Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qarax ka dhacay Dhisme ganacsi oo Koonfur Afrika ku yaalla iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loo geystay.

Dhisme ganacsi oo lagu magacaabo Eastgate Mall oo ku yaalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa qarax ka dhacay, iyadoo ay halkaas ku dhaawacmeen shan qof sida ay sheegeen booliiska Koonfur Afrika.


Qaraxan oo aan la ogeyn walaxda loo adeegsaday ayaa ka dhacay dukaan uu ku lahaa gudaha dhismahaas nin u dhashay Laatiin Ameerika oo dalkaas ku tagay qaab magan-galyo doon ah, iyadoo booliisku ay ku hayaan dadkii ku dhaawacmay shilkaas isbitaal ku yaalla magaaladaas.
“Runtii lama oga wuxuu ka dhashay qaraxa, booliiskuna wax faahfaahin ah oo dhaaraad ah kama bixin, waxaase socda baaritaanno, dadkii dhaawaca uuu soo gaarayna waxaa lagu ilaalinayaa isbitaalka waana laga shakisan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Raabbi oo ah mas’uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Koonfur Afrika.
Dhismaha ganacsi ee qaraxu ka dhacay ayaa waxaa lala leeyahay Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi, kaasoo qarax lala beegsaday bishii September ee sannadkan, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof.


Labadan dhisme ayaa waxaa isla leh hal shirkad oo lagu magacaabo Bikin Pet oo laga leeyahay dalka Israa’iil, iyadoo ciidamada amniga ay Koonfur Afrika ay baaritaan ku haayana ninkii labaa dukaanka qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale, Raabbi oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in wiil dhalilnyaro ah oo Soomaaliyeed lagu dilay xalay fiidkii deegaan 15-km u jira magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, mid kalena la dhaawacay.
“Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Axmed isku meel ayaanna laba sano dagganayn, sidoo kale waxaa rasaastii marxuumka lagu dilay ay dhaawacday Ciise Madoobe oo ay isla shaqeysan jireen. Maydka iyo dhaawacana waxaa la dhigay isbitaalkii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacya suuqa ganacsi, wayna diideen booliiska inaan maydka aasno saaka,” ayuu Raabbi hadalkiisa ku daray.
Koonfur Afrika ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool; iyadoo sidoo kalena la boobo goobaha ganacsi ee ay leeyihiin dadka ajaanibta ah ee dalkaas ku nool.

· abdi on November 14 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>