Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Shaqaale Dhoofay Iyo Kuwo Dhintay Oo Mushaharkooda La Qaato.

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa la sheegay inuu shaqadii ka joojiyey maareeyaha telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas, kaas oo uu Wasiirku amarka shaqo joojinta ah faray ciidanka Ilaalada xarunta wasaaradda warfaafinta, isla markaana ku wargeliyey inaanu soo gali karin maareye Khadar Cali Gaas.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale shalay ka dhawaajiyey mushaharo shaqaale hore oo waxna dhoofeen qaarna dhinteen oo la lunsado, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa ku jira shaqaale dhoofayba oon dalka joogin, waxa ku jira qaar dhintayba oo hadana mushahar qaadanayey, waxa ku jiray qaar ma shaqayste ah oo lacag la siinayey oo ka mushahar iyo guno badnaa qaar shaqeeya oo 24-ka saacadoodba meeshana jooga.

Shaqaalahaa si fiican ayay u soo kala sooceen, qaar badan baa shaqaalaha dheeraadka ku ah wasaaradan ay sheegeen kuwo shaqo in loo abuuro u baahana way sheegeen, anaguna waxanau u sheegaynaa dadka hadii aad duulduul maqashaan marka sidan oo kale wax loo saxayo qaarkaa dhibsada, kuwa dhibsada xantooduna way dheeraysaa, kuwa cadaalada loo samaynayo ee tirada badana aamuskooda ayaa saba inay xanta iyo beenta ka dheereeyaan. Waxaanu se u jeednaa in aanu raaligalino shaqada iyo shaqaalaha iyo qofka shaqaynaya” ayuu wasiir Cukuse yidhi mar uu shalay hay’add ka gudoomayey qalab ay ugu deeqday.

Sidoo kale arrintan ayaa sida la sheegay salka ku haysay khilaaf mudooyinkii u danbeeyey ka dhextaagnaa labadaas masuul, kuwaas oo sida ay ilo wareedo ku dhaw-dhaw Hargeysa Online u sheegeen isku qabtay guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyaan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha telefeshinka qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay, isla markaanataasi sababtay in guddidaasi saaritaankeedu ay dhalisay xiisada ka dhextaagan wasiir Cukuse iyo maareeye Khadar Cali Gaas.

Xogaha laga helayo khilaafkaas sababay in shaqada laga joojiyo maareeyaha telefishanka Qaranka Mr Gaas oo markii uu isagu shalay subaxnimadii u soo shaqo-tagay xafiiskiisa ay ciidanka Booliska ee xaruntaasi ka hawl-galaa ay u diideen inuu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo  u sheegay in ay qabaan amarka Wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse iyo maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa iyagu labadooduba ah laba masuul oo digreeto madaxwayne ku magacaabay, walow aan ilaa imika si rasmi ah loo saadaalin karin halka kuu ku danbayn doono khilaafka soo shaacbaxay shalay subaxnimadii.

Dhinaca kale khilaafka noocan oo  kale ah ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee ka dhex-qarxa madaxda ugu saraysa ee wasaaradda warfaafinta oo ka mid ah hay’adaha ugu miisaaniyada badan wasaaradaha dalka, ayaa xiisadaha noocan oo kale ah waxa ay hadda ka hor hore u dhexmareen wasiirkiii hore ee warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo maareeyihii hore ee telefishanka qaranka mr Axmed Saleebaan Dhuxul, taas oo uu wasiir Boobe shaqada ka joojiyey sidan oo kale, sababteyna aakhirkii inuu madaxwayne Siilaanyo xilkii ka qaado.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on December 02 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>