Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Somaliland Oo Madaxwaynaha Somalia Ku Eedeysey Faro-Galin Ka Dhan Ah Digniin Culus U Dirtay .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Maamulka magaaladda Muqdisho oo uu ugu horeeyo Madaxwaynahooda Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inay faro-galin wayn ku hayaan arimaha gudaha dalka, kuwaas oo uu ku sifeeyey cadawga ugu wayn ee Wadankani leeyahay, isla markaana sheegay inay adeegsanayaan oo ay fal-qalalooyinkaasi u soo wakiisheen dad reer Somaliland oo ay dhaqaale fara-badan siiyaan.

Wasiir Warancade waxa uu xusay inay bulshadda Somaliland u soo bandhigi doonaan shaqsiyaadka cadawga dalka u adeegsaya ee gudaha jooga, kuwaas oo uu tilmaamay inuu hayo cadaymo dhab ah oo iftiiminaya shaqsiyaadkaas.

Wasiirka Daakhilga Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa uu sidoo kale digniin u diray labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani oo uu uga digay inay isku dayaan qabashada shirka qaran ee ay hore u iclaamiyeen inay qabanayaan, kaas oo shirkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid la damac-san yahay in lagu burburiyo nabad-galyada iyo xasiloonida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Warancade waxa uu sidaas ku sheegay shirjaraa’d uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay xaaladaha wakhtigan ka taagan dalka, ugu horayna isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Somaliland waxay ku caano maashay oo ay halkaasi ku soo gaadhay nabadgalyo iyo xasilooni, waxaana caalamku inagu qiimeeyaa deganaanshaha oo runtii dawlad iyo shacaba aynu iskugu gaynay si dalkeenu u gaadho horumar iyo Ictiraaf, arintaasina waa arin Ilaahay (SWT) ina waafajiyey oo dadkeena reer Somaliland-na ay u bisil yihiin maadaama oo dadkeena mudo dheer gidaarka madaxa loola dhacayey oo dadkeenu dad waayo arag ah oo rag badan oo siyaasiyiinta ahi ay ku dhex-hirdameen, maantase waxaad moodaa in dadkeeda iyo dawlad-deenuba ay waayo arag yihiin hase yeeshee cadawga Somaliland kamuu hadhin ama dhib wayn bay ku tahay deganaanshaha iyo xasiloonida Somaliland ka muuqda maantu”.Warancade isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Cadawga Somaliland ay leedahay ee ugu horeya waa Dawlada Somaliya ka dhisan, waxay wadaan, gaar ahaan Madaxweynahoodu in ay Somaliland ka dhex abuuraan fadqalalo siyaasadeed oo degenaansho la’aaneed, sidaasi awgeed waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan Kooxo reer Somaliland ah oo ay si macno daro ah u duufsadeen, kuwaasi oo ay doonayaan inay sidda Soomaaliya oo kale dalkeena ka dhigaan, oo ay ka dhex abuuran muran siyaasadeed, waayo dalka Soomaaliya halkaasi waxa gaadhsiiyey muran siyaasadeed iyo mid madaxnimo, in taasi oo kale ay dalka laga abuurayo ayaanu xogaha ku haynaa oo waliba lagu bixiyey hanti faro badan, tallo badana lagu bixiyey, si dadka reer Somaliland la iskaga horkeeno si degenaansho la’aan looga dhex abuuro. Inagu waxaynu sameysnay si arrimahasi uga baxsano nidaam iyo dastuur iyo sharci, markaa haddii sharcigaasi laga gudbo waxa u suurto galaysa dadka cadawga wakiilka u ah inay ku guulaystaan inay Somaliland ay la mid noqoto Soomaaliya, laakiin ILAAHAY ayeynu taasi ka hoos galnay inaguna waxaynu nahay dad soo jeeda. Sidaas awgeed baryahan danbe waxaan maqlayey arrimo badan oo aan dalkeena dhaqan u ahayn oo ah in nidaamkii dawladnimo inta laga booday la yidhado waxa la qabanayaa shirweyne Qaran ee ha la isugu yimaado, anigu arrintaasi waxaan u arkaa inay horseed u tahay in dalkan laga abuuro fadqalalo oo cadawgu u maleego dibin-daabyo, waxaan leeyahay dadka leh maalin heblaayo ayaanu fawdo qabanaynaa ama maalin heblaayo ayaanu shir qabanaynaa ama tallo qaran waxaan leeyahay arrimaha aad wadan waxay horseed u tahay Fawdo, fawdadaasina waxay ku koobnan doonta cida ka masuul ah ee ku kacday, dawladuna iyada u xilsaaran in cid kasta oo fawdo iyo sharci jabin ka wada in ay ka qabto xil kasta oo uu hayo”.Wasiirka Daakhiliga Cali Waran Cade mar uu ka hadlayey cadaymo uu sheegay inuu u hayo shaqsiyaadka burburinta Somaliland loo soo adeegsado oo uu ku hanjabay inuu soo bandhigi doono, waxa hadalkiisa ku bilaabay “Shacabkeenu uma baahna khal-khal dalkeenuna uma baahna khalkhal, cadaw badan ayyenu leenahay hadaanay jirin cid u adeegsaysa cadowgaa aan sheegay oo runtii aan jeclahay hadii ay sii socoto inaan daaha ka qaado Faylasha aan ka hayo iyo dadka magacyadooda aan hayo ee ku jira fal-qalalada Somaliland lala maagan yahay, waxaan runtii jeclahay inta ka horaysa inaan u caqli celiyo oo waxaanu jecelnahay inaanu ka wada-hadalno oo waxaanu jecelnahay inaanu hoos ugu sheegno si aanay ugu dhicin god-kaa loo qoday”.

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on November 20 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>