Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Komishanka Oo Sheegay Inay Doorashada Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadu Ay Dalka Ka Qabsoomi Doonto Badhtamaha 2015.

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddida doorashooyinka qaranka ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheeyeen inay doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay ugu tallo galeen inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sanadka 2015-ka ay isku mar ka dhacaan dalka.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Qaranka Axmed Maxamed Xirsi Geelle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale tafaasiil ka bixiyay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo iyana uu sheegay in dalka laga samayn doonto horaanta sanadka 2014-ka, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan doonaynaa inaan idin la socodsiino halka ay marayso hawshii diiwaan galinta codbixiyaha ayaanu doonaynaa inaan idiinka warano ka saxaafad ahaan iyo dadweynahaba, doorashadii ugu danbaysay waynagii bilaa diiwaangalin ku galnay markaa wixii ka dhacay weynagii ogayn, markaa waxa la go’aansaday inaan tan soo socota diiwaangalin la’aan lagu galin ayaa Baarlamaan iyo cid waliba isku wada raacday”.

Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in sanadkan dhamaadka ah horaantiisii ay bilaabayaan hawsha diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo sidii loo qaban lahaa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Hawsheedii baanu markaa sanadkani markii uu bilaabmayba 2013-ku ayaa hawsheeda uu komishanku uu galay oo aanu xidhiidho la samaynay  deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ee wadanka gudihiisa,  markaa laga soo bilaabo bishii 3aad  ee sanadkan ilaa bishii 6aad waxaanu wada hadlayey Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Wasaarada Daakhiliga oo labadaba runtii ay khusayso hawsha diiwaangalintu, oo Komishanku u xilsaaran yahay diiwaangalinta codbixiyaha, dadka codaynayana wasaarada daakhiliguna u xilsaaran tahay. Diiwaangalinta madaniga ah iyo aqoonsiga cidda muwaadina iyo arrimahaa, markii aanu anagu dhamaysanay waxaanu u yeedhnay daneeyayaasha kale ee ay ka mid yihiin axsaabta qaranku waayo iyagaa ku tartamaaya nidaamka waxaana laykugu yimi shir Saddex geesooda, waxaana aanu go’aansanay in la kala saaro labadaa diiwaan galinood ee madaniga iyo codbixiyayaasha, dabadeed heshiis ayaanu kala saxeexanay oo aanu u gudbinay Qaadhaan bixiyayaasha.”

Axmed Maxamed Xirsi Geele afayeenka Komishanku  waxa kale oo sheegay in qabashada diiwaangalin doorashooyinka ay tartan u galiyeen Shan hay’adood, waxaanu yidhi “ Waxaanu ku tartansiinay shan shirkadood oo caalamiya oo arrimahaa diiwaan galinta ku takhasusay oo ay midi tahay shirkad Ingiriisa oo Eras la yidhaahdo oo waagii diiwaangalintii hore inaga xumaatayna aakhirkii aanu u yeedhanay  oo  nala sifaysay diiwaan galintii hore ee xumaatay oo muddo lix bilooda halkan inala joogay oo runtii ah dad khubaro ah ayaa ka mida, waxaa ka mida qolo la yidhaa international origination for immigration, oo hadaba wasaarada arrimaha gudaha diiwaan galinta madaniga ah, waxaa kale oo ka mida  International  Foundation for Electonic systems oo caalami ah oo dunida oodhan ka qabta, inkastoo wali inaga inala shaqayn hadana afganistaan iyo meelo badan bay ka soo sameeyeen, waxaa kaloo ka mida hada Electronic institute of south Africa, waxa iyana ka mida Creative associate  oo Maraykan ah, shantaa ayaanu ku tar tansiinay, waxaana ku guuleysata markii aanu kala saarnay Creative associate waxaanay imanaysaa dalka iyadoo eegi doonta oo qiimayn doonta  qiimaha uu  ku kacaayo  iyo wax qabta dadka ku celcelinaaya   markaa markay dhamayso sadex nooc ayuunbay ina kala dooransiinaysaa waxaanay imanayaan sanadkan cusub  bisha koowaad,  Liiska codbixiyaha waa inaanu hayno sanadka 2014 horaantiisa oo waliba lagu kalsoon yahay

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· xaaji on December 08 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>