Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumada Oo Hay’adaha Garsoorka Ku Eedaysay Inay La Shaqeeyaan Kooxaha Dhalinyarada Ee Falalka Amaan Darada Ka Wada Caasimada.

Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay hay’adaha garsoorka ku eedaysay inay ka shaqeeyaan sidii loo sii dayn lahaa kooxaha dhalinyarada ah ee falalka amaan darada loo soo xidho, iyagoo ka qaadanayo lacago ay ku tilmaantay gacan-maris. Sidoo kale xukuumadu waxay dalka ka mabnuucday isticmaalka Baasaaboorka Somalia. Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade oo shalay warbaahinta uga waramay duruufaha amaan daro ee baryahan dambe ay kooxaha dhalinyarada ahi ka wadaan caasimada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan ka xumahay inaan halkan ka sheego in maxkamadaheena qaarkood ay la shaqaynayaan dhalinyaradaas, waxaanu qabanay boqolaal Waxaa jirta in marka dhalinyaradan la soo xidho ee kufsi ama boob lagu soo xidho, in maxkamadu ay ku sii daayaan wax-yar oo gacan maris ah, dibaatada jirtaa waa habeen uma hoydaan xabsiga Arrintaasina ma aha mid aanu u dulqaadan karno waananu ka wada hadli doonaa Maxkamadaha” Wasiir Waran-cadde waxa uu mar kale baaq u diray dhalinyarada iyo waalidiintaba waxaniu yidhi “Waxaan maanta doonayaa inaan halkan farriin uga diro Caruurta habeenkii rabshadaha ka samaysa xaafadaha magaalada iyo shacabka reer Somaliland oo aan leeyahay u dhego nuglaada baaqa iyo tallooyinka waana in aan dhamaanteen ka hortagno cid kasta oo nabad galiyadeena wax u dhimaysa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaa jira caruur habeebkii xaafadaha ku dhiba dadka waxaan leeyahay waalidiinta Caruurta xun-xun dhalay haddii aad qabsan waydaan idinkaanu idin edbin doonaa oo aanu idinku bedali doonaa” Wasiir Waran cade oo hadlaya isticmaalka Baasaaboorka Somalia ee Safaarada Itoobiya ay Hargeysa ku fiisaysayso waxa uu yidhi “Waxaan xalay ka maqlayay TV-yada dawlada Somalia oo u dabaal dagtay Baasaaboorka Somalia oo Somaliland ay qaadatay, waxaan leeyahay been baad u dabaal dagteen, Somaliland Baasaaboor gaara ayay leedahay waxaananu u badalaynaa E Baasaaboor, Baasaaboorka Somalia-na maaha Baasaaboor dawladeed”.

· abdi on October 28 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>