Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Hadlay Sida uu ku dhashay Jaafaajiriqa.

Iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf soo dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa ka hadlay halka uu salka ku hayo khilaafkan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo la hadlay Shabakadda Sabahi Online ayaa sheegay in khilaafka uu salka kuu hayo sida isbeddel loogu samaynayo golaha wasiirrada. Isagoo xusay in ra'iisul wasaaruhu doonayo inuu isku-shaan-dhayn ku sameeyo wasiiradda xukuumaddiisa, halka madaxweynuhu uu ka doonayo in ra'iisul wasaaruhu is casilo si markaa uu u soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub.

Yuusuf wuxuu sheegy in ra'iisul wasaaruhu uu a wood uga haysto dastuurka inuu isku shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, laakiin ay waajib ku tahay inuu horkeeno barlamaanka horkeeno si loo ansixiyo.

"Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu magacaabo ra’iisul wasaaraha, balse awood dastuuri ah uma lahan inuu waydiisto inuu istaqaalad keeno. Waayo shaqada ra'iisul-wasaaraha waa inuu dhiso xukuumadda oo uu hor-geeyo baarlamaanka si loo ansixiyo; laakiin ma ahan inuu oggolaasho uga raadiyo madaxweynaha sida ku xusan qodobka 100-aad ee dastuurka," ayuu yiri xildhibaan Yuusuf.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa isna sheegay inay dhawaan la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha oo ay u sharraxeen halka ay ka taagan yihiin muranka siyaasadeed ee u dhexeeya.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu noo sheegay in madaxweynaha iyo isagu ay isku hayaan arrimo dastuuri ah oo ku saabsan sida loo magacaabayo golaha wasiirrada, sida wasiirkan aniga iigu dar iyo wax la mida," ayuu yiri Barre, isagoo sharraxay in markii ay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ku guul daraysteen inay isku-fahmaan isku shaan-dhayntana uu madaxweynuhu ka dalbaday ra'iisul wasaaraha inuu is casilo.

Sidoo kale, xildhibaanka oo sii hadlay ayaa yiri: "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu doonayaa inay si wadajir ah ugu tagaan baarlamaanka oo ay qaddiyaddaas ku xalliyaan si sharci ah, halka uu madaxweynaha doonayo inuu ra'iisul wasaaruhu is casilo; iyadoo aan la isla aadin baarlamaanka."

Xidhibaan Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ayaa isna qaba inay sharci-darro tahay in ra'iisul wasaaruhu magacaabo golaha xukuumadda isagoo aan haysan oggolaashaha madaxweynaha.

"Ra'iisul wasaaruhu wax xaq ah uma lahan inuu magacaabo wasiirrada oo uu u gubiyo baarlamaanka. Waa inay marka hore madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu isku raacaan liiska wasiirrada," ayuu yiri Xoosh. Isagoo intaas ku daray: "Haddii aysan isku raaci karin, meesha ugu dambaysa ee ay labada hoggaamiye ku xallin karaan khilaafkoodu waa barlamaanka," ayuu yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay Muqdisho ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inayan ka hadlin khilaafka labada mas’uul ee dowladda Soomaaliya u dhexeeya.

Jawaari ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in baarlamaanku uu awood u leeyahay xallinta muran kasta oo yimaada, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan baarlamaanka Soomaaliya.

"Haddii uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeya hoggaamiyayaasheenna, ugu horreyn waa inay ka wada-hadlaan khilaafkooda oo isku dayaan inay si nabad ah ku xalliyaan," ayuu yiri Jawaari. "Haddii ay taas dhici wadyo waxaa go’aan ka gaaraya baarlamaanka, waayo sababta ugu wayn baarlamaanka loo dhisay waa inuu xalliyo khilaafaadka caynkan oo kale ah.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaariha ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaan gudaha dalka, iyadoo ay si gooni-gooni ah uga hadlaan culummada, bulshada rayidka ah iyo qaybaha bulshada.

 

 


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland

· xaaji on November 17 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>