Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shirkii somalida uga furmay dalka turkiga oo la soo gabagabeeyey.

Istanbul(Hargeysa Online)Shirwaynihii ay dawladda Turkigu muddada dheer soo diyaarinaysay ee ku saabsanaa Somaliya ayaa maanta lagu gabagabeeyay xarunta shirarka ee dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Istanbul.

 


Shirkan ayaa qaybtiisii hore oo socotay muddo seddex maalmood ah maalintii arbacadii dhammaday waxana ka qaybgalay ururrada rayidka Somaliya iyo odyayasha dhaqanka ee Somaliya iyo masuuyiin kale oo la soctay waxaana si qotto dheer looga hadlyay arrimo la xidhiidha dariiqa nabadda ee Somaliya iyo sidii loo soo dhisi lahaa dawladii Somaaliyeed ee badali lahayd maamulka ku meelgaadha ah ee Somaliya. Waxayna isku raaceen in la soo afjaro xilliga ku meelgaadhninmada bisha sideedaad ee sanadkan, cidii ka hortimaadana layska qabto.
Qaybta labaad ee shirka oo oo kala ahayd 31 ka bisha May iyo 1 June ayaa iyaduna maanta la soo dhameeyay. maalintii hore waxaa laga hadlay arrimaha ku saabsan dhaqaalaha iyo mucaawinada. Waxaa shirka lagu soo bandhigay sida caalamku diyaarka ugu yahay inuu bixiyi taageero buuxda oo leh dhaqaale iyo farsamo. Waxaa ka soo baxay in Somaliland la siin doona qayb ka mid ah wixii taageero ah ee dawladda Turkigu ama deeeq-bixiyayaasha kaleba bixiyaan.
 
Gaar ahaan dawladda Turkiga ayaa sheegtay in xafiis lagu maamulo deeqaha ay siinayso dawladda Turkigu Somaliland ay ka furan donaan magaalada Hargaysa ka soo fududeyn doona deeqaha u gaarka ah Somaliland. Xafiiskaasi oo sidoo kale qaban doona arrimo la xidhiidha siyaasadda iyo fiisooyinka markay ku haboonaato. Waxaa kaloo ay sheegen in uu Somaliland dhawaan booqosho ku iman doona Raysal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga.
 
Dhinaca kale shirkii maanta oo 1 June ahayd ka dhacay madasha shirka ayaa wuxuu ahaa shir caalami oo faaiidyin kale u keenay Somaliland siday inoo xaqiijiyeen goobjogayaal ku sugnaa madasha shirka. Shirkan oo ay ka soo qaybgalaan ilaa 60 dal oo ka tirsan beesha caalamka ayaa Somaliland lagu marti qaaday inay iyadoo ku hadlaysa magaca Somaliland shirka uga soo qaybgasho sida wadamada kale. Waxaana la siiyay baratakool buuxa. Shirkan oo markii hore la moodayay inuu yahay shir Somaliya dawlad loogu dhisayo oo Road Mapka lagu lafo guraayo ayaa noqday shir caalami oo dawlad waliba hadalkeeda ka dhiibanayso. Waxayna Somaliland heshay fursad ay kala hadsho shirwaynayaha qaddiyadeeda siyaasadeed ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar oo ahaa madaxa waftiga Somaliland ayaa shirka laga siiyay qudbad inuu ka jeediyo. Wasiirka arrimaha dibadda  Somaliland ayaa khudbaduu halkaas ka jeediyay waxay nuxurkeedu  ahaa in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku soo dhawayn lahayd madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, siin lahaydna aqoonsi siyaasadeed. Waxaa kale wasiirku ka warbixiyay kaalinta muhiimka ee ay Somaliland kaga jirto horumarka dimuqraadiyadda, nabadgalyada iyo dhaqaalaha gobolka. Wuxuu wasiirku shirka ugu baaqay in Somaliland iyo TFG loo arko laba dal oo si siman uga wada hadli kara danahooda, isagoo ku baaqay in aan  arrinta Somaliland lagu dhex khaldin hawlaha heshiisiinta iyo dawlad samaynta Somaliya u socota. Wuxuu kaloo wasiirku shaagay in dawlada Somaliland taageersan tahay qodobkii lixaad ee shirkii London ee ku baaqay inay lada dhinac yeeshaa kulamo u gaar ah oo danahooda kaga hadlaan, wuxuuna shirkan u soo jeediyay in lagu soo daro qodobkaas heshiiska shirkan Istanbuul, yadoo dhammaadkii shirka la qaatay qodobkii lixaad ee shirkii London, kasoo aan hore ugu jirin baaqa shirka Istanbuul.
Waxayna arrintani keentay in lagu daro heshiiskii ka soo baxay shirka qodob qeexaya in Somaliland iyo TFG lagu taageero sidii ay u yeelan lahayeen wadahadalo la xidhiidha xidhiidhkooda,  yadoo meel layska dhigaayo wixii turxaan soo galin kara wadahadalka labada dhinac, wuxuu shirku u arkay in wadahadalkasi ku kooban yahay labadii Jamhuuriyadood ee midoobay Lixdankii. Ku waas oo hadda noqonaaya Somaliland Iyo Somaaliya. Waa markiilabaad ee beesha caalamku qirto jiritaanka siyaasadeed ee Somaliland ,islamarkaana ay dhammatay wixii la odhan jiray Somaliya midnimadeedu waa muqadiis. Go´aankani wuxuu guul wayn u yahay madaxbanninada Somaliland iyo baadi goobka ay ugu jirto aqoonsi siyaasadeed.

 

Safiya axmed Faarax
Hargeysa Online Networks
Istalbul,Turky

· xaaji on June 02 2012 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired