Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dhalinyaro Somali ah oo ku xidhnayd Xabsiyadda Jasiiradda Maldives oo Gaalkacyo laga soo dajiyey.

Garoonka diyaaradda magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa maanta laga soo dajiyey 40 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo ku xir-xirnaa xabsiyada ku yaalla jasiiradda Maldives.

Dhallinyaradaan waxaa la sheegay in xabsiyada ay ugu jireen falal la xiriira inay kusoo xad-gudbeen biyada jasiiradda Maldives, waxayna dalkaasi ku xirnaayeen tan iyo sannadkii 2009-kii.

Agaasimaha la dagaallanka burca-badeedda Puntland, C/risaaq Maxamuud Dirir oo dhallinyaradan waday ayaa warbaahinta u sheegay in dadaal dheer ay muddo ugu jireen sidii dhallinyaradan dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen ayna ku guulestan xilligan dadaalkoodii.

“Waxaan maanta keenay dhallinyaro gaaraysa 40 kuwaasoo aan ka keenay jasiiradda Maldives, waxaana tan iyo 2009-kii ay ku xirnayeen xabsiyo ku yaalla jasiiraddaas, runtii marxalado badan ayay soo mareen, waxayna intaa u xirnaayeen waxaa ugu horreeya dowlad la'aanta ka jirta dalkeenna, balse xilligan waan ku guulesanay inaan dhallinyaradan xorriyadooda u soo celino, waxaana xaqiijinayna dhallinyaradan inaysan ahaayn burcad-badeed, iyagoo u xirnaa inay ku xad-gudbeen biyaha jasiiradda Maldives,” ayuu yiri C/risaaq Dirir.

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay agaasimuhu in la dagaalanka burcad-badeeda Puntland in dhalinyarada maanta ay keeneen ay yihiin kuwo xor ah oo aan xabsi dambe ku laabanayn, isagoo intaa ku daray in Puntland xilli walba ay ku dadaalayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dalal dhowr ah loosoo dayn lahaa, maadamaa uu sheegay qarkood inay dhibaatooyin badan qabaan.

 



Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa marar badan soo celiyay tiro dhallinyaro ah kuwaasoo ku jiray xabsiyada dalal dhowr ah oo u xiraa falal burcad-badeednimo ah.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on December 03 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>