hawshaasi dhismaha waddada Burco iyo Ceerigaabo, oo muddo sanad ah bishiiba $100 mushaharka xubnaha golaha looga jari doono waddada Burco iyo Ceerigaabo oo ah mid hawlbowle u ah guud ahaan dalka iyo qarankaba, go’aan kale oo nooga banaanaana muu jirin”

Hargeysa Online.

· abdi on October 13 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>